Qudbada Jimcaha iyo Culimada Casrigan

QUDBADA JIMCAHA & CULIMADA CASRIGAN

Ibraahim Cabdi Geelle — Waa aragti Islaamiyan aan wax badan layska weydiinin siday ahaan Jireen Qudbooyinkii Maalmaha Jimcada ay isugu Imaan Jireen Xiliga Nabigeen Maxamed NNKH Iyo Saxaabadii sharafba badan lahayd, iyo Taabiciyiintii Qiima badan lahaa ee ka dambeeyeyba, iyo Maanta qudbooyinka Maalinta Ciidda Isbuuca ee Ummadda Islaamka isugu yimmaadaan Masaajidyada, iyo sida ay kula Fog yihiin.

Teaser Image QUDBADA JIMCAHA & CULIMADA CASRIGAN

Masaajidkasta oo dunida Muslimka ku yaalay xiliyadii Hore waxaa lagu soo qaadan jiray Hadba wadciga iyo waayaha cusub ee ay Ummaddaasi ku Jirto oo xumaan iyo samaan wixii lagu dhex jiray ka hadli Jiray, waxayna ahaan Jireen qudbooyin wadciga markaa Taagan uun lagu soo qaato, oo dhiiri galin wanaag iyo Horumar laga qaadan jiray, Xumaanta iyo qaab darada markaa jirtana lagu cirib tiri jiray.

Waxay quwad Buuxda siin Jirtay dhismaha Bulshada iyo iska war qabka Nolosha, is jacaylka, sharafta iyo Tayeynta Ruuxda shaqsiga iyo Ummadda Islaamka ah, waxaana Salaadda la dukan Jiray ayadoo wacyiga dadka ka soo qayb galay jimcada salaadda ay ku baraarugeen arin markaas taagnayd oo loo baahnaa in wax layska yiraahdo, waxaana ka soo bixi jiray horumar joogto ah oo ummadda ay ku liibaanto aduun iyo aakhiro, waxaana hormuud ka ahaa ninba ninka uu ka tacliin iyo waaya aragnimo badan yahay, oo waa laysku xurmayn jiray, layskuna qadarin jiray, dowladdihii islaamkuna waxay ku dhisnaayeen cilmi kordhinta iyo barbaarinta hadba jiilka soo baxaya ee wax galka u ah ummadda islaamka ah.

Maanta waxaan joognaa 21-aad ee miilaadiga waxa ugu horeeya ee khaldama waa taariikhda caalamka islaamka oo 90% aan laga qorin xitaa masaajidyada islaamka dhexdiisa, oo waxaa la daliishadaa taariikhda miilaadiga ee reer galbeedku ugu yeereen waa markuu dhintay NABI CIISE, oo waliba waxaa kaaga sii daran inaan wada og nahay inuusan dhiman NABI CIISE CS. Masaajidkasta oo dunida muslimka ku yaala kama hadlo hadba wadciha lagu jiro maanta, oo ay taagan yihiin mushkilooyinka ugu badan Aaqiru Sabanka ee bulshada islaamka maanta haysta, ma jirto wacyi galin looga hadlayo arin markaas taagan, tusaalaha ugu weyn ee aad qaadan karto waa yaalaa masaajidkasta oo dunida muslimka ah ku dhex yaalo.

Waxaa jimcaha ugu tagaysaa masaajid garabkiisa uu yaalo intii waajibka ahayd ee laga hadli lahaa, haddana uu ka sheekeynayo sheekhaasi arimo xiligaas aan taagnayn, Tusaale Soomaaliya oo kale waxaa jira Musiibo DIIN oo Baahsan laguna hoobtay oo aan maanta cidna loo sheegeyn, haddaad tagto masaajid ka mid ah masaajidyada dalka hal maalin kuma arkaysid dad kaga hadlaya wadciga dhibka badan ee lagu jiro, waxaa kaliya oo uu ku dhagan yahay arimo aan markaasi ahmiyad badan u lahayn Ummadda.

Waxaa ka qayb galay dhowr Jimco masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee ku dhow xaruntii Golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan u tagay bal sida ay dowladda ugu go’an tahay inay ka hadasho qoladan dhibka iyo qaraxyada ka gaysata ee haddana diinta ku daabaysa sida ay uga jawaabi doonaan, kadibna muddo badan oo aan masaajidkaas ku tukanayey maalin qura laguma soo qaadanin xitaa hal muxaadaro oo ku saabsan arimaha fidnada diiniga ah ee ka taagan dalka, waana waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga baahnaa in Ummadda lagala hadlo.

Waxaa toogasho lagu dilaa wiilal laga soo qabtay ururka alshabaab oo dilal iyo dhibaatooyin adag ka gaystay caasimadda muqdisho, haddana waa sii socdaan dhalinyaradii oo rag baa wax u sheegaya kuna shubaya oo ka dhaadhicinaya inay janno u dhowdahay, oo cilmi darada iyo jahliga diinta islaamka ka haysta darteed waxay ku dhimanayaa waxaysan aqoon badan u lahayn, haddana dowladdii ka mas’uulka ahayd ma qaadayso wacyi galinta Diinta si loo hakiyo arimahan mushkilada ku noqday ummadda dhexdeeda.

Iska daa in Meelo kale iyo Idaacado lagala hadlo waxa ku saabsan arimaha Diinta Islaamka oo laysugu keeno culimada Islaamka ee kala duwan, waxaaba yaab ka taagan yahay in Masaajidkii ay ku Tukanaysay dowladda Soomaaliyeed aanan looga dhawaaqin Hal maalin intaan Joogay Muqdisho waxay Yihiin shabaab iyo sharciga ay waddaan iyo dhibaatayna diinta islaamka iyo shacabka Muslimka ah.

Waxaan tagay dalal badan oo dunida Muslimka ka mid ah muddo badan oo aan qurbaha ku maqnaa haba u sii badnaato qaaradda Africa, dhamaan waxaad dareemaysaa inaysan waxba ka duwanayn masaajidyada ku yaala Qaaradda Yurub iyo Asia, iyo waqooyiga Ameerika, oo dhamaan aad culeyska loo saaro markay sii daynayaan qudbooyinka jimcada, qaasatan wixii ka dambeeyey Burburkii Daaraha Maraykanka ee 2001, xitaa Camerooyin basaas la dhex geeyey Masaajidyada qaarkood sida in badanba laga soo sheegayey.

Kuwa ku dhax yaala dunida Muslim-ka wax weyn kama duwana oo waxaa habeen iyo maalin xooga la saaraa sidii loo koortarooli lahaa waxay doonayaan inay ka hadlayaan culimada, kadibna waxaad is weydiinaysaa ma dowladdaa qaldan mise culimada ayaa khaldan.

Arinta ugu horayso ee lays weydiiyo weeye bal cidda mushkiladda ku ah in Qudbada Jimca loo dhigo sidii ay markeedii hore ahaan jirtay ee lagu yaqaanay ee loo baahan yahay inay haddana sii ahaato si looga hadlo Arimaha jira ee ummadda dhex yaala. waxaa Aniga shaqsiya iiga soo baxay laba Arimood oo midkastaba Muhiimadeeda iska leh, laakiin haddana u baahan in xal loo helo.

1: Wixii ka dambeeyey Gumeysigii Reer Yurub ee duliga ahaa waxay ka tageen nidaamyo faashil ah oo lagu qasbay dunida Muslim-ka oo loogu yeeriyey inay ku dhaqmaan, waxayna keentay taasi in ay isla jaan qaadi waayaan habka dhaqanka cilmaaniga ama system-kii naloo dhigay iyo Midkii Islaamiga ahaa ee laga dhaxlay Nabigeena Maxamed NNKH,  oo labaduba is qaadi kari waayey, waxaana Systemkaas Guri looga dhigay oo inay ummadda ku dhaqaan loogu soo Tababaray Rag ku dhex jiray dunida Muslim-ka oo la aaminay inay qaban karaan howsha. Waxayna keentay in Ummaddii Islaamka ahayd iyo qoladii ay isku dhacaan oo ay keento Mushkilad iyo caqabaad  sida Taariikhdii ka dhacday Soomaaliya 1975 lagu laayey culimada Soomaaliyeed ee diiday xeerkii Baas ee Qayska.

Sidaas oo ay tahay Maamuladu haddana waxay sameysteen Culimo wax badan ay ka waraystaan raggaas odayaasha ah Gumeysigu wax baray ee xilka markaa hayey amaba maanta dunida Muslimka ah wali talada u haya. Kadibna Bulshadii oo aan diinta si wanaagsan u garanayn qaasatan Soomaalida laga dhex abuuray jahawareer xoog badan oo kala jab iyo Musuq diini ah ka dhex abuuray illaa ay gaarto heer diinta dad badani magac uun ka sheegtaan, ama laga sahwiyey, sababtoo ah waxay arkayeen culimo diinta wada garanaysay oo ku kale dhex jirta dadka iska soo horjeeda, oo ninkastaba system-ka Maamul jacaylku ku daabayo diinta si uu danahiisa u gaaro.

2: Waa Culimo Siyaasadaysan oo aysan aragtidoodu  ahayn inay wax xaliyaan oo xambaarsan fekrado kale oo ka yimid meelo aan dalka ahayn oo haddana ku dhagan inay fuliyaan oo ka dhaqaalo iyo nolol haysta meel ka baxsan dalkooda hooyo, oo wakiila ka ah aragtiyo dowlado kale leeyihiin sida kuwa galbeedka ay tababareenba, oo aan ku salaysnayn aragtida Islaamiga saxda ah ee aan interest kale ku jirin, sida waddaada ka yimmaada Sacuudiga oo aan dhagaysan wax ka duwan midka looga soo sheegay meeshay ka gows haystaan.

Inta badan waxay ku dhagan yihiin diin kaliya maaha ee waa falsafado lagu fadhiisiyey diinta islaamka oo aan xigmad iyo qadarin ummaddnimo midna lahayn, oo waxay aaminsan yihiin haddii la qaadan waayo waxay kuu sheegayaan, u haysta inay qoloda ka soo horjeedo yihiin kuwa lunsan oo aan waxba la haystan diinta islaamka, ama ugu yaraan ku aflagaadeeya oo aan xushmad iyo qadarin iyo ixtiraam midna siinayn.

Waxaan ognahay in Diinta ay ku dhisan tahay xikmad oo hadii ummaddaha kala duwan ee dunida lala tacaamulayo ay siisay hab iyo nidaaam qurux badan oo hadday gaalo yihiina ay islaamka ku jeclaystaan hadday muslimiin kale yihiinka isku jeclaadaan.

Culimadii sidaas u dhisnayd iyo dowladdii sidaa u dhisnayd ayaa iska hor yimid waxayna meesha ka saareen wadcigii xikmawiga ahaa ee ummadda islaamka ah ay lahayd, kuna faani jirtay, kuna caanka ahayd, waxayna ummadda islaamka dhexdeedan ka dhigeen meel ay ku dagaalamaan laba dibi oo midkastaba aan xikmadayn shaqada uu qabanayo. Mushkiladuna shacab aan garanayn waxay isku hayaan aan ogayn, dhibkoodana saamayn xanuun badan ku reebay, sida soomaaliyaba ay eedey. Maxaa yeelay Maxamed Siyaad Barre Culimadii waa Laayey, caburiyey, I haanaystay, oo xoolo ka dhigay, wax daciif ah oo kale ka soo qaaday, illaahay Cuqubo ka Ratibanto, Kadibna la eedo.. Culimaduna Maysan xigmadaynin, waana la riday dambe kale ayey ahayd oo Nidaamkii Jiray in la dumiyo khalad kale ayey ahayd, Labadiiba waa la eeday, xiqaabkiina Waddaad La Iibsaday oo sida xoolaha lacag Joogo ayaa laga dhaxlay, cidna loo sheegi maayo kadib wixii dhacay, waana tan illaa maanta ciqaabkeeda lagu dhex jiro, oo dalkii ay maanta intooda badan dibadda uga baxeen.

Labada dhinacba waxay isla gaareen meesha ay maanta marayaan, waxaana labada dhinacba ay kala aaminsan yihiin in midna islaam yahay midka kalena gaalo yahay, dhankastaba waxaa ka soo jeestay Sheekh dareerinaya diinta oo midka kale ku gaalnimo xukminaya ama ugu yaraan ixtiraam badan u hayn. waxayna ugu dambayntii na dhaxalsiisay inay Ummaddeenii heli waayeen wixii ay u baahnaayeen ayna ku dhex lumeen laba kooxood oo midkastaba wuxuu la ordayaa aysan diin kula noqon ee uu ku cabirayo aragtidiisa kana dhigayo inay diin tahay, laguna wareerinayo rayul caamka ummadda Islaamka ah.

Ugu dambayntiina waxay Keentay in la kala garan waayo ninka saxan iyo ninka qaldan, Illaa masaajidyadii dunida Muslim-ka la siyaasadeeyo Wixii laga aqrin lahaa,  oo kadibna meelha ay dowladaha ka jira loo geeyo waraaqo waxay ka hadlayaan la dowladdu diyaarisay, ama la keeno mashaa’ikh dhanka dowladda ka timid oo  aan wax micna leh dadka ku soo siyaadinaynin, oo waxay sheegayaan iyo waxa loo baahan yahay ay kala duwan yihiin. Xitaa waxaad arkaysaa in Tarbiyada Islaamiga ah ee shaqsi kasta oo Muslim ah looga baahan yahay ay sii Lumayso oo sacuudiga oo xarunta Islaamka ah ay sii suulaysto aqlaaqiyaadka lagu yaqaanay Ummadda Islaamka ah, oo waxaad arkaysaa Rag laga Illaalinayo Rag kale, ama wiilal iyo Gabdho isla dhashay oo aan noloshooda is arkayn, cabsi laga qabo inay isu tagaan, waana wixii masaajidyada looga baahnaa in looga hadlo, oo laga dhigo arin balaaran oo bulshada inay badasho muhiim u ahayd.

Soo celinta dhaxalka islaamka waxay u baahan tahay culimo Diyaarsan, oo aan kursi doon kaliya ahayn xigmadaysay, Agenda iyo dulqaad wanaagsan oo dhisan leh oo la shaqeysa siyaasadda iyo bulshada oo isku xirta labada dhinac ee ummadda Soomaaliyeed iyo kooxaha Siyaasadda,  waxayna micna weyn u samayn lahayd soo noolaynta afkaaraha islaamiga iyo qiyamka sharafka ummadino ee laga waayey dunida muddo aad u dheer.  Culimadaas waxay is badal ku sameyn lahayd habka siyaasiga shaqsi kasta oo talada ummadda haya, iyo inay Diyaariso Siyaasi aan NGO carbeed iyo Mid Reer Galbeedba ahayn, oo Madax banaan oo Mustaqbalka Hogaanka lagu aamini karo, oo dhankastaba ka dhisan, diin iyo Maadiba, waxayna u baahan tahay in muddo la siiyo, lana dhowro ayadoon la duminin dowladaha ama aan khalalaaso iyo fidno laga dhex abuurin, waxayna u baahan tahay xikmad iyo aragti suuban oo inta hoos laga soo billaabo illaa meesha ugu saraysan ee madaxda la gaarsiinayo oo laga dhex sameynayo aragti ku dhisan hanaan islaami ah, soo celiya noloshii aynu weynay, ayadoon la adeegsanaynin wax dhibaato keeni kara oo ka shaqeynaya Amaanka dalka iyo dadka.

Sideedaba wax dhisan in la burburiyo Islaamka ma taageero, meel ay ku xusan tahayna wali aniga waa layga cilmi badana yahaye maan arag, laakiin ammaanka ummadda dunida qaasatan Islaamka inuu hormuud ka noqdo waxay furo weyn u tahay sawirka quruxsan ee ummadda muslimka sheegata oo dhan, wuxuu shaqsi wanaagsan sameeyo waxay amaan u tahay cidda uu ka soo jeedo.

Wargalin:-

WAXAAN LEEYAHAY DOWLADDA WIIL DHALIN YARO AH OO LA DILO, KUMA SUULINAYSID XUMAHA, ama kuma yarayn kartid dhibka taagan waxaad u baahan tahay public relation, iyo cilmi diini ah, ee Dowladda Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa inay la timmaado waxay kaga hortagi karto dhalin yarada soomaaliyeed ee ay alshabaab qortaan nolosha dadka iyo toodana ku haligaya kuna cayaaraya,  ayadoo loo sheegayo Jano ay gacanta ku hayaan rag aan doonayn inay ayagu dhintaan oo geed fadhis u ah.

Kuwaasoo waliba ku cayaaray rayul caamka Islaamiga ah ee sharaf iyo qiimaha badan lahaa. waxay ka dhigeen dhulkeenii meel bahalo galeen ah, waxayna ku dhex sheegteen inay jihaad ku jiraan, waxayna ku dhex laayeen Ummad islaam ah oo soomaali ah, walina intay dhibaato u geysteen dadka aan islaamka ahayn umaysan geysanin, waxay u shaqeeyaan ummado aanan anaga shaqa ku lahayn, Islaamnimadu Sifaha naloo baray shaqa kuma laha, sida ay nagu sooo gaartay kuwa yaqaano maaha.

Waxaan doonaynaa in Arimaha diiniga ah laga adkeeyo dalka, iyo dadka, laguna dhaqaaqo faafginta iyo wacyi galinta Ummadda Islaamka ah ee Soomaaliya ku Nool oo dhan.

Illaahay ayey Mahad oo dhan u sugnaatay i waafajiyey inaan ka hadlo wixii aragtiday gaaban ku soo bandhigo.

Ibraahim Cabdi Geelle
jinniishumi@gmail.com

http://www.keydmedia.net/article/article/qudbada_jimcaha_iyo_culimada_casrigan/

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s