1-aad Jihaadka Qarsoon ee Reer Galbeedka

‘JIHAADKA’ QARSOON EE REER GALBEEDKA

Ibrahim Cabdi Geele — Laga soo billaabo markay burburtay xukuumadihii islaamka ahaa ee ilbaxnimada iyo horumarka iftiinka badan ku soo siyaadiyeen dunidan Maanta aan joogno, isbadalka ku sameysay jaahilnimadii hore kuna baddaleen nabad, is dhex gal, iyo casri aan taariikhda dunida hore loo arkin.

Teaser Image ‘JIHAADKA’ QARSOON EE REER GALBEEDKA

Dowladdahaasi islaamka ahaa ee kala dambeeyey waxay ahaayeen meelaha ugu horeeyey ee billaabay in qoraal wax lagu keydiyo, halka ayada ka hor boqolaal qarni lagu keydin jiray sawiro, ama muuqaalo siyaabo kala duwan loogu reebi jiray jiilba midka ka sii dambeeya si ay wax badan uga ogaadaan dhacdooyinkii dunida soomaray inta markaasi laga gaari karay.

Islaamku maado kasta oo dunida maanta loogu dhaqmo asagaa loogu nasab sheegtaa 90%, waana meesha kaliya ee maanta horumarka dunida laga keenay. Markaad barato buugga1001 sheey oo dunida islaamka ku soo kordhiyey waxaad dareemaysaa 99% waxa dunida casri yaala inuu gogol dhig u ahaa, sida lagu barto maantaba dunida  jaamacadu badan lagu dhigo. Laga soo billaabo geologically oo cilmiga dhulka, astronomy cilmiga cirka, chemical engineering barashadda kiimikaalada, iyo dhamaan science oo dhan, sameynta keydinta buuggaagta iyo ururinta cilmiga qoran ee aan sawirka ahayn, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ummadda iyo wixii dhamaan ummaddaha dunida aysan horay u arkay, ayaa laga dhaxlay dunida muslimka oo dhan. Waxaana hubaal ah inaanay dunida guudkeeda joogin cid sheegan karta dhamaan asaaska waxyaaba aan ka soo sheegaynay oo dhan.

Maadaamaaba dunida muslimka ay leedahay fekerka noocaas ah maxaa ka dhigay shucuubta dunida manta aan joogno ugu liidatay qaasatan halkii salka u ahayd ama xaruntii iftiinta islaamka ee dunida muslim, ee ah Makka iyo madiina, Dimishiq, Baqdaad illaa Turkey, Pakistaan illaa Bartamaha qaaradda Aaasiya.

Waxaan doonayaa inaan bal u faaqido maqaalkan si aan u soo koobo ugana dhigo waxay fahmi karaan ummaddeena aan aad ula socon waxa dhabta ah ee dunida yaala , ee aaminsan waxa laga soo bandhigo shaashadaha ay leeyihiin intooda badan dad islaam ah, ama macluumaadka dunida laga qaybiyo ayadoo ay ku dhisan tahay aragtida ka fog runta ee qiyaaliga iyo qiyaanada gun dhigeedu yahay, oo runteedu tahay wax ka badalan waxa laga soo bandhigayo.

Jamhuuriyadaha Carabta ee kala duwan

Carabtu waa asalka guriga diinta islaamka, waxayna u nasab sheegtaan ahlu cilimiga islaamiga ah, waana faraca iyo iftiinkii dunida ku soo baxay meesha ugu horaysay ee ay ka timid, waana meesha ugu xun ee maanta laga dumiyo dunida muslim-ka. Marka la leeyahay ee loo baahan yahay in aragtidaan  la diido, ama la ogolaado waxay u baahan tahay in marka hore wax badan laga daraaseeyo, waxa dunida muslimka halkaa dhigay.

Waxayna u baahan tahay in maskax dagan oo cadiifad iyo kacdoon midna aan lahayn lagu eego, loona fahmo meesha khaladka ugu weyn ka soo galay, cidda ka dambeysay iyo sida ay u dhacday in dunida muslim-ka ay noqoto meel aan micna lahayn oo dhageysata dad iyo xukuumado aan islaam ahayn, looguna qasbay shuruucda la dajiyey 1945 ee ay dunida u dhigeen 4 waddan oo ku guuleysatay dagaalkii Hitler ay la galeen, iyo sida dunida muslim-ka u noqoto meelo ay ka taliyaan wakiilo la shaqeeya ummado aan islaam ahayn, sida reer galbeedka, dhaqaalahoodiina ay uga gaajaysan yihiin cidda xuquuqda u lahayd, una dhigteen dhamaan dhaqaalaha ay leeyihiin dowladdo kale, oo ay ku shaqeystaan kuna nooleeyaan dadkooda, halka kuwii muslimka ahaana ay u dhimanayaan haraad iyo gaajo, ama dhaqaalahii carabta loogu burburiyo dunida muslim-ka ayagoon war u ahayn, iyo sida dhamaan loo koontaroolo dhaqaalaha iyo nolosha ummadda islaamka ah oo dhan ayadoo laga fadhiistay xaruntii islaamka ee dunida muslimka u nasab sheeganaysay, iyo sida boqorrada carabtu u aamineen danahooda qaaska ah, una fogeeyeen horumar xumada ku dhacday dunida muslimka guud ahaan.

Inkastooy meelo kala duwan galayso, oo ay nala fogaanayso qoraalka, ayna suurta gal ahayn inaan meelkastaba la tagno ayna noqonayso qoraal socon doona muddo dheer ama ku dhawaanaya Buuggaag in laga qoro ayaan isleeyahay meesha ugu sahlan ka billow oo ah, sida dunida muslim-ka u aamintay jihaadka dunida loogu dhawaaqo shacaa’iraadka islaamka, laguna fuliyo danaha ay leeyihiin reer galbeedka, kaasoo sida uu u dhaco iyo sida loo abuuro, iyo cidda ku guulaysataba ay ugu dambeyn noqonayso dad iyo dowlado aan islaam ahayn, laakiin dhiigga iyo dheecaanka, qasaaraha, dhimasho iyo hanti,  aqoon iyo waxkastaba ay ku waayaan dunida muslim-ka. Waxaana ka dhasha barakaca ugu weyn qarniga 21-aad ee miilaadiga, taasoo cidkasta oo maanta adduunkaan ku nool ay in dhaha ku hayso.

Taasi waxaa ka sii daran sida foosha xun ee diinta islaamka looga dhigay mid ka shaqeysa xumaanta iyo fool xumada dunida ka taagan, ayna u rumeeyeen dad badan oo aan islaam ahayn inay tahay diin ku dhisan qarax iyo burbur, ayna aamineen inay waajib tahay in laga sifeeyo dunida dusheeda. Inkastoo cid ka sifayn kartaa aysan jirin oo arin illaahay gacantiisa iyo balanqaadkiisa ku jirto tahay, haddana meeshaas waxaa laga waayey ciddii ku haboonayd iyo caqligii islaamka la faray, iyo sida qiimaha badan ee loo badbaadinayo dhiigga islaamka dhexdiisa ah iyo midka gaalada aan dagaalka ku jirinba.

Waxay u baahan tahay islaamka sida uu u shaqeeyo iyo qaabka uu dunida ula tacaamaloodo in la barto dunida oo dhan waxayna u baahan tahay xikmad iyo aragti suuban oo dunida maanta aan ku nool nahay loo mariyo. Waxyaabaha cajiibka ah ee maanta dunida ka dhacay waxaa ka mid ah, in Diinta islaamka ay tahay midda ugu saamaynta badan ee loogu qaadashada badan yahay dunida, taasina ay keentay in dhamaan dadka aan islaamka ahayn u fahmeen in diintani tahay mid aad u faafaysa ayna mustaqbalka noqonayso diinta kaliya ee ka talin doonta deegaanadooda iyo inay badali doonto xukuumadaha reer galbeedka ama dhamaan caalamka aan islaamka ahayn oo dhan.

Arintaas khatarta u arkayeen  ayaa u sabab noqotay in dagaalo adag ay la galaan diinta islaamka, waxayna u sameeyeen jidad xoog badan oo ay kula dagaalamayaan islaamka galay dhulkooda ee ay qaadanayaan ilmahooda iyo dumarkoodaba, ayna ka dambeeyaan dad yar fara ku tiris ah oo ahlu xikma ah, wuxuuna keenay dagaalkaas in si guud ay uga qayb qaataan, siyaasadda, dhaqanka, aqoonyahanka, iyo dhamaan inta ay awoodi kareen, waxayna keentay inay iskaashi ka sameeyaan sidii arintaan looga hortagi lahaa.

Haddaba dagaalkii ayaa wuxuu noqday siyaabo kala duwan, wuxuuna noqday in marka ugu horaysa xukuumadaha dunida islaamka ka jiraa laga dhigo kuwa ayaga ka amar qaata oo nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku xiran reer galbeedka, waxay sameeyeen jaaliyado wax ku baratay dalalka reer galbeedka, kuwaasoo noqonayey mustabalka hogaanada caalamka islaamka, kaligood taliyaalna ah, ama Regime ahaa, oo fulinaya agendayaasha danaha gaarka ah, sida dhamaan Boqorada Caalamka islaamka oodhan yihiinba. Waxaana doonayaa inaan Tusaale idin siiyo bal habka ay ku dhacaan waxyaabaha lagu kala daadinayey dunida Muslim-ka.

Dowladdii Soomaaliyeed ee uu Hogaaminayey Allaha u Naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde ayaa waxay lahayd Fekerkii Middeynta Caalamka Islaamka oo dhan. Muddo yar ka dib waddamada Carabta oo Fulinaya qaddiyadda kala jabinta midnimada islaamka ayaa waxay sameeyeen una ololeeyeen kala qaybinta Islaamka, waxayna ku dhawaaqeen Caalam Al-caraboo micnaheedu yahay in dunida muslim-ka loo kala micna yeelay ayadoo midnimada Caalam islaam si dadban loo cirib tirayo, illaa ay iskeed isaga dhimato aragtidaasi, kadibna muslimka uusan u noqon mid mideysan, loona waayo ummad islaam ah oo iska war qabi karta ama isu gargaari karta ama aragti mideysanba qaadan karta, qaddiyadda Caalam al carab waa laga sii gudbay oo waxaa ugu dambeyntii la gaaray in Caalam Al carab la kala reebay oo loo kala saaray oo kuwii shidaalka lahaa intooda badan ay is ururiyeen, ayna la baxeey KHALIIJUL CARAB, taasoo micnaheedu ahaa in Ummadda loo kala qaado jilib jilib, loona diyaariyo in la dhex dhigo mushkilooyin.

Qaddiyadaasi sidaas ah ee carabtu ay la timid waxay ku dhisnayd mid lagu kala saarayo, ayadoo dhaqaalo xoog badan lagu kala iibsanayo aragtida oo waddankii ka midnoqdaa uu helayo dhaqaalo, wuxuuna noqday urur ku dhisan dhaqaale, oo aan lahayn qaddiyad u dhaxaysa xitaa danaha ummadda ay markaa matalayeen, waxaadna ka dareemaysaa  wixii ku dhacay dunida carabta logu yeeray dagaalkii 6-da maalmood ee dhex maray Carabta iyo yahuudii Fara ku tiriska markaa ahayd ee dowladaha carabta ay diideen inay aqoonsadaan.

Dagaalkaas wuxuu soo bandhigay wajiga runta ah ee carabta maxaa yeelay mid ku dhisan mabda’ maahayn ee mid dhaqaale iyo nolol ku dhisan buu ahaa, taasoo khilaafsan wuxuu NABIGEENA MUXAMED NNKH uu na faray ee ahayd islaamka wuxuu jabayaa markuu ADDUUN JECLAADO, DHIMASHADUNA KARAHSADO, waxayna keentay in Yahuudii berrigaas ay qabsatay dhulal badan oo dunida carabta ka mid ah, markii dambana ay ku kala jabeen caalam  carabta qiyaaliga lagu dhisay.

Muddooyinkii ka dambeeyey dunida kale ee islaamka ee aan carabta ka mid noqon, waxay keentay inay hormaraan oo ay noqdaan dalal wax soosaar iyo warshado yeeshay oo gaaray illaa heer aad u sareeya, sida Turkey, Pakistan, Iiraan, Malaysia, Induneesiya, iyo dalal kale oo Muslim ah. Waxayna keentay in Dowladihii Raacday carab ay ku dambeeyaan Burbur iyo Halaag aan laga kabsan Karin sida tan ku dhacday Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, falastiin, Suuriya oo maanta la joogo, iyo intii ay saameynta ku yeesheen oo ay ka mid tahay Afgaanistaan, chechniya, Muslimiinta China iyo dhamaan islaam kaleba.

Markii kala qaybintu ayba meel soo joogtay, ayaa waxaa ay yiraadeen reer galbeedku in dunida Muslim-ka ee kala hartay ay jaaliyado lanoqdaan reer Galbeedka, qaarna ay la noqdaan soviet-ka si ay qolo kastaba gaashaan buur u helaan, waxayna keentay in gaashaan Buuraysigaasi uu haddana keeno agendaha ugu weyn ee loo sameeyey collaadaha u dhaxeeya dunida muslim-ka qaasatan Beriga dhex, oo ugu horayntii laga billaabayo in layska Horkeeno

Qodobka 1-aad: ISKA HORKEENISTA SHIICADDA IYO SUNIGA, dagaal adagna laga dhexeysiiyo kaasoo ay gadaal ka maamulayaan Khaliijka iyo Reer Galbeedka, loona ekeysiinayo dagaal waajib ah oo DIINI ah oo ay tahay in la galo.

Qodobka 2-aad waa Suniga dhexdiisa in jaha wareer la galiyo, oo laysku diro Raggii ay meesha keensadeen ee wakiilada u ahaa reer Galbeedka, waxayna keentay  In LIIBIYA iyo MASAR Cadow laysaga dhigo, Suuriya iyo Ciraaq, Turkey iyo Syria, Sacuudiga iyo Yemen, Soomaaliya iyo Sacuudiga, oo midba midkiisa kale aysan dhex marin wax diblomaasiyad micna leh, illaa mid uun qaddiyadiisa la raaco, taasoo asalkeedu aysan ka imaanin Feker dunida muslim ah, carabtuna ay noqonayso Micraphone lagu Gudbiyo aragti rag kale soo Hindiseen oo qarsoon, isla Aragtidaasina laga dhigayo in uu leeyahay dal ka mid ah dunida muslimka, oo markaa Amaan iyo bogaadin loogu hibaynayo.

Sii Akhriso: Qeybta Labaad ee Qormada

Qeybta Labaad ee Qormada wuxuu Ibrahim uga hadli doonaa: Argagixisadda iyo Boqortooyadda Sacuudiga, Dagaalkii Afgaanistaan, Al-Qaacida maxey tahay, Sideena looga gudbi karaa?

Ibrahim Abdi Geele
ibrahim.geele@keydmedia.net

 

http://www.keydmedia.net/editorial/article/jihaadka_ku_dhisan_aragtida_qarsoon_ee_reer_galbeedka/

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s