Cilmiga Qariban ee Culimo falsafadeed ku jira, duni Aafeysan ayaa laga dhaxlaa!

Cilmiga Qariban ee Culimo falsafadeed ku jira, duni Aafeysan ayaa laga dhaxlaa!

Ibrahim Cabdi Geele — Waxaan idiin soo bandhigi doonaa Qormooyin is xiga oo aan jeclahay inay Muddo socdaan oo aan kaga hadli doono sida cilmiga qaldama uu u qaribi karo dunida, iyo sida aqoonyahanka ugu soo kordhinayo fekerkiisa asagoon xeerinayn musiibada uu ka dhex dhalin karo Ummadda markasta ay la nool yihiin, ayna ku dhex Jiraan Culimaddu, ee ku talax tagta arimo badan arimo wadna goys ku noqday bulshada, oo gaartay heer aan laga sheekeyn karin.

Teaser Image Cilmiga Qariban ee Culimo falsafadeed ku jira, duni Aafeysan ayaa laga dhaxlaa!

Qormooyinkaani uguma tala galin inaan Qof gooni ah, qolo gooni ah, ama aragti doono ah ku cambaareeyo, ugu gefo, wax ugu dhimo, ama ku hor istaago, ee waxaan ugu tala galay inaan ku saxo ku toosiyo, ku caddeeyo, ku darsado fekerkeyga daciifka ah ee aan isleeyahay waxbaad ka dhihi kartaa, ku siyaadin kartaa, oo ku boorin iyo hanaan ka duwan ayaad la imaan kartaa.

Waxa igu qasbay inaan Qormooyinka soo bandhigo sida casrigan Jah wareer ugu abuuray qalinleeyda aan aad wax badan uga xeerin arimaha bulshada, waxay aaminsan yihiin ee u baahan in la xaq dhowro sida DIINTA ISLAAMKA, iyo dhaqanka Qowmiga ah wanaag ee ummadda, ama ayadoon aad looga taxadarin loo bandhigo Afkaaraha furan ee hormarinta ama toosinta, iyo kuwa abuura jahwareerka iyo isku dhaca Shacabka dhexdiisa, ayadoo aragtida Guud ee la doonayo tahay abuurista bulsho u qaabaysan aragti cusub oo muhiim u ah bulshada, oo markaasi si aan haboonayn loo dhex dhigo ummadda, ama si ula kac ah loogu tala galay in loogu qaribo bulshada, Waana waxan doonayno inaan ka fogaano, waxna isugu sheegno, anagoo is fahamsiinayna hanaanka Huwan waxay Bulshada wada aqbalayso, kana fahamsiin doono xididkaas ay wax ka maqasho, kadibna bulshado qaadan karto waxa muhiimadda ay tahay.

HORDHAC

Cilmiga waa iftiinka kaliya ee dunida yaala looguna tala galay in laga dhaxlo waxyaabaha aysan benu aadamka si dabiici ah ugu baraarugin, inta badanna waxay u badan tahay inuu ku dhasho siyaabo ILLAAHAY SW ku ilhaamiyo benu aadam oo sooyaalo badan midba uu lahaa itaalkiisa iyo ka faaiideysi noolaha maalinba heer u joogay oo micnaha ninkastaba ku leeyahay marka la soo kobo ay tahay manaaficaadka laga dhaxlo ee laga siman yahay, taasoo cidda ILLAAHAY galiyey ay uga faaiideyso ummadda laguna xasuusto sida wanaagsan ee looga dhaxalay.

Nabi aadam CS wuxuu ahaa shaqsiga ugu horeeyey ee dunida la keenay lagana tarmay, ILLAAHAY noogu sheegay in cilmi badan lala keenay dunida oo kuwa hadda aasmay, kuwa badan oo hadda dunida laga isticmaalo, iyo kuwa imaan doonaba lagu shubay “waayo ILLAAHAY wuxuu inoogu sheegay quraankiisa, in NABI AADAM CS, la baray ASMAA’DA dhamaanteed”,  Haddana waayaha benu aadamka oo aad u garaad yar aysan itaal u yeelan inay ka faa’iideystaan oo dadaalkooda iyo iraaddada ILLAAHAY oo laga yaabo inaysan u saamaxayn inay cilmi badan oo iman doona hadda fahmaan.

Maxaa yeelay insaanku waa kuwa ugu daciifsan noolaha ILLAAHAY khalqay, haddana waa kuwa ugu sharafta badan ee ILLAAHAY ka doortay noolahiisa marka laga soot ago, Malaa’ikta ILLAAHAY ee Awaamiirtiisa sida ay tahay u fulisa, ee aan habsaan iyo cilad intuba laga helin, ee habeen iyo maalin daqiiqadkastaba ku shukrisa ILLAAHAY subxaanahu watacaalaa.

Inkastoo ay sidaasi tahay, haddana benu aadamku waa kuwa ugu cinaadka badan ee ugu dhibka badan noolaha ILLAAHAY abuuray,  ayaa haddana cilmiga ILLAAHAY siiyey ninba sida uu asaga doonayo u dabaqay oo u dhigay, oo sida caadiga ah ninba sida uu yahay ee uu uga duwan yahay ninka kale cilmigiisa bulshada u dhex dhigay, taasoo keenaysa inay wax badan dunida ka badalmaan, si khaldan ama saxan, oo tariikhda inta uu taranka benu aadamka socday uu hadba meel u joogay oo looga faaiideysan karay, khasaaro iyo faa’iido maalinba meesheeda, oo shucuubta ay markaasi la joogaan wax uun ka qabeen oo ay u ahayd khayr ILLAAHAY u soo diray ama halaag.

Cilmigu wuxuu leeyahay laba jid oo kala duwan oo midba saameyntiisa leh, waa CILMIGA NAAFICA ah ILLAAHAY amaanay ee waxtarka u leh benu aadam, iyo CILMIGA lagu halaagmo ILLAAHAY Nacladay ee dunida aafeeya.

Labaduba waxay leeyihiin qaaciddooyin kala duwan oo midkastaba heerkeeda iyo awooddeeda ILLAAHAY siiyey, waana kala duwanaanshaha fegriga benu aadamka ee kiu daaban hadba fahamka benu aadamka uu gaaray, kana tarjumaya markaa siday la tahay, una dhigaya oo ku garsiinaya Shacabka oo horumar laga helay ama qasaaro laga dhaxlo, laguna Hoobto oo ummadaha dunida u kala saara qowmiyado, qaarado, qolo, ama qabaa’illaad isaga soo horjeedo aragti cilmiyeed oo ninba si u dhigay oo qasaaraha ka dhashay taariikhaha adduunka lagu caleemeeyey lagana reebay in badan raad reeb ay daalacdaan dunida inta ka dhiman ee qoraalku jirayo.

Inkastoo Cilmiga ILLAAHAY soo dajiyey dhamaantiis oo ILLAAHAY benu aadamka baray haddana uma  kala saarin mid asaga caabuda iyo mid ka hor yimmaada ee waxay ku xiran tahay hadba ninkasta iyo dadaalkiisa, itaalkiisa iyo siduu uga faa’iideysto una fahmay, waxaana lagu kala dheer yahay sida ninkastaba u dabaqay laysagana dhaxlay.

Ayadoo ay sidaasi tahay ayaa Haddana ILLAAHAY Cilmiga manta jira wuxuu ka dhigay mid DIINI ah oo  uu benu aadamka isugu micnaynayo oo uu ugu sheegayo awooddiisa iyo xikmadiisa, iyo sida uu u yahay kaligii oo dunidan cid la maamushaa aysan jirin, kuna deeqsiinayo inuu awoodo abuuriskasta oo dunida jirta, kuna tilmaamayo Kutubtiisa is xigtay ee  Benu aadamka lagu soo dajiyey iyo waliba sida la doonayo inay reer benu aadam dunida ugu noolaadaan, oo dhamaan ILLAAHAY uga dhigay una illaaliyey.

Cilmigaasi wuxuu ILLAAHAY Gooni u siiyey inay dunida Baraan Addoomadiisa waana RUSUSHA, NABIYAD oo uu si gooni ah ugu doortay una fahamsiiyey, cilmiga DIINIGA ah ee loo baahnaa in reer Benu aadam loo sheegyo.

Inuu ILLAAHAY u doorto soo dirista Rususha Benu aadam waa Xigmad rabaani ah oo ILLAAHAY ugu tala galay sababo badana oo aynaan garanayn huwan, waana cilmi ILLAAHAY la gooni yahay, laakiin fasiraadda ILLAAHAY na siiyey waxa ugu horeeya in ILLAAHAY wuxuu ugu soo diray ay tahay, benu aadamka oo Daciif ah oo  Muuqaalka Malaa’ikta aan xamili karayn  ama qaadi karayn, iyo Benu aadamka oo Abuuriis ahaan isku mid ah, kana siman wax badan, sidaa darteedna ay fahmayaan, fahamkaasina wax isugu sheegi karaan, uguna sahlan inay ku kala qaataan, inkastoo ILLAAHAY leeyahay Hanuunka.

Haddana sidaas oo ay tahay ILLAAHAY makari waayin inuu Malaa’ik benu aadam u suuraysan u soo diro oo gaarsiisa diimaha Samawiga ah ee ILLAAHAY soo dajiyey lana Kali ahaaday, haddana waa Arimo Illahay la kali yahay oo aana su’aal iyo jawaab cidna ka bixin Karin, Laakiin benu aadamka oo ah kuwa madax adag ayaa ku diiday kuna dilay in badan oo Rususha ka mid ah, kana qaaday halaag midba maalintiisa ay ummaddo badan u soo joogeen oo beu aadamku waxba kaga cibaaro qaadanin, oo laga dhex helay mid Illaahnimo sheegtay, iyo mid suurado kale oo jidkiisa ka duwan la yimid, dhamaan waxaa u sabab ah cilmiga oo ninba sida uu doono ee ku dhisan aragtidiisa jilicsan ku dhisto, ku fidneeyo oo uu ku aafeeyo qaruumo badan oo uga qaatay si fudud oo markaa wakhitigu ku dhaco, halkaana in badan oo ka mid ah taariikhdooda lagu soo xiro, laguna soo afjaray.

CILMIGA MAADIGA AH

Cilmiga maadiga ah oo laftiisu ILLAAHAY la kali yahay ee Insaankoo dhan u dhaxeeya ayaa ah kan ugu daran ee aadamiga Araxda ka jaray, una diiday inay hoydaan, harsadaan, fekeraan, is qanciyaan, run isugu sheegaan, waana midka abuuray Halaagga ugu badan ee dunida intay jirtay ka dhacay, waxaana ugu horeeya sixirka, xaasadnimada, iyo Barashada qowmiga, iyo kala duwanaanshaha Fekradda, Midabka iyo isla weyninka oo ah Tacliin laysu reebo jiilal kala fog oo fac weyn ku dhex yeeshay aadamiga dunida soo maray.

Si isku mid ah  ayaa horumarku uga jiray benu aadamka dhexdiisa, laakiin kala saraynta habka dabeecadda insaaniga noqotay  ee loo yaqaano social differences-ka oo lagu daabay horumarka cilmiga hordhay iyo siyaasadaha kala duwan ee reer benu aadam ayaa keenay mar kale inuu gaaro heerka ugu xun, uuna sababo  in la helo kala sarayn buuxda oo illaa iyo heer Caburin gaartay oo laysugu Itaal sheegto, ugu dambeyntiina keentay in insaanku is Duleysto oo Gumeysiga iyo Addoonsiga soo gaaro, ayadoo shaqsi kastaba ILLAAHAY Xor ka dhigay, ayna u sabab tahay cilmiga benu aadamka oo sida ugu liidata looga faa’iideystay.

Habka abuurka kala duwanaanshaha Insaanku ee jirsaday waayo aad u dheer iyo systemka dhismaha isku xirnaanta hadba inta isku feker noqotay waxaa u aabe iyo hooyo noqday ama gur u ah, culimo Ummadda hogaanka ugu qabatay is badalka aragtida oo ninba intuu kaga jiray kana wax dhisgis badan yahay ku jiheeya bulshada uu ku dhex nool yahay, “wax dhigis waxaan ula jeedaa Aftahanimo, iyo Raad Reeb”, waxayna Culimadaasi si xilkastnimo daro ah ugu dhex tuuraan bulshada Aragti khaldan oo bisil muddana la la karinayey oo aan xikmad lagu dahaarin qaarkeed oo keenta in ay markale dib usgu dhacaan isla Qowmi cusub ayagoo beryo badan taariikhda nabad ku wada joogay, oo markiiba  dib kala jaba, oo burbura, dhiig badan iyo hiirtaanyo badan kadib u kala qaybsama marar badan Jamaahiiro yar yar oo mudda badan kadib haddana markay tarmaan culima badan dib u sii hoojisay oo u kala daadisay illaa aynu ka soo gaarno Taariikho aynu daalacan karno oo aan Buugaag ku heli karno ama aan u soo joognay, ama haddaba ina wada horyaala, taasoo ninkastaba la dhacsan yahay ama ku diidan yahay.

Inta laga war hayo kala duwanaanshaha sooyaalka la xuso wuxuu keenay Raadad badan oo lagu daydo, oo systems ama hanaano kala duwan ku hoos jiray, ayna hogaanka u qabanayeen culimo aan diini ahayn intooda badan oo dadaal fara badan oo ay sameeyeen fekero iyo falsafado ay aaminsanaayeen ka dhex abuuray dagaalo dunida, sida Kuwa inta badan ka dhacay Yurub qarniyo badan ama haba ugu dambeeyeen kacdoonkii Faransiiska, Russia, china, dagaalkii 1-aad, iyo kii 2-aad, Africa, iyo Dunida Muslimka ka jira maanta, oo inta badan collaadoodu budhig u ahayd Ahlu cilmiga sida qaldan ugu feker dhigay Kutubtooda, kuna saameeyey bulshada jirtay, oo keenay in dhiig badan ku daato ayna u dhintaan ummado aan ku shaqa lahayn, is haysadka u dhaxeeya culima kala feker ah, oo midkastaba garabka ku dhagan siyaasado ay guri u yihiin culimada, khasaaraheeduna ay gaarto illaa heer benu aadam ka sheekeeyo, oo afka iyo gacanta laysa saaro.

Anigoon doonayn inaan Buugaag gooni ah ku bandhigo ayaan jeclahay inaan si guud u guud mariyo akhristayaasha in ay jirayeen dhamaan waxyaabaha aaan ka sheekeynayo, waxaana u sabab ah inaan ku qorin halkaan Buugaag iyo Authors-kii qorayba, inay aad u tiro badan yihiin ayna suurtagal ii ahayn inaan soo bandhigo dhamaanteed, ama aysan haboonayn inaan inta qaar qoro qaarna ka tago, maxaa yeelay xuquuqaadka xigashada oo midna ka muuqanayo midna aanan lagu xusin, waxayna uugu wanaagsanaatay bal in aan si guud u sheego inay jiraan cilmiyo badan oo dunida lagu halaagay.

Cilmiga afaysan ee Ruux/Naf qaribani ku jirto dunida ololka ka dhex abuuray in badan oo ka mid ah Kutubtii ay ku qornaayeen waa la gubay qaar ka mid ah culimadii qortayna waa la dilay, ama dhibaato badan oo ku dhacday kadib iskood ayey isaga dhinteen, mana lahayn qolo gooni ah, diin gooni ah, ama meel gooni ah ee dunida oo dhan ayey ku kala noolaayeen, Muslim iyo dad aan ahayn ayey isugu jireen, waxayna inta badan ku fadhiisin, halbeeg ugu dhigi jireen cilmigooda falsafado ay aaminsanaayeen, oo  dhisan,misana adag, oo bulshada sida ugu sahlan ay u fahmi kareen, una fahamsiiyeen.

Culimadaasi muddo badan kadib waxaa dunida ku soo siyaadayey kuwa la feker ah, la dhaqan iyo la afkaar ah, oo nooleeya kuwii hore waxay ka tageen una dooda in muddo illaa ay laftoodu ku dhacdo wixii qabsaday kuwii ka horeeyey, oo ay markaasi ku adkaadeen ama laga adkaaday.

Inta badan collaadaha la xusuusto waxaa laga hayaa collaadihii dhex maray Yurub oo Halaag badani ka dhacay oo dhibaato badan oo jirtay ay sababeen rag intooda badan u badnaa Yuhuud iskuna dhufan jiray Shucuubta, illaa in badan oo ka mid ah Kutubtooda la Gubo, la ciribtiro, oo loogu yeero magacyo teeriikheed oo kadibna Ummadda loogu asteeyo inay ahayd maalmo Taariikhi ah, oo Markaa Systemkii xoog badnaadaba jirtaankiisa ku asteeyo Taariikh madow oo ay abuureen Buugaagtaas, taaso la micna ah inay aqoonyahankii qoray si xun u dhigay cilmigiisa, oo lagu xuso Buug iyo Ninkii qoray oo ka shaqeeyey halaag taariikh reebay.

Addoonsiga oo ah shayga ugu xun ee aadamiga si isku mid uga soo horjeedo ee nin aqbalaa dunida aanu jirin wuxuu soo maray ahlu cilmi u fadwooday in benu aadamka is adoonsan karo, is dulaysan karo, oo sida xoolaha isula dhaqmi karo, oo jideeyey inay jiraan is addoonsi, dad badan ku qancay, fulilyey, kana dhigaya taariikh Faan iyo Aabi ku dhisan, oo aan xishood iyo arxan lahayn kuna saameeyey bulshadii markaa jiray, laguna dhaxal wareejiyey ummaddo dhan, oo ku wiil iyo walaal waayey, laguna shaqeystay xoogoodii oo warshadaha  dunida looga faa’iideystay“Human Capitals/Human Resources Extraction”, taasoo illaa iyo manta nidaamyo kala duwan ku dhisan oo aan lahayn Cudur daar, iyo Cafis midna, una dhigan siday ku billaabantay, oo soo gaartay in is addoonsigu ugu dambeyntii soo gaaro mid Psychologically ama Falsafad ahaan kala sarayna Benu aadamka lagu qasbo qolo kale ee loo itaal sheegto, ayna u aaminaan sida caqiidda ahaan, oo markaasi darsiyo cilmiyeysan loogu dhigo in aadmigu kala heer sareeyo caadiya dunidan, ayadoon loo eekeyn sida uu ILLAAHAYga abuurtay ugu kala cibaado badan yahay.

Ugu dambeyntiina waa taariikh manta taala dunida oo aan cidna looga sheekeyn sida dunidu u kala sarayso, ama u kala leedahay Classis ku dhisan awood is maquunin, iyo ixtiraam xumo oo ninkiiba maalin ka awood badan ka kale uu doonayo in la dhagaysto, haddii kalena cawaaqiibteedu xun tahay, ayna noqotay dhagayso oo ku dhaqan.

Addoonsigii ka billowday dunida ee sida baahsan uga hirgalay dunidan wuxuu keenay inay is haweystaan siyaasado kala duwan, illaa qolo kastaba ay ku fekerto in ay xoogaa cilmigeeda adeegsato kuna qasabto dowlado badan oo kala duwan inay burburiso, oo markaa ay ku hamisay in dunida oo dhanba qolo gooni ah inay maamusho xaq u yeelatay, iskana dhaadhisay inay fulinkarto, illaa laga soo gaaray Hitler oo ahaa dagaal yahankii ugu adkaa ee inta la og yahay soo maray Yurub, sababtayna Halaag xoog badan oo ay ku nafwaayeen Malaayiin shucuub ahaa, taasoo keentay cilmiga Afaysan ee ku dhisan falsafadda qaldan ee lagu kabay, oo markaasi ololka intaas la eg ka dhex abuuray dunida, oo ku hubeysnaa Gantaalo la rido illaa Sunta halista ah ee abid benu aadam hindiso oo uu sameeyo, illaa Gantaalada Maanta dunida Casigiga ka ah ee Blastic Missiles la yiraahdo, oo inta laga qaattay Cilmigaasi Hitler lana hor mariyey oo la gaarsiiyey mid ku shaqeeya GPS “Global Possitioning System”  oo laga maamulo Dayax Gacmeedka, laguna toosiyo hadba markaa meesha loo baahan yahay.

Ugu dambeyntii cilmigaasi wuxuu dunida Gaarsiiyey hab dhismeedka siyaasadaha ku dhisan collaadda, dhaqaala Abuurista qolooyin gooni ah, kala qoqobidda benu aadamka oo halbeeg looga dhigay Madaahiib, Midabo, Qaynuuno, Diimo, Qowmiyado, Qabaa’illaad, Fekero, Aragtiyo kale intuba, iyo isfaham lagu daabay Cilmi qarash iyo wakhti la galiyey oo sidaas uu u dhigan yahay ay faa’iido ugu jirto qolooyin gooni ah, oo hadba inta iska agdhow ay kaga midaysan yihiin inta feker ahaan ay kala fog yihiin.

Taasoo dunida ka dhigtay qoryo Hubaysan oo iska soo Horjeeda, kana abuuray dunida Musiibooyin ay ugu horeyaan, Abaaro, Collaado, Dhaqaale xumo, Qaxooti, Jabhado, Jamaahiiro is diidan, oo warmo isu haysta, Qaybi oo Xukun, iyo Xuduudo dhex mara laba guri oo ay kala dagan yihiin wiil iyo Abtigiis, iyo wiil iyo habaryartiis, iyo wiil iyo awoowahiisa, oo ku kala hoos jiray hadba jamaahiirta la abuuray ee kala systemka ah ee rag u kala oodan, oo xuduudka loo dhaxeysiiyey.

Dunida cilmi qariban ma jiro ee Benu Aadamka ayaa Qariban, Cilmiga si khaldan loo dabaqo  ayaa halaaga ugu daran laga dhaxlaa, waana adag tahay in laga soo kabto markay musiibadiisa dhacdo kadib, wuxuuna reebaa dhibaato qarniya jirsata oo kala gaadha aadamiga dunida ku nool markastba.

La socoto qormooyinka xigta waxan uga hadli doonaa  “Aqlaaqiyaadka Cilmiga Diin iyo Maadiba looga baahan yahay, iyo  xigashada fekerada kala duwan iyo cilmiga afaysan ee ku dhisan falsafadaha gaamuray ee Xoriyadda Hadalka iyo wadaagga Afkaaraha Psychology, ee sababa Ideological  Effects to the Social Structure, Dhamaan waxaan ku salayn doonaa Addilooyinka Diiniga ah, Inta ILLAAHAY I garansiiyo, Anigoo la kaashan doono,  Culimo kala duwan insha Allaah.

Mahad oo dhan Allaha weyn SW ayey u sugnaatay.

Ibrahim Abdi Geele
jinniishumi@gmail.com

http://www.keydmedia.net/editorial/article/cilmiga_qariban_ee_culimo_falsafadeed_ku_jira_duni_aafeysan_ayaa_laga_/

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s