Qorshaha Uhuru Kenyatta, Xasuuqa Soomaali NFD & Caburinta Muslimiinta Kenya – Q: 2aad

Ibraahim Cabdi Geele – Qormadaan waxey daba socota Qoraalkii “Dilka Kenya Madowga, wuxuu xambaarsan yahay, Xasuuqa Soomaali NFD” , wuxuuna Qoraaga Qeybtaan uga hadli doonaa Sababta keentay in dhulka NDF lagu laayo Muslimiinta & danaha ay ka leedahay Xukuumaddda Uhuru Kenyatta Weerarada Waqooyiga Kenya.

Teaser Image Qorshaha Uhuru Kenyatta, Xasuuqa Soomaali NFD & Caburinta Muslimiinta Kenya - Q: 2aad

MUXUU KA DHIGAN MADOWGA LAGU LAYNAYO DHULKA NFD AY DAGAN TAHAY? SABABTA KEENTAY MAXAY TAHAY?

Haddaad caqliga furto oo aad aqriso  dhacdooyinka Kenya waxaad u heleysaa sida wax  aad iska sii garanayso oo kale, warbaahintuna waad ogaanaysaa bal waxay sheegayso oo dhan, haddii berrigii shabaab oo soomaali u nacab ahaa shalay la dhagaysan waayey, manta ma ceelkii baa lagu dhibaataynayaa haddana soomaalida Kenya. A

rinta hadda taagani waa laba arimood oo muhiim u ah, aragtida cusub ee dowladda cusub ee Kenya waxayna kala yihiin?-

1. Heshiiskii Reer Mombasa & Nairobi

Kenya waxay ka booday xeerkii ay dhigteen reer xeebeedka  reer MOMBASA iyo NAIROBI, wuxuuna ahaa heshiiskii midnimada kenya lagu dhisay markii British ka baxay dalka, in hadday u baahdaan Reer MOMBASA ay dhulkooda goosan karaan oo ay noqon karaan dal madax banana oo xor ah.

Heshiiskaas oo looga baxay dadka dhulkaas dagan ayaa horseeday in arintu isu badashay gacan ka hadal, ugu dambeyntiina is faham daradii ay keentay in caburin badan oo xoog badan lagu sameeyey ummaddaas dhulkaas dagan ee xuquuqaad badan oo ay lahayd lagu cayaaray. Hase ahaatee waxaa ka sii darnaatay bal sida cabashooyinkooda looga jawaabay oo waxaa loogu badalay dilal qorshaysan oo lagu fuliyey culimadii markaas ay dadku aaminsanaayeen, laguna eedeeyey qaar inay safka kula jireen aragtida ay qabaan alshabaab, kadibna sawirka guud ee deegaankaasi loo sawiray Muslimiinta inay halisba ku yihiin daganaanshaha kenya, kaba sii dartaye waxay bahashii noqotay ii wad sheekada oo dowladda kenya iyo sirdoonkeedaba ceelkii biyaha laga cabayey ayey ka dhigeen dhulkii oo dhan, dil iyo xarig, iyo howl galo shabaab lagu eedeeyo oo micnahiisu yahay jidka loo maro caburinta deegaanka.

Ugu dambeyntii waxay soo istaagtay in masaajidyo la yiraahdo HUB ayaa laga helay, lana xero, taasoo markiiba isu rogtay arin dhaaftay gobolka oo mar haddii muslim la yahay ku baahday deeganada ay muslimiinta dagan yihiin, oo markiiba waxaa meesha ka hadlay culimadii oo ay ku jirto culimada SOOMAALIYEED ee NFD, waa halkaan ugu socdo markaa.

2. Caburinta Muslimiinta

Caburinta Muslimiinta Xeebta iyo xarigga masaajidyada, iyo hadalka NFD culimadeeda waa talo wanaagsan ee ay isla doonaysay iskugu aaddo dowladda kenya, waxayna ka dhigan tahay geedkii ay talaalaysay oo ay doonayeen oo ay laamihiisa hadda isku xirayaan,  Sheekhii ka hadlay GAARISA wuxuu yiri oo aan anigaba dhagaystay kalimaad Kooban ”Wali Kenya kama dhicin masaajid la xiro, arintaasina waxay u muuqanaysaa in dowladda kenya iyo Muslimiinta layska horkeenayo, in masaajid la xiro waa khalad weyn, haddii masaajid hub laga soo saaray oo ay dhacday, waa khalad sirdoonka kenya leeyahay, oo ayagaa amaanka ka masuul ah, ee in la xiro masaajidka wax sax ah maaha”  Hadalkaas wuxuu xariga ka jaray jidka ay kenya doonaysay inay u marto hirgalinta hindisa qarsoon ee ay ka lahayd Ummadda Muslimka ah, dhamaan jidka iyo sawirka lagu xera taraarayaana waa SHABAAB, oo dusha looga dhajinayo dadka deegaanka, si arimaha u sahlanaadaan oo xasuuqyada dhici doono loogu daboolo MARO WEYN OO DUSHA UGU QARAN TAHAY ALSHABAAB, ugu dambeyntiina qasaaraha ka dhasha aan lays weydiin, waana system-ka dunida ka jira. Mustaqbalka dhacdooyinka dowladda carada ka dhalata, waxaa ka dhex abuurmi doonaa qolo loo ekeysiiyo inay iska cabin wadaan, ugu dambeyntiina, meelkasta oo dowladdu doonayso inay burburiso u hor Kaca oo Laaya dadka ku nool, lana yiraahda waxan daba soconaa qoladaas, just sidii loogu eedeeyey Raggii loogu yeeray SHIFTA, ugu dambeyntiina sababay halaag badan.

Dilalka hadda soo kordhaya

Dilalkan hadda cusub waa Qorshe high planning ah oo muddo laga shaqeynayey, waxaana kaaga soo dhax baxayo laba arimood:

1. In Shacabka Kenya ee Christian-ka ah ogolaansho looga helo in la laayo ummadda Muslimiinta ah ee dalka ay wadaagaan, ayadoo la leeyahay dhamaantood alshabaab ayey noqdeen, oo maxaa lagu diidayaa inay dhacdo taasi,  waxaan xusuustaa kalimad cajiib ahayd oo dunida aad uga hirgashay wixii ka dambeeyey 2001 daarihii Maraykanka markay dumeen kamlimaddaas oo  ah “” all terrorist are MUSLIM, but all MUSLIM are not Terrerist”,  bal daawo sida sawirkaasi u dhigan yahay, haddana waxaa la doonayey in sharci looga dhigi in dhamaan muqaribiinta oo dhan in loo muujiyo inay Muslim kaliya uun yihiin, sawirkaasi waa mid mudda  badan soo jiray.

Ayadoo laga faa’iideysanayo isla qibradaasi ayaad manta waxaad moodaysaa in la doonayo in dhamaan Muslimiinta oo dhan la dul dhigayo ama hal beeg looga dhigo  “”all muslims in kenya are alshabaab, but all muslims in kenya are not shabaab””,   Bal fasiro adiga !!!

2. Qodobka kale wuxuu yahay maadaama ay dhawaaqeen reer Gaarisa, waxay la hubaa in meesha kaliya ee laga caawin karo hadal, iyo garab iyo gaashaanba ay noqon karto dadkaas soomaalida ah, sidaa darted maadaama ay dhawaaqeen waa in caddaamtii dunida la galiyo oo dhiigooda iyo dheecaankooda laysku daro, lana gaarsiiyo wixii beri ku dhacay wax ka sii xun.

Haddaba yaa fuliya weeraradan jira?

Caadiyan UHURU KENYATTA waa uun geedba dheecaankiisa ayuu dhalaa, Aabihii wuxuu ahaa digtator weyn oo soomaalida aad iyo aad dhibaato ugu hayn jiray, sideedaba kenyanku maaha dad aad u xadaarad badan oo hadba ninka u yimmaadda ayaa iska raran jiray sida soomaalidaba ay u geyn jirtay Jaziiradda KOYAME, uguna iib geyn jirtay dunida Carabta Taariikho fog, marka laga hadlayo.

Ayadoo ay sidaasi tahay ayaa Micida manta iyo shalayba ay soomaali ku cunayeen aysan ahaddana lahayn. Maadaamaa ay sidaasi tahay, dilalka manta kenya ka dhacayaa waxaa aad iyo aad aan u aaminsanahay inay ku lug leeyihiin siyaasado gunteedu dheer tahay oo micnaha laga leeyahay aynaan garanayn, laakiin aad moodayso in markaan muslimka kenya ku nool talaabo looga qaadi lahaa.

Waxa socda beryahan howl galo shucuubta Islaamka ah ka dhan ah, oo cidda buuqeeda abuurtaa aan la garanayn, haddana aad daremeyso in ay jiraan dhacdooyin xoog badan oo aad iska garanayso in la maleegayo.

Haddaad u dhaba gasho waxaad arkaysaa wixii ka dhacay CENTRAL AFRICA ma joogin Shabaab, Mana joogin wadaado dagaalama sida hadba loogu meel maro in badan, haddana waxaad arkaysaa in dad nolol lagu gubay, lagu jarjaray, iyo waxa ka dhacay DALKA MAALI, LIBYA, iyo waliba NAYJEERIYA oo aad iska fahmayso, in BOKO HARAM aysan ahayn Hayad Islaam u dagaalanta, shaqana aysan kulahayn hanaanka lagu bartay Islaamka, ee Nabi maxamed NNKH uga tagay Muslimiinta.

Kicinta, abaabulada, iska Horkeenista, iyo collaadaha qaaradda Africa waa qiyaanadda Maldahan ee qotadeedu ay dheer tahay oo ay ku adag tahay inay fahmaan shucuuta caadiga ah, taasoo keentay in kenya iyo kuwa badan ay manta sawirayaan muuqaalo aad iyo aad u halis badan oo ugu dambayntiina gaaraya dhamaan dhul weynaha qaaradda Africa, ama Africadan Baahan, ee xanuunada lagu rogay.

Kenya waxay ku tala gashay in markaan ay dib u cusboonaysiiso dhiig cabnimadeedii, oo ay ku balaariso dhul baaxaddiisun weyn tahay, waana arin hadda rahman oo furaheedu uu yahay dilalka qorshaysan ee dadka madowga ah loogu geysanayo dhulka Soomaaliyda NFD, iyo kacdoonka reer xeebeedka oo isbiirsaday.

Somalida NFDyeey, Arintaan waxay u baahan tahay, in aad looga fekero, waxay u baahan tahay in dowladda Kenya si dhab ah loogu sheego, waxay u baahan tahay, in halaagaasi inta la fahmo intaanu baahin, dad badana aysan ku dhimanin digniintiisa la sii qabo, waxay u baahan tahay reer NFD iyo ummadda Muslim-ka ahba in wakhtiga laga faa’iideysto, Maaha in khalalaaso lagu badalo, maaha in dowladdaasi itaal laysugu dayo, maaha in qori lagala hor tago, maha ahan in collaad lagu xaliyo, maxaa yeelay systemkaas beri buu ahaan jiray, caqligaasi beri buu jiray, aragtidaasi marbay sax ahayd.

Maanta waxa loo baahan yahay inaad arintaas sidii loo wajihi lahaa, ka fekertaan. Aniga waxay iila muuqanaysaa arin muddo iyo wakhti loogu tala galayba la siiyey, sanad iyo sanado, iyo waxay la ekaataba dowladdaasi waxbay ku tala gashay, jawaabteeduna horayna waad u garanayseen, Gaarisa SUUG MUGDI laba nin oo la dilay Dhibkii ka dhacay iyo xanuunkiisa waa la og yahay, Maantoo Toddobaatameeyo Madow ah la dilay, waan iska garanaynaa waa sheeko maldahan oo aan fahmayno Gunteeda Hoose. You have to find solution Now. Allaha idin badbaadiyo insha allaah.

UHURU WUXUU SOO WADAA  ARINTII WAGALA, GAARISA GUBAAY, MANDHERA, ama sii xun.

Illaahay ha badbaadiyo Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiintoo dhan. AMIIN

Mahad oo dhan Illaahay Bay u sugtnaatay.

Ibraahim Cabdi Geele
jinniishumi@gmail.com

http://www.keydmedia.net/editorial/article/qorshaha_uhuru_kenyatta_dadka_lagu_laanayo_dhulka_nfd_caburinta_muslim/

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s