A. Xasanow wixii Shalay ku daashaday, Maanta yaanay dabino kuu dhigin!

Xasanow wixii Shalay ku daashaday, Maanta yaanay dabino kuu dhigin!

DARSI U QAADO OO DHIGO! — Ibraahim Cabdi Geele – Dowladkasta oo Soomaaliya waxay ku abaaday is qabqabsiga Madaxda sare, waxay guntoodu tahayna lama garanayo, waxaa amuuro caado dhaqan oo kale noqday, oo aan laga kabsan habeen iyo maalin, waana la hareen dalka, waxaadna dareemaysaa in laga soo kabsan waayey oo arintu noqotay, diiday oo wax xal ah oo soo raacayaa aysan jirin.

Teaser Image Xasanow wixii Shalay ku daashaday, Maanta yaanay dabino kuu dhigin!

Afrikaanku kama caqli xuma benu aadamka dunida ku nool, ee waa ka daacadsan yahay, waxa dhibaatadda ku haya ayaanu fahmayn sida loola tacaamulo, waa wadaad shaydaan la tacaamulay oo kale, waayo qiyaanadda sida loola dhaqmo culimada la garanayo waxay fahmayaan maaha, waayo jidka qaloocan inta baratay oo kaliya uun baa fahmaysa sida looga maato, ama looga sama baxo.

Dhibaatada dalkeenu iyo reer hebelnimadu waxay na gaarsiisay ficilada ugu liita ee aadamigu aqbalo, waa laba arimood oo waligeed aysan soomaalidii jaahilka ahayd ka dhicin, waxayna kala yihiin:

  1. Aqbalaadda kala qaybinta soomaalida dhexdeeda ah, waa waxay iska diideen odayaasheenii ahlu xigmadda ahaa ee aan cilmiga badan lahayn sida naloo sheegay, ee fahmay dunida sida ay u nooshahay, runtii cilmi waxaa la yiraahdaa midka yaraantiisa kugu anfaca, badnaantiisuna mugdiga kaa saara, ee ku dareensiiya in sida loo noolaadaa ay ku quban tahay xornimo iyo iskaashi walaalnimo oo gaaraysa dhamaan inta afka soomaaliga ku hadasha oo dhan.
  2. Tan labaad waa qabaliga soomaalida ay isku disho oo gaaray meel aan taariikhda waligeed la arag, looguna soo dugaalay, dhaqan ahaan soomaalida marka collaadi dhex marto caqliga yaalay wuxuu ahaa in qolooyinkale oo soomaaliyeed soo dhex gasho dadkaasi oo ay kala qabato oo heshiiska laga shaqeeyo, laguna jiro illaa dhamaan xeerka yaalay lagu kala baxo, oo dadka si illaahay dartiis ah loo kala saaro, kadibna wixii dhacayba xaajo dheer ka dib, lays cafiyo, layskuna uur fayoobaado. Beryahan waxaa soo baxday Aniga Tuuladayda anigaa iska leh, dadka kale waxba iigama galin, ii ood tuuladaan, gaashaan Buuraysina la noqo nacabkii kala daadiyey ummadda soomaaliyeed.

Dhamaan dhaqanadaasi wax la garan jiray maaha, waa dhaqan soomaalida ugub ku ah, sideedaba ugub hadday wax yihiin, muddo dheer waa jirayaan waxaana caadiyan lagu daraa haddii daliil dhaqan loo waayo xeerka dhaqanka ummadda soomaaliyeed ee asalka u ah miisaanka halbeega umada lagu kala saaro ee ay dhamaantood ku wada kalsoon yihiin.

Ayadoo ay sidaas tahay oo dhibaatooyinkaasi ay ku soo kordheen ummadda soomaaliyeed ayaa haddana waxaanan laga garaadsan, dadkiina cid ku baraarujinaysaa aysan jirin, habka dhaqankan foosha xun ee ay ku caan baxeen soomaalida qaar ee habeen iyo maalin la qaylinaya waxan munaansab ku ahayn qiyamka soomaaliga ah ee illaahay sharafta siiyey.

Marka loo baahdo caadiyan in xal laga gaaro arimaha muhiimka u ah horumarinta nabad, daganaanshaha iyo dib u dhiska dalka, waxaa ugu horeeya ee ahmiyadda la saaraa waa habka isku dheeli tirka dowliga ah ee deegaamaynta iyo hirgalinta guud ee sharciga umadda u siman tahay, una baahan in si guud loo wada dabaqo, ayadoo laga fogaanayo eexda iyo kala saraysiinta aan cadliga ahayn, waxayna ku wanaagsan tahay, in dhamaan dhaqanka ama xeerka laysku waafaqsan yahay uu gaaro dhamaan cidkasta oo xeerkaasi aqbasho, heshiisna lagu yahay in si siman loo wada qaato loona wada aqbalo, ayadoon qasabna ahayn, collaadna ahayn ee ay ku fadhiso, habka ugu wanaagsan ee ummadda loo dhex gali karo, iskuna aamini karaan, kadibna  dhamaan is isku mida loo wada jaanqaado, iskaashiguna ku fadhiisto wax qabadka guud ee loo baahnaa loona dhisay xeerka ummadda dhex yaala.

Marista jidkaasi waa mid adag, xoog badan, dhaqan galintiisu daal badan iyo xanuun badan laga dhaxli doono, oo maxaa yeelay waxaa dadka ku dhex jira qolooyin u shaqeeya umado kale, kuna qaba dana gooni ah  ama shaqsiyadeed oo loo meeriyey agendooyin aan sax ahayn kuna dhex tuuray dadka dhexdiisa si ummadda meelaha ay ugu jilicsan tahay looga abaaro, loona dhaawaco markastaba,  ayadoo ay adeegsanayaan qolooyinka wakiiladda u ah cadowga ee dalka u kala qaaday maamulo ay hubeeyeen, oo ay dhex joogaan laftooda.

Maamuladaasi waxay xero ideology ah ku xeereen ummaddaha ay ku dhex nool yihiin, waxayna taabtaan boogo, ay is leeyihiin haddii la taabto xoogaa dhankiina ayaa loo soo badanayaa, waana arin jirtoo soomaalida meelkastaba gaarsiisay, tusaalaha aan soo qaadan karno waxa ka mid ah sida qolooyinka Gobolada maamulada  loo samaynayo iyo kuwa horay u lahaa ay dabada u gashadaan dowlado shisheeye oo kala shaqeeya danaha qaaska ah ee ay leeyihiin qolooyink damac waalan.

Reer Hebelnimada dhaawaca ahayd ee boogtii  DAA’UUSKA noqotay ee marka la soo hadal qaado xanuunkeeda qofka xisaabtanka ka luminaysaa waxay keentay in raggaasi ay ku shaqeystaan oo la yiraahdo reer hebel iska jir waa kuwii sidaasi ku yeelay, oo ninka arinkaasi ku dhawaaqayaa aanu xitaa xisaabtanka ku darsan inuu is weydiiyo cidda dhagaha ka saaraysa hadalka iyo cidda loo dirayo.

Saaxiga hadduu lumo, waxaa la waayayaa caafimaadka dhanka uu jiro, xanuunka qalbiga ku dhacana waa midka ugu xun ee benu aadamka cirib tira, oo daweyntiisa illaa mararka qaar waxay gaartaa illaa uu ka dhinto oo la aaso, berigaas ayaa u dambaynaysa.
Markaan u soo dago, Dowladda Soomaaliyeed ee Muqdisha Joogta manta kama caddaalad falin arinta dalka ka taagan, waana iska indha tirtay, taasina waxay keentay in ayadii ay noqoto bac madow oo qafiif ah, oo dhan waliba cirbad yar looga dhufanayo, haddana aysan garanayn, bal horta sida laysaga joojiyo Cirbadda haysata dowladda, runtiina uma fiirsan, kamana aysan baaraan dagin illaa manta arimaha ragaadiyey gunteeda hoose, ama xididada wadnaha jaray.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud waa madaxweynaha dalka, dadaal iyo la tacaalid badan kadib, waxaad moodaysaa inay ka madowdahay halka Boogta ay uga taalo ee maalinkastaba damqimaysa,  waxaana gogol dhig u ahayd, in sharciga dalka uu xamar uun ku soo koobay, waxaana u sabab noqday inay dhaqaaqi weyso dowladdiisa 5 arimood oo waxa ka hor istaagay aan la garanayn.

Qeyba Labaad ee Qormada Ibraahim C. Geele oo uu uga hadlayo Sababaha ay u dhaqaaqi la’dahay Dowladda Xasan Sheekh & Qaladaadka uu galay berri ka Akhriso bogga hore ee KEYDMEDIA ONLINE.

Ibraahim Cabdi Geele
jinniishumi@gmail.com

 

http://www.keydmedia.net/editorial/article/mw_-_xassanow_wixii_shalay_ku_daashaday_maanta_yaanay_dabino_kuu_dhigi/

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s