2-aad Jihaadka Reer Galbeedka

‘JIHAADKA’ REER GALBEEDKA | Q: 2-aad

Ibrahim Abdi Geele — « Qeybtii Koowaad ee Qoraalka« Sanadkii 1970 ilaa 1976 Boqortooyadda Sacuudiga waxay abuuraysay In Dalka Soomaaliyeed ay khalalaaso galiso, waxayna ahayd indowladdii Soomaaliyeed ay meesha ka saarto midowgii soofiyeeti oo cilmaani ahaa

Teaser Image ‘JIHAADKA’ REER GALBEEDKA | Q: 2-aad

Aragtidaasi oo laga dhigayey in soomaaliya ay noqotay meel diinta islaamka lagula dagaalamay, kadibna dhaqaale u balana qaaday, markay dowladdii soomaaliyeed ka madax adkaysatayna, waxay ku kicisay rag wadaado ah oo aan aad u aragti dheereyn kana yimid inta Badan saacuudiga, kuwaasoo buuq ku dhex furay bulshada dhexdeeda halkii si xigmadaysay loo abaari lahaa, umana diyaarsanayn inay la tacaamulaan dowladdii markaasi taagnayd ee soomaaliyeed oo hubaashii gefka diinta ka gashay, ayadoo Sacuudiga Xaramayn Alshariifayn ay Joogaan Ciidamo Gaalo ah oo aan Islaam ahayn oo Illaalinayey, Khayraadka Ummadda Ilsaamkahana qaadanayey, haddana ay abuurayeen Ideology lagu kicinayo Muslimiinta dunida ku dhaqan, si khalalaase ay ugu abuuraan, ayagoo markaasi ka dhigayo fekerkaasi mid DIINTA ISLAAMKA LOOGU NASTEEECEYNAYO.

Markay dowladdii maxamed siyaas saartay Ruushkana dowladdii soomaaliyeed ceelkii lala raadinayey waa ku dhacday, kadib sacuudiga waxba kama soo qaadin oo waa ka aamusay, marka laga reebo Hub Taariikhdiisu dhacday oo ay soo siiseen oo aan wax badana ahayn. Soomaliya kaliya kumay dhicin ee waxay ku dhacday Masar iyo Suudaan oo dhamaan uga digay Soomaaliya inaysan saaraan Soviet-kii, maadaama ay ayaga horay ugu qasaareen, maxaa yeelay gaashaan buur la’aani halasy bay markaasi u muuqanaysay.

Agendayaasha carabta ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa, sidii laysaga Horkeeni lahaa labadii quwadood ee islaamka u soo koraysay ee Ciraaq iyo Iiraan oo laba dowladood oo daris ah ahaa, nabadna ku noolaan jiray, loona dhex dhigay cadowtooyo xoogan oo aad u xanuun badan, ayna keentay in Ciraaq lala saftay dhaqaalo iyo Military ahaana ay caawinayeen labadii quwadood ee ugu xoogga badan lahaa dunida ee Reer bariga iyo Reer Galbeedka, laguna Go’dooniyey Dalka Iiraan.

Go’doominta Iiraan waxa u sabab ahaa in Iiraaniyiintu ay meesha saareen Maraykanka, markuu qabsaday Ayatullaahi Khumeyni, kana dhigtay inay ka baxeen garabkoodii reer galbeed, meel kalena aysan ku xirmin, Waayo wax xiriir oo hore ah kala dhaxeyn reer Bariga, waxayna keentay inay meel cidla ah ku soo dhacdo dowladda Iiraan, ugu dambeyntiina dhinac looga soo wada jeestay, laakiin aan laga guuleysan, kuna adkaatay Dowladda Iiraan, dagaalkaas oo qaatay muddo 10 sano ah waxaana  ku dhintay ku dhawaad 1 Milyan oo ruux oo shacab iyo ciidanba lahaa, iyo dhaqaalo aad u xoog badan.

Dagaalkaas waxaa loo adeegsaday hub ka mamnuuc ahaa in la adeegsado, lana mamnuucay wixii ka dambeeyey dagaalkii 1-aad ee dunida, haddana illaa iyo maanta aan UN-ka wax raali galin ah ama in yar oo Garawsha ah aan laga helin, laakiin wali ah dhibic madow oo dhex taala Xarunta United Nations-ka.

Dagaalkii Afgaanistaan

Waxyaabaha laga xusi karo ‘Jihaadka’ looga faa’iideysto dunida Islaamka waxaa ka mid ahaa ‘Jihaadkii’ lala galay Soviet-kii qabsaday dalka Afgaanistaan 1979 iyo sidii loogu ogolaaday inay dhamaan Mujaahidiintii caalam islaam iyo kuwa ku nool reer Galbeedkuba ay kaga qayb qaateen xoraynta Afgaanistaan, waxaa dhiiri galintiisa iyo is diiwaan galintiisu ka billaabatay dhamaan dunida muslim-ka oo dhan, waxaana u gogosha dhigay Sacuudiga iyo dhamaan carabta, haddaad daarwato barnaamijyada laga sameeyey jihaadkii Afgaanistaan waxaad dareemeysaa sida Muslimiin looga faa’iideystay qaddiyadda ay aaminsan yihiin ee Islaamka in la xoreeyo iyo sida  gogol ugu ahayd fekerada qarsoon ee reer galbeedka iyo iskaashiga kuwa ay la leeyihiin ee uga wakiilka ah dunida islaamka.

Ciidamada ka dagaalamayey Afgaanistaan ee Mujaahidiinta ahaa waxaa Tababar iyo xoogga ay kula dagaalameen lahaa Reer galbeedka qaasatan Maraykanka, wuxuuna siinayey Tababarada sida loo sameeyo MIINOOYINKA, MID CIIDAN, HUBKA KALA DUWAN OO AY KA MID AHAAYEEN QORYAHA UGU CASRISAN EE DIYAARADA JOOGGA HOOSE KU SOCDA LAGU SOO RIDO, EE LA YIRAAHDO STINGERS, iyo CASH LACAGEED oo aan tiro lahayn,  oo dhamaan meesha markaas base-keedu ahaa dalka PAKISTAAN, taasoo ciddii doonaysa hadday ka raadiso ay ka heleyso Internet ka si free ah.

Waxaan xusuustaa mar aan daawanahay documentary la Yiraahdo, WAR IN AFGHANISTAN oo laga sameeyey silsiladdii dagaalkii qaboobaa EE COLD WAR-KA, aan ku dhex arkay madaxda ugu sar sare  oo dhex taagan MUJAAHIDIINTA DHEXDOODA OO KU DHAWAAQAYA, “” WAXAAD KU NOQON DOONTAA GURYAHIINA, WAXAADNA KU TUKAN DOONTAAN MASAAJIDYADIINA””,

Markaad aragto arintaas oo kale waxay kuula ekaanaysaa cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaa, laakiin marka fekerkaas uu shaqeynayaa waxay ku xiran tahay in lahelo nidaam islaami ah oo isku xiran hubkiisii iyo awoodiisii leh, oo dhaqaale ahaan iyo feker ahaanba u madax banaan oo markaasi iskaashi la sameyn kara dalal ama taxaaluf sameysan kara, laakiin waxay u ekeyd in dagaalkaasi uu yahay mid aan intaasiba lahayn ee fekerkiisa iyo agendahiisaba ay lahaayeen raga dunida ugu awooda badan ee isku haysta tala caalamka oo dhan, kuwaasoo fekerkooda iyo waxay doonayaanba ay tahay dunidan oo Hal dowlad ka talisa sida uu President Bush ka dhawaajiyey 1991, oo uu xitaa raaciyey in dagaalka Operation Desert Strom ee Ciraaq 1991 in uu ka mid yahay hirgalinta Haldowlad oo dunida ka arimisa iyo Burburinta darbigii Berliin ee Dalka Jarmalka, ee laysugu keenayey East and West Germenay.

Kacdoonkii islaamka ee dunida muslimka kacay wuxuu ahaa mid ku dhisan run oo shucuubka islaamka ay ku galeen si niyad ah, laakiin aan la helin cid dib u eegta sida ay noqon karaan mustaqbalka mana helin dowlad hagta shucuubtaas dagaalka gashay ee doonaysay in islaamka laga dulqaado Gaalada ku soo duushay ee dul dagan.Ayadoo sacuudiga Jihaad u iclaaminayo dunida muslim-ka si loo xoreeyo afgaanistaan, ayaa Haddana sidaas ay tahay SACUUDIGA WAXAA DUL DAGANAAN CIIDAMO AAN ISLAAM AHAYN, mana lays weydiin waxa ay ku kala duwan yihiin kuwii joogay SACUUDIGA IYO KUWA JOOGAY AFGAANISTAAN, waana meelaha aan  wali su’aalo layska weydiinin, Maxaa yeelay laga soo billaabo 1978 illaa maanta  gabdhaha  khaliijiyiinta waxaa dul jooga ciidamo Galbeed ah.  Waxaan xusuusbtaa hadalkii QADAAFI UU KA JEEDIYEY SHIRKII DOOXA EE DALKA QADAR, EE UU la hadlayeye Boqor Abdallaha Sacuudiga uu KU YIRI “”” SACUUDIGA WAXAA ABUURAY INGIRIIS, WAXAANA DIFAACAYA MARAYKAN””,.

Kalimadaasi qadaafi beentiis maahayn, siyaasad ayuuna ka watay, laakiin waa dhab taasi, waxaana sacuudiga sameeyey boqorooyadii ingiriiska markay Carabta duminaysay boqortooyadii ugu dambeysay caalam islaam ee OTTOMAN EMPIRE, taasoo carabta markii dambe ay ka dhaxleen gumeysi iyo kala qaybin xoog badan oo ku dhacday, qasaarahii ka dhashayna ay ahayd, in reer galbeedku burburiyaan wuxuu islaamka soo dhisayey qarniyo badan, illaa laga waayo dunida muslimka wax isku xira.

AL-QAACIDDA MAXAY TAHAY, HALKAYSE KA TIMID?

Hellary Clinton ayaa waxay tiri, dhamaan cidda aan dagaalka kula jirnaa waa kuwii aan shalay ku dhex abuurnay Afgaanistaan, waxaa kale oo aad ka heli kartaa cidda ka raadisa internet-ka, waa free source, waxayna caddayn u tahay in galbeedku kadhigteen raggii shalay jihaadka loo diray kuna caawiyeen, inay maanta u yihiin cadowga kuuwaad, ayna ugu yeereen magaca ku caan baxay dunida ee loogu yeero Al-qaacidda, ayadoo aynaan ogayn meesha lagu dhisay iyo sida ay u dhisan tahay, cidda dhistay iyo xarunta lagu dhisay, walina aan la helin madaxda la sheegay inay ugu sarayso ururkaasi, iyo  in ay leeyihiin, ama meel ay ku qiranayaa Ururka alqaacidda. Hanaankaasi wuxuu keenay in dadka loo helayo aragti kale oo muhiim ah oo la doonayo in lagu badalo arimo kale oo markaa agenda qarsoon laga leeyahay, waxayna noqon kartaa:-

  1. In la doonayo in dib loo ciribtiro raggii la taba baray oo meesha laga saaro maadaama ay qabaan tarabaro kala duwan oo laga baqanayo inay ku faafiyaan dunida muslim-ka oo dhan, taasoo aad dareemi karto raggii soomaalida ka aaday Afgaanistaan  ee ka dagaalamay in ay kala khatarsanaayeen oo Mr Cayroow oo lagu dilay gobolka galgaduud caasimadiisa Dhuusamareeb, kana khatarsanaa Ibraahim Afgaan oo aan loo baadi goobin sidas cayroow iyo raggii kale ee soomaaliya ka abuuray Ururada Islaamiga ah ee soomaaliya ka jiray.
  2. In aragtida raggaasi loo weeratay ay tahay, in reer galbeedku la doonayey inay ku lugyeeshaan khayraadka Ummadda Caalam Islaamka, ayagoo  micnaha lagu dhex gali karo ay tahay raggaan oo cadow laga dhigto, kadibna laga dhigo Muslimiin la laynayo kadibna lagu dhiiri galinayo in ay la saftaan kadibna collaadda lala galayo laga dhigo mid caam ah, ayna u badan tahay in dhamaan dagaalaada ka socda dunida muslim-ka ay si dadban ugu lug leeyihiinsi kacdoonka ugu faafo dunida muslim-ka kadibna loogu baahiyo xarumo ciidan oo dalkastoo laga abuuro raga jihaadka iyo dagaalka ku jiraa inay daba socdaan, isuna suureeyaan in ay ka caawinayaan dowladkasta sidii loola dagaali lahaa kooxahaasi,  ayagoo uga faa’iideystaan sidii lagu soo dhex gali lahaa dalkaas looguna lug yeelan lahaa khayraadkiisa.
  3. Waxaaa laga yaabaa markii horeba inay hogaanka u hayeen Mujaahidiinta Afgaanistaan rag  cabsan reer galbeedka oo howsha ay qabanayaan gadaal uga yeeriya raggii Pakistaan markaa fahdiyey, oo markaa rag wax badan lagu og yahay inay fulin karaan ah.

Markaan sidaas leeyahay waxyaabaha iga yaabiyey ee igu dhaliyey waxaa ka mid ah, sida dunida muslim-ka qaraxyada uga socdaan meelkastoo  islaam joogo, laakiin looga waayey reer galbeedka iyo  waddamada KHALIIJKA oo dhan, waxaa laga yaabaa in cilada badan loo sameeyo, waxyaaba aad la yaabayso waxaa ka mid ah in rag islaam sheeganayaa oo ka yimid dunida galbeedka ay imaanayaan dunida muslim-ka kadibna lagu leeyahay wuxuu ka yimid waddan hebel haddana waa is qarxiyey, waxaadna is weydiinaysaa maxaa ninkaan ku qasbay inuu ku jihaado ummadda islaam ah oo uu meel aad u dheer uga soo haajiray, kadibna u leeyahay waan laynayaa.

Dagaalka jihaadka la leeyahay ee ka socda dunida muslim-ka kaliya ee lagu ciribtirayo dadka muslim, ee lagu waayay waxkasta oo dunida muslim-ka ay lahayd, wuxuu leeyahay waji jihaadkiisu yahay kaliya mid lagula dagaalamayo caalamka islaamka oo kaliya, laguna soo qaaday si isla siman midkii danaha gaarka ah ay ka lahaayeen reer galbeedka ee diyaaradaha iyo gantaalaha lahaa, iyo midkii argagaxa lahaa ee islaamka lagu dhex daayey. Sawirkaasi waa mid aad u xanuun badan, haddana loo nisbeeyo in islaam lagu xuraynayo.

Dagaalkaan islaamka ka dhanka ah wuxuu leeyahay 2 halkays oo midkastaba lagu dhibaataynayo shucuubta muslim-ka ee aan ku jirin KHALIIJKA oo dhan, mid waa fekerada dagaalka islaamka ka dhanka ah ay ku hayaan reer galbeedka waa sida Terrorist, Regime change, democracization, weapon of Mass destruction, chemicals, waxaana lagu abuuraa Jabhado ka dagaala waddamadaasi dhexdooda oo ku dhawaaqaya wixii halkayska looga dhigay oo micnaha loo sheegay iyo agendaha dambe ee dalkooda laga leeyahay aanan la kala saarin, waxayna ku tusinaysaa in Ummaddan islaamka ah fahamku ku xun yahay, waxaan la yaabay Soomaaliya oo lagu kiciyey jabhadnimo 1991 in uu ahaa waxaa Tuuraynaa Kaligii Talis, Ciraaq, Liibiya, Yemen, Masar, Tuuniisiya, iyo Suuriyana ay maanta Joogaan, ayna taagan yihiin halkii soomaaliya 1991.

Dagaalkaas kacdoonka ah waxaa si toos iyo si dadbanba u caawinayey reer Galbeedka waxayna ula jeedkiis ahaa in la burburiyo dowladkasta oo xoogaa is adkaysa sida midda soomaaliya iyo Liibiya, iyo in la rido regime-kastaba marka lagu shaqeysto, laguna badalo regime kale oo qasab ah sida masar iyo Ciraaq, oo ummadda dhexdheeda looga taago khalalaaso iyo mushkilo aan dhamaanayn muddo dhow, loona fekero in ummadaasi aysan mar dhow noqonin ummad Fahmi karta mushkilladda haysata wakhti dhow, kuna mashquulaan dhibaato la sameeyey oo ay gacanta ku hayaan rag aan u dhalan waddanka kuna fulinaya rag ay tabcadeen oo u shaqeeya agaya, oo dambiilayaal ah.

Sii Akhriso: Qeybta Saddexaad ee Qormada

Qeybta Saddexaad ee Qormada wuxuu Ibrahim uga hadli doonaa: Dagaalkii Afgaanistaan kadib waa sidee “Jihaadkii”, Dhaqaalaha iyo fekerka halkuu ka soo gala, raga dagaalamaya? iyo Sida looga gudbi karo.

Ibrahim Abdi Geele
ibrahim.geele@keydmedia.net

http://www.keydmedia.net/editorial/article/jihaadka_reer_galbeedka_q_2-aad/

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s