Dilka KENYA madowga, waxa uu xam-baarsan yahay, xasuuqa SOMALI NFD

Dunida manta la joogo waxaa caadi noqotay in warbaahintu tahay, mid midabo kale duwan leh, oo aan la garanayn midka meesha asalkeedu yahay, ama fekerka ay aaminsan tahay, nooca uu yahay aragtida ay baahiso, waxa ku daaban iyo dhamaan ula jeedka ugu dambeeya ee laga leeyahay, waana dhab in dunidana ay manta noqotay mid u sahlan aaladaha la isticmaalo ee cidkastaba ay manta doonayso inay ku gaarsiiso dunida inteeda kale, waxayna sahashay in aragtikastaba lagu baahiyo looga faa’iideyso hadba agendaha loo baahan yahay in laga mira dhaliyo.

Technology-ga caalamka wuxuu gaaray in xitaa la abuuri kale caqliyadda ay aamini karaan qowmiyad, dal, asxaab, koox ama dalal dhan oo dunida ka tirsan, waxaana la abuuraa Ra’yul caamka guud ee loo baahan yahay oo inta la koriyo, ama la kobciyo oo lagu naaxiyo hadba ula jeedka looga dan leeyahay, Haddana laga dhigaa DAMBI ama KHAYR oo labaduba aan midna sax ahayn ama xaqiiq ku dhisnayn, waxaana lagu daabay ama lagu naaxiyey rabitaan ay qaar dunida ka mid ah leeyihiin oo huwan awoodo, iyo cuquul aad looga soo shaqeeyey illaa benu aadamka caadiga ah uu kala garan waayo waxa dhabta ah iyo waxa dhalanteedka ah, oo la gaarsiiyo illaa dadku ay rumeeyaan aragfida guud ee loo baahan yahay in qalbigooda lagu hubsado, kadibna lagu illaaliyo oo habeen iyo maalin lagu wado illaa ay noqoto sida wax lama dhaafaan ah, waana sida ideologyadda aadamiga loo kala maldahay ee midba nooc loogu galiyey, lana aaminsiinyey ugu dambeyntii.

Sidaas oo ay tahay, ayaa maalinta dalal badan oo dunida ka mid ah, dharbaaxooyin ayka soo kici waayeen ugu dhaceen laguna xanuujiyey, illaa qaar ka mid ah shucuubta dunida ku nool la cirib tiray oo HAADKU in badan ku naaxay hilbahooda, ama inta kalena ka guureen dhulkoodii, oo ay si tiro yar oo aan micna lahayn ugu dhex nool yihiin dunida inteeda kale.

Aan u soo dago gunta si aanan ugu fogaanin hordhaca, oo aan imaado hadafkayga aan ka leeyahay qormadan aan ugu digayo Somali NFD inaysan ku dhicin ceelkii lagu hubsaday taariikhihii ku dhacay ee xanuunka badan lahaa oo aan la qaybsanayo shaqsiyan iyo inta ila midka ah.

Maanta waxaan dareemayaa in Kenya ay billaabanayso Buuq xoog badan oo micnihiisu iska cad yahay, ula jeedka laga leeyahayna iska cad yahay, oo muuqaal ahaan inta wax garanaysaa u caddahay.

Kenya xiligii ay dalka Soomaaliga galaysay?

Kenya waxay dalka gashay Soomaaliya ayadoo ku doodaysay in Soomaaliya Ururka diinta Islaamka sheegta ee Alshabaab inay dalkeeda dhibaato ka wadeen, ayana dalka gashay, xiligaas waxay Shabaab ku doodaysay inaysan shaqa ku lahayn wixii ka dhacay Kenya dhexdeeda oo aysan ku lug lahayn, waxayna uga digayeen in ay joojiso weererka ay qorshaynayso ee soomaaliya ay ku qaadaysay. Caadiya weerarka Kenya wuxuu xasuuqyo badan oo xanuun badan u geystay shacabkii Soomaaliyeed ayadoo Diyaarado ku garaacday ummadda masaakiinta ahayd ee dhexda u galay Middida shabaab iyo Gantaalada Kenya, oo haddana kaaga darane aan ahayn dad reer Guuraa ahaa ee beeraleey ahaa, kuwaasoo aan garanayn meel ay aadaan iyo meel ay u qaxaan, oo raasumaalkoodu ahaa beerta ay beeranayaan oo kaliya.

Dhibaatadaasi lama qiyaasi karo mana la hayo xisaabta dhabta ah ee dadka dhibaatada ka soo gaartay, waa ka badan kumanaan, haddaanay gaarayn boqolaal kun oo rayid ah, laakiin waxaa hubaal ah in dad badan oo masaakiin ahi ku dhinteen, ku cuuryaameen, haddana manta aan haysan gargaar iyo cid garab qabasho caawimaadba siisa, ama xuquuqdoodii u doontaba.

Waxaan lays weydiinayaa, hadday shabaab inkireen, yaa ka dambeeyey dadkii xeebaha LAAMU lagu layn jiray oo ay ka mid ahaayeen labadii qof ee dhintay ee aan la ogayn sababta ay u dhinteen, oo aan ahayn in Kenya ay sheegtay in ay dhinteen.

Ogow Kenya beryaha ay soomaaliya soo weeraraysay waxaa la afduubay nin iyo Naag, waxayna sabab u noqdeen in Kenya gudaha u soo gashay, laakiin waxa kaloo lays weydiinayey, Kenya ma labadaasi qofood baa ku qasabtay inay dagaalgasho, mise wax kalaa jiray. Ogow Kenya in laga afduubay shaqaalo badan oo caddaan ahaa oo ay shabaab afduubayeen hore wax dan ah kamay galin, haddana kenyanku micna badan oo xoog leh kuma haynin, oo raggaan shabaab inay gacanta la gasho waligeed maysan doonayn, runtiina Nabad bay ku qabtay oo collaadda ay Itoobiya kula jireen Ururka alshabaab kulama aysan jirin Dowladda Kenya, sidaa darted waxaad dareemeysaa dowladda Kenya inaysan dalka soomaaliya ku soo galin ururka Alshabaab.

Axmed Madoobe iyo Axmed Godane maxay kala yihiin ?

Axmed Madoobe wuxuu ahaa Shabaab kuwa ugu caansan ee aan qarsoodiga ku jirin, haddana wuxuu noqday Garabka Koowaad ee dowladda Kenya, sababtu cidna isuma aysan sheegin, ula jeedka hadalkuna wuxuu yahay oo kaliya, Axmed Badoobe wuxuu Fulinayaa dano guud oo Muhiim u ah qolooyin badan oo saynta ku dhagan dowladda Kenya ee aanan la garanayn iskuna qarinaya Dhabarka dambe ee Kenya, nina xantiisa ma moogee, waa la wada og yahay.

Haddaad doonayso inaad ogaato dib u aqri maskaxda oo bal is fahamsii axmed iyo Kenya siday heshiis ku ahaayeen, iyo Axmed Godane Cadow Ku noqday, waxaa kalood xisaabisaa, sida warbaahintu u rogto wararka oo hadba meel inta la saaro lagaaga dhigo arin dambi, nin xun wanaajiyo, ninka wanaagsan dambiile looga dhigo. Labaduba waa dambiilayaal dhiiga iyo dheecaanka soomaaliyeed ku baabi’iyey DIINTA jeebka ay ku wateen, ee Marba meeshay doonayaan ay la aadayeen.

Bal si uun aan kugu sifeeyo, tusaalaha waxa kugu filnaan karta sida Falastiin dambiileyaal u yihiin oo haddana dunida indhaha ugu qarsanayso dhibka ku dhacaya, ee aysan jirin cid ku dhiirankarto ama is hortaagi karto, ula jeedka guudna waa muuqaalka jira ee loo baahan yahay in la fahmo oo la doonayo in la daboolo, loona ekeysiiyo in shey qura aan laga fahmin gunta hoosa waxa jira.

Fulinta agendayaasha qarsoon ayaa u asal ahaa gelitaanka kenya Gudaha dalka Soomaaliya, dood kuma jirto, haddana kenyanku waxay dilleen cid isma weydiiso, oo lagama hadlo, waxay ka geysteen gudaha Soomaalida NFD (DAAWO BARNAAMIJKA ALJAZEERA), wuxuu kuu Muujinayaa sida foosha xun ee ay ula dhaqmaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool Kenya hoosteeda, ayadoo maalinkastaba u yeela waji cusub oo ay ku doonayaan in ay ku dulaystaan, ku laayaan, hantidooda ku dhacaan, uguna itaal sheeganaya hadba manlin waxay ay ugu soo cid galaan.

XASUUQII WAGALA !!

Waa Tiiraanya iyo ciil iyo lama arag, iyo uur ku taalo aan cidda qiimaha soomaalinimo ku xiran yahay aysan Illaabi karayn markii Garoonka diyaaradda ee Magaalada wajeer laysugu keenay 5,000 oo rag Soomaaliyeed ah 1984, oo dhamaantood qabiilka dagoodiyaha u badnaa si aan kala sooc lahayn, oo aan anshax xuquuq aadmi lahayn, oo aan xitaa tii benu aadamka ku jirin, ugu xasuuqay, oo inta ka badbaaday manta hadday ku hor yimmaadaan aysan kalimad kuu dhamays tiri Karin oo ay iska oynayaan xanuunkii berigaas ku dhacay (DAAWO VIDEO), inkastoo sawirkan iyo muuqaalkan lagu baahiyey television laga leeyahay Kenya, oo ay ayagoo xeerinaya sharciga dalka ka sameeyeen muuqaaladaas, waxaad dareemi karaysaa in ay ka maqan yihiin wax badan oo muuqaalkaa ahaan mabnuuc ka ah in la mariyo hawada, waxaana dareemayaa inay ka xanuun badnayn.

Saraakiisha ka dambaysan dhamaan Kenyan madow ah bay ahaayeen, waxayna u badan tahay in Kenyan laftoodu loo yeeriyey ee aysan ahayn kuwa meesha ugu dambeysaa go’aankoodu yahay, maxaa yeelay ADOONTU inta badan taariikhda qoran iyo midda hadda jirtaba Somali iskumaysan taagin, waana caadi oo waa muuqanaysaa inay meel ka gows haystaan, Yeelkadeede, iminka waa kenyankii oo horror ku ah markale, gunta hoosana u fadhiistay xasuquuqii oo kale.

Xasuuqaas midkaasi kaliya maahayn ee waxaa jiray dhacdooyinkii isxiga ee sida GAARISA GUBAAY, DAAWO VIDEO-ga, XASUUSQII MANDHEERA ee dadka madax dhagax looga dili jiray (AQRI BUUGAAN), ubucda buugaani waa nin soomaaliyeed oo ka hadlaya wuxuu dhabta u soo taagtay, waxaana la yiraahdaa buugaasi BLOOD ON RUNWAY. Intaas kaliya kuma ekenyn ee waxaa ugu dambaysay SUUQII MAGAALADA GAARISA EE SUUQ MUGDI ee ugu dambeeyey 2012. Intaas iyo in ka badan oo aan la sheegin oo Kufsigu ugu badan yahay oo dadkaasi oo aynaan isku jinsiga ahayn boobayaan dumarkeenu, oo qaar noloshooda dil ku xumanay, qaarna ay ku nool yihiin nolol quus ah, haddana aadamiga manta joogaa aysan xanuun iyo dareen midka ku haynin.

Intaasoo dhibaato ah ayadoo ay soomaali ku dhacday oo inta laga qoray uun ay iska yar tahay, oo mushkilladda dadkaasi haystaa ay noloshooda ka mid noqotay in ka badan 40 sanadood, haddana waxaa timid in la abuuro mowjado cusub oo aysan fahmayn dadkeenu.

MUXUU KA DHIGAN MADOWGA LAGU LAYNAYO DHULKA NFD AY DAGAN TAHAY? SABABTA KEENTAY MAXAY TAHAY?

Haddaad caqliga furto oo aad aqriso dhacdooyinka Kenya waxaad u heleysaa sida wax aad iska sii garanayso oo kale, warbaahintuna waad ogaanaysaa bal waxay sheegayso oo dhan, haddii berrigii shabaab oo soomaali u nacab ahaa shalay la dhagaysan waayey, manta ma ceelkii baa lagu dhibaataynayaa haddana soomaalida Kenya. Arinta hadda taagani waa laba arimood oo muhiim u ah, aragtida cusub ee dowladda cusub ee Kenya waxayna kala yihiin?-

  1. Kenya waxay ka booday xeerkii ay dhigteen reer xeebeedka reer MOMBASA iyo NAIROBI, wuxuuna ahaa heshiiskii midnimada kenya lagu dhisay markii British ka baxay dalka, in hadday u baahdaan Reer MOMBASA ay dhulkooda goosan karaan oo ay noqon karaan dal madax banana oo xor ah. Heshiiskaas oo looga baxay dadka dhulkaas dagan ayaa horseeday in arintu isu badashay gacan ka hadal, ugu dambeyntiina is faham daradii ay keentay in caburin badan oo xoog badan lagu sameeyey ummaddaas dhulkaas dagan ee xuquuqaad badan oo ay lahayd lagu cayaaray. Hase ahaatee waxaa ka sii darnaatay bal sida cabashooyinkooda looga jawaabay oo waxaa loogu badalay dilal qorshaysan oo lagu fuliyey culimadii markaas ay dadku aaminsanaayeen, laguna eedeeyey qaar inay safka kula jireen aragtida ay qabaan alshabaab, kadibna sawirka guud ee deegaankaasi loo sawiray Muslimiinta inay halisba ku yihiin daganaanshaha kenya, kaba sii dartaye waxay bahashii noqotay ii wad sheekada oo dowladda kenya iyo sirdoonkeedaba ceelkii biyaha laga cabayey ayey ka dhigeen dhulkii oo dhan, dil iyo xarig, iyo howl galo shabaab lagu eedeeyo oo micnahiisu yahay jidka loo maro caburinta deegaanka, ugu dambeyntii waxay soo istaagtay in masaajidyo la yiraahdo HUB ayaa laga helay, lana xero, taasoo markiiba isu rogtay arin dhaaftay gobolka oo mar haddii muslim la yahay ku baahday deeganada ay muslimiinta dagan yihiin, oo markiiba waxaa meesha ka hadlay culimadii oo ay ku jirto culimada SOOMAALIYEED ee NFD, waa halkaan ugu socdo markaa.
  2. Caburinta Muslimiinta Xeebta iyo xarigga masaajidyada, iyo hadalka NFD culimadeeda waa talo wanaagsan ee ay isla doonaysay iskugu aaddo dowladda kenya, waxayna ka dhigan tahay geedkii ay talaalaysay oo ay doonayeen oo ay laamihiisa hadda isku xirayaan, Sheekhii ka hadlay GAARISA wuxuu yiri oo aan anigaba dhagaystay kalimaad Kooban “”Wali Kenya kama dhicin masaajid la xiro, arintaasina waxay u muuqanaysaa in dowladda kenya iyo Muslimiinta layska horkeenayo, in masaajid la xiro waa khalad weyn, haddii masaajid hub laga soo saaray oo ay dhacday, waa khalad sirdoonka kenya leeyahay, oo ayagaa amaanka ka masuul ah, ee in la xiro masaajidka wax sax ah maaha” Hadalkaas wuxuu xariga ka jaray jidka ay kenya doonaysay inay u marto hirgalinta hindisa qarsoon ee ay ka lahayd Ummadda Muslimka ah, dhamaan jidka iyo sawirka lagu xera taraarayaana waa SHABAAB, oo dusha looga dhajinayo dadka deegaanka, si arimaha u sahlanaadaan oo xasuuqyada dhici doono loogu daboolo MARO WEYN OO DUSHA UGU QARAN TAHAY ALSHABAAB, ugu dambeyntiina qasaaraha ka dhasha aan lays weydiin, waana system-ka dunida ka jira. Mustaqbalka dhacdooyinka dowladda carada ka dhalata, waxaa ka dhex abuurmi doonaa qolo loo ekeysiiyo inay iska cabin wadaan, ugu dambeyntiina, meelkasta oo dowladdu doonayso inay burburiso u hor Kaca oo Laaya dadka ku nool, lana yiraahda waxan daba soconaa qoladaas, just sidii loogu eedeeyey Raggii loogu yeeray SHIFTA, ugu dambeyntiina sababay halaag badan.

Dilalkan hadda cusub waa qorshe high planning ah oo muddo laga shaqeynayey, waxaana kaaga soo dhax baxayo laba arimood:

  1. In Shacabka Kenya ee Christian-ka ah ogolaansho looga helo in la laayo ummadda Muslimiinta ah ee dalka ay wadaagaan, ayadoo la leeyahay dhamaantood alshabaab ayey noqdeen, oo maxaa lagu diidayaa inay dhacdo taasi, waxaan xusuustaa kalimad cajiib ahayd oo dunida aad uga hirgashay wixii ka dambeeyey 2001 daarihii Maraykanka markay dumeen kamlimaddaas oo ah “” all terrorist are MUSLIM, but all MUSLIM are not Terrerist”, bal daawo sida sawirkaasi u dhigan yahay, haddana waxaa la doonayey in sharci looga dhigi in dhamaan muqaribiinta oo dhan in loo muujiyo inay Muslim kaliya uun yihiin, sawirkaasi waa mid mudda badan soo jiray. Ayadoo laga faa’iideysanayo isla qibradaasi ayaad manta waxaad moodaysaa in la doonayo in dhamaan Muslimiinta oo dhan la dul dhigayo ama hal beeg looga dhigo “”all muslims in kenya are alshabaab, but all muslims in kenya are not shabaab””, Bal fasiro adiga !!!
  2. Qodobka kale wuxuu yahay maadaama ay dhawaaqeen reer Gaarisa, waxay la hubaa in meesha kaliya ee laga caawin karo hadal, iyo garab iyo gaashaanba ay noqon karto dadkaas soomaalida ah, sidaa darted maadaama ay dhawaaqeen waa in caddaamtii dunida la galiyo oo dhiigooda iyo dheecaankooda laysku daro, lana gaarsiiyo wixii beri ku dhacay wax ka sii xun.

Haddaba yaa fuliya weeraradan jira?

Caadiyan UHURU KENYATTA waa uun geedba dheecaankiisa ayuu dhalaa, Aabihii wuxuu ahaa digtator weyn oo soomaalida aad iyo aad dhibaato ugu hayn jiray, sideedaba kenyanku maaha dad aad u xadaarad badan oo hadba ninka u yimmaadda ayaa iska raran jiray sida soomaalidaba ay u geyn jirtay Jaziiradda KOYAME, uguna iib geyn jirtay dunida Carabta Taariikho fog, marka laga hadlayo. Ayadoo ay sidaasi tahay ayaa Micida manta iyo shalayba ay soomaali ku cunayeen aysan ahaddana lahayn. Maadaamaa ay sidaasi tahay, dilalka manta kenya ka dhacayaa waxaa aad iyo aad aan u aaminsanahay inay ku lug leeyihiin siyaasado gunteedu dheer tahay oo micnaha laga leeyahay aynaan garanayn, laakiin aad moodayso in markaan muslimka kenya ku nool talaabo looga qaadi lahaa.

Waxa socda beryahan howl galo shucuubta Islaamka ah ka dhan ah, oo cidda buuqeeda abuurtaa aan la garanayn, haddana aad daremeyso in ay jiraan dhacdooyin xoog badan oo aad iska garanayso in la maleegayo.

Haddaad u dhaba gasho waxaad arkaysaa wixii ka dhacay CENTRAL AFRICA ma joogin Shabaab, Mana joogin wadaado dagaalama sida hadba loogu meel maro in badan, haddana waxaad arkaysaa in dad nolol lagu gubay, lagu jarjaray, iyo waxa ka dhacay DALKA MAALI, LIBYA, iyo waliba NAYJEERIYA oo aad iska fahmayso, in BOKO HARAM aysan ahayn Hayad Islaam u dagaalanta, shaqana aysan kulahayn hanaanka lagu bartay Islaamka, ee Nabi maxamed NNKH uga tagay Muslimiinta.

Kicinta, abaabulada, iska Horkeenista, iyo collaadaha qaaradda Africa waa qiyaanadda Maldahan ee qotadeedu ay dheer tahay oo ay ku adag tahay inay fahmaan shucuuta caadiga ah, taasoo keentay in kenya iyo kuwa badan ay manta sawirayaan muuqaalo aad iyo aad u halis badan oo ugu dambayntiina gaaraya dhamaan dhul weynaha qaaradda Africa, ama Africadan Baahan, ee xanuunada lagu rogay.

Kenya waxay ku tala gashay in markaan ay dib u cusboonaysiiso dhiig cabnimadeedii, oo ay ku balaariso dhul baaxaddiisun weyn tahay, waana arin hadda rahman oo furaheedu uu yahay dilalka qorshaysan ee dadka madowga ah loogu geysanayo dhulka Soomaaliyda NFD, iyo kacdoonka reer xeebeedka oo isbiirsaday.

Somalida NFDyeey, Arintaan waxay u baahan tahay, in aad looga fekero, waxay u baahan tahay in dowladda Kenya si dhab ah loogu sheego, waxay u baahan tahay, in halaagaasi inta la fahmo intaanu baahin, dad badana aysan ku dhimanin digniintiisa la sii qabo, waxay u baahan tahay reer NFD iyo ummadda Muslim-ka ahba in wakhtiga laga faa’iideysto, Maaha in khalalaaso lagu badalo, maaha in dowladdaasi itaal laysugu dayo, maaha in qori lagala hor tago, maha ahan in collaad lagu xaliyo, maxaa yeelay systemkaas beri buu ahaan jiray, caqligaasi beri buu jiray, aragtidaasi marbay sax ahayd. Manta waxa loo baahan yahay inaad arintaas sidii loo wajihi lahaa, ka fekertaan. Aniga waxay iila muuqanaysaa arin muddo iyo wakhti loogu tala galayba la siiyey, sanad iyo sanado, iyo waxay la ekaataba dowladdaasi waxbay ku tala gashay, jawaabteeduna horayna waad u garanayseen, Gaarisa SUUG MUGDI laba nin oo la dilay Dhibkii ka dhacay iyo xanuunkiisa waa la og yahay, Maantoo Toddobaatameeyo Madow ah la dilay, waan iska garanaynaa waa sheeko maldahan oo aan fahmayno Gunteeda Hoose. You have to find solution Now. Allaha idin badbaadiyo insha allaah.

UHURU WUXUU SOO WADAA ARINTII WAGALA, GAARISA GUBAAY, MANDHERA, ama sii xun.

Illaahay ha badbaadiyo Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiintoo dhan. AMIIN

Mahad oo dhan illaahay bay u sugnaatay

Ibrahim Abdi Geele

jinniishumi@gmail.com

http://caasimadda.com/dilka-kenya-madowga-wuxa-uu-xam-baarsan-yahay-xasuuqa-somali-nfd/

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s