21 Oktoober Dhaxalkeeda waa la xalin la’yahay illaa Maanta

21 OKTOOBER DHAXALKEEDA WAA LA XALIN LA’YAHAY ILLAA MAANTA

Ibrahim Abdi Geele – Dunida Maalinba Taariikh ayey xustaa kala duwan oo haddana kala magac dheer, oo Muunad iyo maamuus ku dhex leh shacabka dunida ku nool, qaarna ay qoreen…

Teaser Image 21 OKTOOBER DHAXALKEEDA WAA LA XALIN LA’YAHAY ILLAA MAANTA

oo ay Buugaag ku kaydsadeen qaarna ay ka sameysteen Astaamo muuqaal leh oo muujinaya dhib iyo dheef midday lahayd, oo haddii wanaag jirayna lagu xuso dadkuna uga mahad celinayaan cidda wanaaga lahayd, Hadduu Xumaan iyo mushkilo ahaana lagu xusuusto dadkuna ku xusaan Hiirtaanyo iyo lama arag, taasoo midkasta sawirka muuqaalka uu leeyahay ka muuqanaysa hadba taariikhda uu soo dhaxal siiyey Ummaddii uu markaa la noolaan jiray.

Inkastoo ay sidaas tahay taariikh-kasta oo dunida ka Jirtay waxay leedahay xumaanteeda iyo wanaageeda oo wax suurtoobaya maaha inay xumaan kaliya ahaato ama wanaag kaliya ahaato, laakiin waxaa lagu xusaa oo kaliya heerka ay ka gaarsiisan yihiin wanaaga iyo xumaanta, taasoo marka ay dhan u badato la yiraahdo waxay u badan tahay dhankaas, kadibna la yiraahdo waa xumaan ama waa samaan, oo markaas cidda iska lahayd lagu amaano ama lagu saluugo.

Soomaaliya dadku waxay sheegayaan taariikh-yahadda ah inay jirtay taariikho fog oo sida la sheegay waxay yiraahdaa Mu-araqiinta aan Soomaalida ahayn in jirtaankeedu gaarayo qarnigii Nabi Ciise CS ka hore 9,000 oo Qarni, taasoo ka dhigaysa in ka badan 11,000 oo Qarni. Taariikhda Soomaalida sida ay qabaan Soomaalida qaarkeeda waxay aaminsan yihiin in Jirintaankaasu uusan sax ahayn, laakiin kuwa sidaas aaminsan kuwo kusalaynayo maaha cilmi iyo jid raad raac ah oo lagu garan karo diidmadooda, laakiin culimada ku doodaysa taariikhda Soomaalida ee gaarsiisay wakhtiga aan ka hadlayno waxay ku saleeyeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay Luuqadda, dhaqanka, Muuqaal dadka, Dhiiga, iyo Kayd-ka yaala dalal badan oo illaa hadda muujinaya in raadkaasi ay leedahay Soomaalida.

Inkastoo dad badan oo Soomaalida ka mid ah ay diideen Soomaalinimada oo ay is xigsiinayaan carabta oo ay waliba sheeganayaan Inay yihiin Qurays, haddana dadka intiisa badan Soomaalida ah 89% waxay aaminsan yihiin in ay Soomaali farac qura oo isku mid ah oo aan kala sooc lahayn xidid qura iyo meel qurana ka soo wada jeeda oo hooyo mooyaane aan aabe ku kala duwanayn.

Markaas ka soo tarno kala duwanaanshaha Ummadda Soomaaliyeed, ee isirka ku salaysan haddana waxaan jira nidaamiyo dowli ah oo ay ummadda lahaan jirtay, kuwaasoo ay Soomaalida ku kala duwanayd in muddo ah sida boqortooyinkii kala duwanaa ee ay ugu dambeysay AWDAL iyo AJUURAAN oo dhulka soomalida iyo meelo ka baxsanba ka talin jiray. Ayadoo ay sidaas tahay hadda Boqortooyadii cimriga dheereyd ee ka dhisnayd Dhulka hadda ay ka Taliyaan Tigree iyo Amxaarada ee  itoobiya iyo eriteeriya, waxaa la sheegayaa inay kaga horeeyeen dadka laysku Yiraahdo Kushiitiks-ka oo ka kooban qoymiyado badan oo soomaalida Bahwadaag la ahaa, ama la sheego inay wada dhasheen, sida Oromada, Cafar, Bincaamir-ta, Sahoga, iyo kuwa kale oo badan. Boqotooyadaas oo ay dumisay Boqortooyo ka dhisnayd dalka Yemen oo ka itaal roonaatay oo sida la sheegey dagaalo adag kadib, ay dadkii reer Kuush laga itaal Roonaaday kadibna laga qabsaday dhulka, oo markale inta soo rogaal celiyeen oo ay haddana la wareegeen, taasoo keentay in dagaal kale oo ay la soo kaban waayeen lagu qaaday, lagana wareejiyey talada dhulkii ay haysteen markaa. Waxaa la sheegaa in ay kala baaheen wixii ka dambeeyey berigaas.,

Yaanan ku dheeraan Hordhaca ee aan u dhaco ula jeed hadafka qoraalka aan ugu tala galay 21-oktoober iyo Horumar ama qasaaro wuxuu ummadda u keenay. Markii ugu horaysay ee Ummadda Soomaaliyeed ay heshay dowladda la yiraahdo Republic of Somalia waxay ahayd 1950 markii daaqiliyada Soomaaliya la bixiyey ee UN-ka ay ku hoos jirtay, wakiilna ay ka ahaayeen dhowr dal oo UN committee ahaa, laakiin wixii maamul toos ah ee soomaalida loo smeynayey uu gacanta ku hayey Talyaaniga.

Waxaan ka hadlaynaa waa Koofurta Soomaaliya, laakiin Markii dabke ee ay waqooyi iyo Koofur isu tageen 1 july 1960 ayaa la sameeyey  Hilimadii ahayd 5-tii Gobol ee loo kala qaaday Ummadda Soomaaliyeed in laysu keeno ayaa waxaa labadii Gobol ee ugu horaysay ay isla qaateen Isla magacii ahaa Somali republic. Waayo dadka reer waqooyiga ama Soomaaliland waxay ku doodaan Ummaddu waxay kala ahayd Soomaaliland iyo Soomaaliya, ee markii laysu daray ayaa loo ayaa Magaca Guud la qaatay ee ah Somali Republic, waxaana la diiday Republic of Somalia.

Qorshaha raadinta inta dhimanaya waxay ku soo biiraayeen ayadoo magacaas la wada Huwan yahay oo Soomaali la wada yahay, ee aan la ahayn Soomaaliya. Inkastoo ugu dambayntii ay hir gashay Soomaaliya, oo magaca ugu caansan uu noqday.

Inkastoo laysla qaatay maamulkii ugu horeeyeyna la dhisay waxaa ku Guuleystay reer Koofur oo waxaa la doortay Allaha u naxariistee madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Mudana Aadan cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeday Gobolka Hiiraan Koofurta Soomaaliya. Inkastoo dowladdii uu dhisay ay saluugeen reer waqooyiga uuna dhicisoobay Afgambigii ay ku tala galeen, haddana talada dalka waxba iskama badalin oo Waziirkii Koowaad wuxuu noqday Cabdirashiid cali Sharmarke allaha u naxariistee.

Halkaas waxaa ka soo billowday saluugitaanta qaybo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed. Muddo kadib waxaa la badalay cabdirashiid Cali Sharmarke waxaana lagu xejiyey Nin manta Nool oo la yiraahdo cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo inta aan ognahay maraykanka dagan, doorashada labada Ra’iisul wazaare ee qolo kaliya ka soo wada jeeday ayaa Kalimadaha laga qoray waxaa ka mid ahaa Berrigaas ee caan Baxay “”Mar waa risaaq mar waa rashiid Inta kale Marootiyaa”” iyo“”Risaaq miyaa rashiid ka roon Rasuulka ha ku reed kudee”” taasoo caddayn u ahayd in dhaliilo ay jireen ay shacabka qaar ay qabeen ayna taagnayd muuqaal qabyaaladeysan, hase ahaatee dowladdii markaa jirtay waxay ku dadaalaysay in ay howshaas horumarka dhismaha dowliga ah adkayso, maadaama uusan jirin ciidan dowladdeed oo aan Police ahayn, waxkastana u baahan in laga soo Billaabo halka ugu hooseysa, lana dhiso ciidankii Military ee ugu horeeyey ee ay Soomaali yeelato.

Yaanan ku dheeraane, muddo kadib waxaa madaxweyne Noqday Allaha u naxariistee Ra’iisul wazaarihii ugu horeeyey Soomaaliya Mudane cabdirashiid cali Sharmarke, waxaana uu talada dalka kala wareegay Adan cadde labadooduba waa dhinteen Allaha u naxariisto. Mudane cabdirashiid cali Sharmarke wuxuu ahaa Aqoon yahan sifiican wax u bartay, laakiin cilmigiisu uusan ahayn Military ee ahaa maamulwanaag ku dhisan Civil ama rayid.

Wuxuuna ka mid ahaa raga u dagaalamayey dhismaha dowladda xoog iyo itaalba leh oo dalkeeda iyo dadkeedaba illaalin karta, dalkana ka dhigi karta dal isku filan dhaqaale ahaan iyo Military ahaan. Allaha u naxariistee waa la dilay cabdirashiid, cidda dishay illaa hadda warkeeda lama hayo, laakiin Ninka Toogtay wuxuu ahaa nin ay isku hayb yihiin, magaciisana la dhihi Jiray  CADBUQAADIR CABDI MAXAMED oo 22 jir ahaa, kana mid ahaa Police-ka dalka, waxaana la sheegayaa in uu madaxweynaha Soomaaliya u dhintay Aano qabiil oo u dhaxaysay qolada uu ka dhashay dhexdeeda, Si aad wax badan uga aqriso Aqriso halkan, “”dadkii dilay Madaxweyne cabdirashiid, wali waa mushkilad haysata Ummadda Soomaaliyeed

Haddaba dilka Cabdirashiid maxaa laga dhaxlay.

Halka loo baahan yahay ee in laga Billaabo ay tahay weeye, maxaa yeelay Cabdirashiid Allaha u raxmadee waxaa la dilay 15-10-1969, Buuq iyo isqabqabsi badan Baarlamaanka iyo dowladdii Cabdirashiid ka dhintay ka dib, maalintii 6-aad oo ku beegnayd 21-10-1969, ayaa marqura waaga markuu dillaacay military ka dhex dhawaaqay raadiyo Muqdisho, hadalkii ugu horeeyeyna wuxuu ahaa in dalka uu Military-ga Soomaaliya gacanta ugu Jiro “”BBC dhagayso, ayna gabi ahaan gacanta ku dhigeen, shacabkuna waa taareegay xukunka Military-ga.

Laakiin waxaa soo baxay su’aal qura oo ahayd Dilka cabdirashiid maxaa diiday isla maalintaas ama habeenkii in dalka lagu soo Rogo Amar degdeg ah, oo maalintii Lixaad dalka gacanta u galiyey raga ciidanka ahaa. Su’aashaas waxaan weydiiyey rag badan, jawaabahoodana ma fadhiyaan.

Dad kale ayaa waxay Yiraahdeen Su’aal ka yara macquulsan tan koowaad oo waxay leeyihiin Ninkii Dilay cabdirashiid waxaa la dilay 1972 waxaana lagu dilay Marag ama waa la dal dalay, xukunka dalkana waxaa gacanta ku hayey Kacaankii Military-ga, Su’aashaa laftirkeedu waxay u baahan tahay in laga jawaabto tan hore, laakiin dhamaan eedeynta Kacaanka inuu ka dambeeyey dilka cabdirashiid Allaha u naxariistee mid aad u weyn maaha, oo wax la taaban karo maaha.

Kacaanku wuxuu ku dooday in dalka uu ku sii dhacayey ceel aad u dheer, oo qabyaalad iyo qurun heerka ugu sareeya uu gaaray dalkuna uu gacanta u galayey Musuqmaasuq baahsan oo aan kala sooc lahayn, kaasoo sii dhameeyey dhamaan dhaqaalaha dalka, waxaa kaloo ay sheegeen Military-gu inay aysan lahayn Budget ku filan, lana dayacay ciidanka Xooga dalka, taasina ay keentay inay Ciidankii xoogga dalka ka fekeraan Talada aayaha dalka, ayna isku dayeen Badbaadinta dalka iyo la dagaalanka Musuqa iyo Horumarinta dalka iyo kaabaha dhaqalaha dalka oo markaa aan urursanayn ama shirkadaha dalka ka jiray aysan ahayn kuwa qaramaysan.

Afgambiga dalka ka dhacay waxaa Hogaanka u hayey Allaha U naxariistee Mudane Salaad gabayre Kadiye oo ahaa saraakiisaha Military-ga dalka ragga ugu adag uguna Aftahansanaa ciidanka dhexdiisa, dhanka tacliinta iyo Military ahaana nin adag oo dhisan ahaa. Wuxuuna Qabay gabar uu dhalay allaha u naxariistee madaxweynihii Ugu horeeyey Soomaaliya Adan sida la sheegay.

Salaad Allaha U naxariistee wuxuu ahaa nin ku dhagan mabda’a uu haystay iyo sida uu war u rabay, wuxuuna saraakiisha iyo general badan u haystay kuwa aan saameyn ku yeelan Karin isaga, oo nin aad isugu kalsoon buu ahaa. 7/3/1972 waxaa la dilay Allaha u xarisiisteeGeneral Gabayre, General Caynaanshe iyo Colonel Cabduqadir Deel, kuwaasoo dhamaantood la toogtay, ayna ka dameeyeen raggii ay howsha isla wadeen, oo sida muuqanaysay goor dambe uu qillaaf soo kala dhex galay, waxyaabaha la sheeko in ay kiciyeen salad gabayre waxaa ka mid ahaa xarigga Aadan cabdule Osmaan, habka loogu tala galay in dowladda loo dhiso oo ay isku fahmi waayeen Saraakiil ka tirsan Ciidankii dalka qabtay.

Wax qabadka Kacaanka

5 sano ee ugu Horaysay wuxuu u muuqanayey Kacaanki mid u socda dhanka wanaagsan, wuxuu isu keenay dhamaan dhaqaalaha dalka, wuxcuu qarameeyey dhamaan hayadihii sida gooniga ah loo lahaa, wuxuu ka shaqeeyey inuu kobciyo dhaqaalaha dalka wuxuu ururiyey dhamaan aqoonyanada dalka , wuxuu isku howlay qoraalka farta Soomaaliga ee loo baahnaa inaan dhamaan yeelano, wuxuu Abuuray warshado cusub, oo ay ka mid tahay warshaddii Shamiintada, warshadii Hilibka, warshiddii sokorta mareereey, warshaddii Kabka, Birta, saliida, Mutuleelka ama marmarka, dhismooyinka waddooyinka cusub, Telefision-ka, mashaariicda beeraha, kaluumaysiga Hospitals-ka iyo isu keenista shacabka kuwaasoo Militaryga u aaminsanaa kuwa nadiif ka ah musuqii ay ka cabanayeen shacabka soomaaliyeed.

Berihii hore Shacabka iyo Kacaanku waa isla jaan qaadeen, waxaa Billaabmay Ollolihii reer baadiyaha, waxkastaba meesha ugu wanaagsan ayey soomaalida u marayeen, waxay ahayd markay soo baxday, yaa tahay ma jirtee maxaad taqaanaa,  hal hayskaas wuxuu tusaale u noqday hanaanka billowga oo ay soomaalida la dhacday, una aamintay inuu kacaanku yahay kacaan ummadda Sooomaliyeed u adeegaya, waana u muuqanayey sida ay sheegayaan dadkii joogay berrigaas oo waxaa laga marqaati kacayaa in kacaanku wixii ka horeeyey 1074 uu ahaa mid u socda dhanka ay doonayeen shacabka, waxaan magac looga dhigay “”KACAANKII BARAKAYSNAA”, maxaa yeelay  wax qabadkiisa ayaa mid aad u sareeya ahaa, Ninkastaba waxaa loo dhiibay meesha uu ku haboon yahay, looma eegeyn qabiil, looma eegeyn nasabiyad, iyo deegaan intuba, waxaana la sheegaa inuu waxkastaba ku saleyn jiray caddaalad iyo sinaan. Haba Jireen cabashooyin badan laakiin illaa xad wuxuu ahaa mid ka shaqeynayey horumarinta dalka iyo dadka. Laakiin maxaa badalay dhamaan waxaas quruxda badan ee laga qoray kacaankii barakaysnaa.

Haddaba Kacaanku muxuu la soo kacay. Sikastoo ay ahaydba raggii Mas’uuliyiinta ahaa ee la dilay waxay gogol dhig u ahayd dhibcihii madoobaa ee ugu horeeyey oo uu kacaanku dibadda soo dhigay, waxayna galisay Bulshada dareen hor leh oo cusub, waxaa xigtay  Aaamusinta shacabka ku soo barbaaray 9 sano oo xoriyadda hadalka ay furnayd oo qofkastoo Soomaali ah uu sheegi jiray wuxuu doonayo, kuna ciil bixi jiray wuxuu aaminsan yahay, shacabku waxay ahaayeen kuwa codkoodu aan cidna aamusin Karin, meelkastana ka sheegi jiray hadba wixii maalintaas ummadda ku dhex jiray.

Mar qura ayaa la aamusiyey bulshadii waxaa laga billaabay macalimiinta iyo ardayda, maxaa yeelay sida caadiga ah meelaha ay kacdoonada ka billowdaan waa xarumaha tacliinta, sida Iskuulada, iyo jaamacadaha oo macalimiinta iyo ardayda qaarkood ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwa kicin kara Ummadda, caburinta dadka waxay dhalisay kala shakiga bulshada iyo dowladda, waxayna la yaabeen dhaqanka cusub ee ay la yimaadeen dowladda, maxaa yeelay shacabku markii horaba Military-ga waxay u haysteen kuwa kaliya ee xalaasha ka ahaa marka loo eego dowladihii ka horeeyey ee lagu eedeyn jiray inay qolooyin goni ah ku shaqeystaan, shacabkuna aysan u sinayn, sidaas darteed berrigaas Military-ga dalka ayaa u muuqanayey mid u dhaxeeya Ummadda Soomaaliyeed.

Caburintii markay badatay oo shacabka iyo dowlada ay meel xun isla marayaan ayaa waxaa mar qura dhacay arin kale oo shacabka Soomaaliyeed ka yaabisay waa markii xeerka qoyska Soomaaliyeed la sameeyey 1974, iyo Ololihii lagu cirirtirayey Kacaandiidka September 26-1975 , kaasoo dhigayey in Military-gii ay jeclaayeen Ummadda u yeelay waji kale oo aysan ka filayn, oo naxdintii ay ka qaadeen la anfariiray, intaas kuma ekeyne, waxaa raacay hadalkii Madaxweyne Mudane Maxamed Siyad barre regime-kii Kacanka Horkacayey, uu ku dhawaaqay hadalo ka sii nixiyey markii ay dadku diidmo ka horkeeneen, sida Gefkii Foosha xumaa ee uu u geystay Aayadaha quraanka kariim-ka ah sida kuwa dhaxalka ka hadlayey, dhageyso Halkan .

Intaas marka la joogo marka qura waxaa istaagay shacabkii Soomaaliyeed oo dhan waxaana culimadii ka hadashahay masaajidyada soo ururiyey Ciidankii nabad Suggidda, waana la xir xiray culimo tira badan, shacabkiina waxaa loo sheegay in cidkasta oo ka hortimaadda xeerkaas seefta Kacaaku ku dhacayso, 10 rag ah oo culimo ah oo sida la sheegay wiil yar ku jiray ayaa Tusaale looga dhigay shacabka Soomaaliyeed dilkooda, waxaana maxkamadda xukunka u riday sidan “”Markii ay ka Horyimaadeen Xeerka qayska ayaa waxaa dil toosho ah lagu xukumay 4 ka mid ah, 3-ka mid ahna waxaa lagu xumkumay 3o sano xarig ah halka 15 kalena lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, xukunkaas wuxuu dhacay 7-Muxarram 1395 oo u dhiganta 19-January 1975. Waxaase ka dambeeyey xukun kale oo ka duwan.

Xukunkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa, Maalin khamiis ah kuna beegnayd 11 Muxarram 1395 Miiladiyaduna ahayd 23-January 1975 Subaxnimadii ayaa Mar qura ka soo Booday Idaacadda Raadiyo Muqdishu war nacdin iyo Anfariir galiyey Ummadda Soomaaliyeed. Idaacadda waxay siidaysay warkan “”Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyey garoon u dhow dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, waxayna magacyada culimadii la toogtay kala yihiin sida tan:

Sheekh Axmed Sheekh Maxamed,
Sheekh Muuse Yuusuf,
Sheekh Axmed Iimaan,
Cali Xasan Warsame,
Xasan Ciise Iley,
Maxamed Siyaad Xirsi,
Cali Jaamac Xirsi,
Aadan Cali Xirsi,
Saleebaan Jaamac Maxamed iyo
Yaasiin Cilmi Cawil

Waxay raacisay Maxkamaddu in ay Culimada ka Hor Yimaaddeen Labarka 12-aad, Qodobka 54-aad ee soo baxay 10-9-1970. Subaxaas Khamiista wixii ka dambeeyey dowladda Soomaaliyeed Kacaanka ee Cilmaaniga ahayd iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ahaa wax xiriir ah kama dhaxayn, waxay kala ahaayeen Russian Madow oo Ummadda Soomalaiyeed qabsaday oo haysta, iyo Ummaddii Islaama ahayd ee dhulka Geeska Africa ah ku noolayd. Waxaan dhageystay Sh. Cumar Faaruuq Allaha u raxmado oo ka sheekeynaya dilka Culimada wuxuuna yiri waxaan xusuustaa Mushaa’ikhda la dilay nin ka mid ah inuu masaajid dhexdiisa ka sheegey ereyo kooban  wuxuuna Yiri “” Soomaali iyo Ruush waxba kama dhaxeeyaa, Ruush waa Gaal, Soomaalina waa Muslim, Ruusha Waa Caddaan, Soomaalina waa Madow, Ruush waa Aasia, Soomaali waa Aficaan, ee Illaahow kuwa naga daba wada naga qabo”” Sheekha Markiiba Nabad Suggidda ayaa la Booday ayuu Yiri Sheekh Cumar faaruuq Allaha u naxariisto.

Dilkaas Culimada lagu dilay isla subaxdiida laba dayuuradood ayaa isku dhacday oo ku dul Burburtay Magaaladda dusheeda, taasoo calaamad Buuxda iyo tusaale u noqotay wixii dhacay, halkaasina waxaa ka sii xoogaystay Burburkii iyo mushkiladdii Ummadda Soomaaliyeed, waxaana noo Billowday Xariggii cadaabta ugu kulullaa ee dunida dusheeda la keenay. Waa laga sii daray kacdoon Culimo iyo mid qabiilba hawada ayaa laysla galay, Kacaanka dhinacyada ayaa laga galay, gabigiisuba waa la gil gilay, oo dib u socodnimo mooyaane Horusocdnimo waa uga dhamaatay, waxaa soo baxday Military-gii caddaaladda loo haystay iyo Inuu suuliyo Musuqii laga cabanayey ayaa noqday ka dar oo dibi dhal, Meel cir laga Filayey oo ay Ceeryaamo ka Timid, guushii iyo barwaaqdii la rajaynayey oo dacar iyo dhiig laha dhaxlay, Musuq Maasuqii dadku ka cabanayaan waa la dhaafiyey oo Musuqii ugu darnaa iyo caddaalad daro heerka benu aadam uu ka sheekeeyo waa dhaaftay, hadal ma jiro, waxaan baxday  Halhayskii ahaa “”Afweyne Raac, ama Afgooye aad, ama Afkaaga qabso”

Ummadda Soomaaliyeed in yar mooyaane dhamaanteedba dhinac ayaa looga soo jeestay, waxayna noqotay inaysan u adkaysan karayn dowladdan, ayna mudan tahay meesha in laga saaro, fekerkaas dadka qabay waxaa ugu horeeyey rag ka mid ahaa Military-ga Soomaaliya, laakiin markaas wax fal ah ama dhaqdhaqaaq ah maysan sameyn Karin oo Seeftii Kacaanka oo Ololaysa ayaa dul maraysay meelkasta, NSS ama nabad suggidda dowlada ayaa Heer sare joogtay, Ninkasta oo Mucaaradad looga shakiyey waa la dilayaa, ama la masaafurinayaa, oo la xirayaa, Yes Mooyaane No Option-kaba kuma jirin, ayadoo halkaas marayso oo ay arintu ka sii darayso, oo dowladda ay ka wada Horjeedaaan Min askari illaa waddaad iyo Nin shacab ah intuba, ayey ku fekertay dowladda qorshe ay markaa is lahayd isugu keen Ummadda, maadaama isku xirnaantii maalinkastaba sii lumayso.

Qorshahaas ayaa keenay dagaalkii lala galay Itoobiya waxaana shacabka iyo Ciidankaba loo abuuray qorsha iyo shaqa cusub oo markaas in mudda ahba aan la soo hadal qaadin, waa xorayntii Soomaali galbeed, waxaana loo jeestay ummadda dhamaan Soomaali galbeed, Iladaawo Cabdullaahi Yuusuf oo ka hadlaya,  wuxuuna ka sheekeynayaa intaan la galin dagaalkii July 1977 in ay Jireen rag Military-ga ka tirsanaa oo markaa qaban qaabo ugu jiray inay afgabi ku ridaan Maxamed Siyaad barre, oo ay kala tashadeen Cabdullaahi Yuusuf Axmed, laakiin markiiba waxaa billaabmay qorshaha xoraynta iyo kacdoonkii heerka sare gaaray ee shacabka lagu jiheeyey dagaalka Soomaali galbeed lala galayey, sidaas darteed cabdullaahi Yuusuf wuxuu kula Talinayaa Inaysan hadda Afgambi sameynin, wuxuuna ku yiri haddaad Wakhitan ku beegtaan waa la idin qab qabnayaa shacabka Hortiisa ayaana laydin ku eedeynayaa inaad Tihiin kuwa qiyaamo qaran weyday, waana ka aqbaleen cabdillaahi Kalimadaas uu ku yiri.

Durbadiiba waxaa abaabulmay dagaalkii, ruushkiina meesha waa laga saaray oo la cayriyey markuu billaabay inuu Itoobiya Soomaaliya, iyo Yemen-ta koofureed con-federal ka dhigo Kacaankiina uu diiday oo uu ku yiri dowladdii Soofiyeedka haddii la doonayo inaan Confederal noqono dhulka Soomaaliyeed oo dhan la middeeyo, laakiin aanay sax ahayn ayadoo dhul naga maqan yahay inaan noqono confederation. Ruushkiina waa ka diiday, kadibna diplomaasiyad badan oo uu Ruushka la galay dowladdii kacaanka weysku fahmi waayeen, taasoo ugu dambeyntii dowladdii Soofiyeedka albaabada ka xiratay dowladdii Soomaaliyeed, halkaasina dowladdii Soomaaliyeed ay ku iclaamisay in heshiiskii dhex maray Soofiyeedka iyo dowladdii Soomaaliyeed oo Burburay, kadibna dowladdii oo aan gaashaan buur ku jirin dagaalkii ay abuurtay Bartanka uga soo dhacday,  uuna dhowr bill kadib mar qura qarcay Dagaalkii balansanaa, kaasoo markii ugu horaysay 100% ay ku itaal roonaadeen dowladda Soomaaliya oo markaa Caaboonayd iyo dhulka lasoo dhicinayey oo dhul soomaaliyeed ahaa, waxayna keentay 90% dhulkii Soomaaligalbeed inuu gacanta u soo galo dowladda Soomaaliyeed.

Dagaalka waxaa ka qayb qaatay dhanka Soomaaliya 70,000 askari, 40 Dyaaradaha dagaalka ah, 250 Tank, 350 Dabaabada Ciidanka dhulka lagu Guro ah, iyo 600 oo Madaafiicda kala duwan ee wax Burburiya ah. Taasoo keentay in Bil Gudaheeda uu gacanta Ciidanka dowladda Soomaaliyeed ku soo dhaco dhulkii lagu dagaalamayey ee Soomaali galbeed.

Waxaa la sheegay in Ministu uu markaa u cararay Ruushka uuna maciin weydiistay, jawaabteedanna laga dhigay in Soofiyeedku ay soo daabullaan 15,000 elite Military Cuban ah iyo 1,500 High technical Miltary Russian ah, iyo Military hardware ka casrisan kuwa Soomaalida ay haysteen, kadibna Weererkii ay Soofiyeetiga ku qaadeen ay ku jabeen Ciidankii Soomaaliyeed, halkaana uu dhaawac aan laga kacsan ka soo gaaray, oo waxaa la sheegaa in Ciidankii Soomaaliyeed uu heli waayey Shidaal iyo raashin uu xitaa dib ugurasho uga soo sameeyo, kadib markii ayagoo Magaalada Harar Ciribka ku haya Jigjiga iyo wajaale oo dhanka xuduudka ka soo xigay lagu dadaadiyey Ciidamo Cuban ah, dagaal cusubna uu ka qarxay zone-ka Jigjiga, dagaalkaas halkaas ka dhacayna wuxuu keenay kala jabkii ugu adkaa eek u dhacay Ciidamada xoogga dalka. Fidel Castro oo ka hadlayey dagaalkii ay ku qaadeen Soomaaliya Wuxuu ku sifeeyey dagaalkii ugu adkaa ee Soofiyeedku si isku mid ah isugu waafaqo, mid sidan oo kale soofiyeedka isugu waafaqayna aanu jirin xitaa Laatiin America oo ay Cuba ka mid tahay.

Dagaalkaas markii laga soo noqday Bisha maarso 1978 dowladda Soomaaliyeed iyo tan Itoobiyaba waxba uma dhaqnayn, dhaqaalaha labad dowladoodba dhulka ayuu mudda yar oo kooban ku galay, taasoo keentay in macluul baahsan oo adduunka oo dhan la argagaxo ay ku dhacdo dalka Itoobiya 1984, dunida oo dhanna ay u soo Gurmatay, lana caawiyey, daawo halkan si aad u aragto Macuusha Itoobiya.

Laakiin Soomaaliya waa yar dhaantay inkastoo ay jirtay dhabaato dhaqaale haddana waa lays bixinayey, Waxaase Hubaal ahayd in dal Nidaam ka jiro markaas u dambaysay markiiba waxaa Billowday Afgamgigii dhicisoobay ee uu Cabdillaahi Yuusuf ka baajiyey inay fulliyaan inta xaaladda dagaal lagu jiray. Afgambigaasoo sida la aaminsan yahay uu ku lug lahaa cabdillaahi, laakiin uu sheegay in uusan markaa ku lug lahayn ee laakiin uu wax ka ogaa, wuxuuna sheegay in markuu fashilnay ninka ugu horeeya ee la soo aadayo uu noqonayey, sidaasna ay ku kaliftay asagoo Gedo jooga uu Kenya u baxsaday, kadibna ugu dambeyntii SSDF jabhaddii ugu horaysay ka Billaabato Ithiopia, sidaasta ay taariikhda ugu Gashay Cabdillaahi Yuusuf Axmed Ninkii ugu Horeeyey ee Hogaanka u soo qabtay dowladdii Xabashida ahayd, uuna keenay Gobolada dhexe, jawaabta ay dowladda ka bixisayna ay noqotay in la xasuuqo dadka shacabka ah ee ka soo jeeday Puntland, xoolahoodana la laayo, dumarka la kufsado, Baraagaha Biyaha ay ku keydsan Jireena la sumeeyo sida ay sheegayaan raggii Ciidamada ahaa, iyo waliba dadkii wax garadka ahaa ee berrigaas Joogay.

SSDF haddii lagu faani lahaa dhismaheeda iyo hadday dambiilayaal noqon lahaayeenba, waxay noqotay Jabhaddii ugu Horaysay ee dalkii ugu cadowsanaa ummadda Soomaaliyeed soo hogaan qabatay kuna qasabtay dowladdii Soomaaliyeed inay dagaal cusub oo Hor leh kula gasho Gudaha Soomaaliya Ciidankii Itoobiya qaasatan Gobolka Galgaduud iyo meelo kale oo dhulka Koofurta ka mid ah. Markiiba ii billow bay ahayde waxaa raacay SNM, dagaal lagu hoobtay la gashay xarumana ka sameysatay Ethiopia, kadibna dagaal uu gaaray dhamaan dhulka waqooyiga oo dhan, taasoo Jawaabteda dowladda ay ka dhigtay mid aan u dhigmin, waxayna isticmaashay Hubkii iyo awoodii ciidan ee markaa Africa uguba saraysay ama ahayd kaalinta labaad, waxayna isticmaashay diyaarado ay wadeen rag soomaali iyo Calooshood u shaqeystayaal isugu Jiray, taasoo dhalisay qasaare ka xoog badan midkii ku dhacay Ummadda ka soo jeeday Puntland, SNM shaqadii ay haysay waxaa ku soo biiray USC oo ugu dambayntii su fudud xididda ugu siibtay Kacaankii Baahalka ahaa ee qabsaday dalka, doonayeyna inuu ku dhaqo NIdaamkii Linin, iyo Istarlin.

Waxaase lays weydiinayaa SSDF waxa tabcay Cabdillaahi Yuusuf oo dowladda Soomaaliyeed hadday qabato dil ku xukimi lahayd, laakiin SNM iyo USC maxaa kiciyey? Waxaa Jirtay dhacdo aan hadda aad looga waramin, oo ahayd in qaxootiyo tira dhaaf ah la soo dajiyey Gobolada waqooyiga Soomaaliya iyo Gobolka Hiiraan iyo waliga Jubbooyinka, kuwaasoo laga keenay dhulka Soomaali galbeed, waxaana xeryo looga ooday dhulkaas oo dhan. Laakiin shacabka Meelahaas deegaanka ku ahaa, waxay dareemeen arin aan cidba is weydiin laakiin muskilo keentay oo ahayd dadka qaxootiga ah ee meeshaas la keenay kuwa soomaali galbeed oo dhan qabaa’illaadkeeda ka kooban maysan ahayn ee waxay ahaayeen qolo gooni ah, sidaas waxaa aaminsan dadka ku nool Goboladaas, dareenkaas ayaa keenay in dagaal uu dhex maro dadkii deegaanka ahaa iyo qaxootigii Soomaaliyeed ee daganaa dhulkaas, qaasatan Gobolka Hiiraan iyo waqooyiga Soomaaliya.

Labada meelka dagaalka ka qarxay waxaa u sabab ahaa arintaas, sidaas ay tahayna dowladdii kacaanka uma dhaqmin si mas’uuliyad ah ee waxay haddana billowday Tacadiyo xoog badan oo ka dhashay xasuuq aan kala sooc lahayn oo ay dowladda ka geysanaysay meelihii uu kacdoonka uga soo baxay. Hiiraan oo ahayd meesha ugu badan ee xeryo qaxooti looga sameeyey dadkii lagu eedeynayey inay isku qolo ahaayeen, waxaa ka billowday USC oo waxaa laga soo asaasay USC Gobolka Hiiraan, xarunteeduna waxay ahayd Tuulo la Yiraado Farjabo oo ku taala meel xuduud beenaadkii La sameeyey dhaafsan oo dhanka Itoobiya maamulaysay ahaa.

Kacdoonkii ku billowday qabaliga ayaa cirka isku sii shareeray, wuxuuna gaaray in ciidankii xooga dalka uu ku kala jabay oo jabhaduna ay soo Hogaamiyeen Generaladdii, Korneeladii, iyo dhamaan Military Officials-kii dowladda, halkaasina waxaa ku soo xirmay Kacaankii dadka qaar ay u bixiyeen Kacaankii Lugooyo ee Military-ga ahaa, meeshaasna waxaa ku dhintay Kalisoonidii u dhaxeysay Military-ga dhexdiisa, iyo Shacabkiyo iyo Military-ga, waxkastana waxay isu badaleen qabiil iyo ninba ninkiisa, waxayna isu rogtay Saraakiishii isku iskuulka ahaa ee dagaalkii 1977 nafta u dhaxaysay ee dagaalka Itoobiya meel qura uga soo jeestay ee dhaawaca isaga tagi waayey,inay markaan ayaga iska soo Hor jeesteen. Mana waarine mudda yar gudaheedba waxaa soo gaba gabeeyey dagaalkii USC oo Kacaankii Luggooyo meesha ka saartay.

Wuxuuna Maxamed Siyaad barre Regime-kii Taageersanaa Fekerka Linin meeshay ka baxay 26-January 1991, waxayna noqotay  farxad ay Ummadda Soomaaliyeed intooda badan wadaageen, waxaana ninkasta oo Soomaaliyeed ku fekerayey in maalintaas ay ahayd maalin mudan xusuus una baahanayd in taariikhda lagu qoro.  Nina isma lahayn waxaa iman doona wax ka xun dowladdii kacaanka, laakiin waxaa ka soko maray waxaan la filayn, waxayna noqotay ka dar oo dibi dhal, waxaana la galay Mowjado aan warba loo hayn ama aan laga fekerin, waxaana lagu dhacay ceel ay nagu qaadatay inaan ka soo baxno muddo 22 sanadood ah.

Qalinleeyda wax qorta ee Soomaaliyeed iyo kuwa kaloon soomaali ahayn waxay ku kala duwan yihiin in dowladda Kacaanka meesha laga saaro inay Muhiim ahayd, waxayna kala qabaan fekero kala duwan oo midba goonigiisa ula saxan yahay. Tusaalaha koowaad waxaan ka dhigaynaa cidda aaminsan in dowladda la rido inay khalad ahayd, waxayna ku doodayaan waxa manta taagan inaysan dhici lahayn, waxayna raacinayaan in Maxamed Siyaad iska tagi lahaa ama dhiman lahaa, laakiin laga hor dhacay, una baah nayd in wakhti la siiyo si uu meeshaas uga baxo, iyo inaysan haboonayn in awood military loo adeegsado macangagaas, waxayna aaminsan yihiin in si kale wax loo wajihi karay. Waxayna Yiraahdaan Qaadashada Hubka iyo cidda qaadatay oo dhan inay  yihiin kuwa aan ka shaqeyn maslaxada Ummadda Soomaaliyeed.

Kuwa aaminsan in la rido dowladdii Kacaanka waxay aaminsan yihiin Fekero kale oo ka soo horjeeda waxay leeyihiin manta waxaa laga hadlayaa Burbur iyo baaba, laakiin caqiiddo ahaan ayey Ummadda u baabi’inayeen, waxayna abuurayeen kala sarayn iyo Been abuuris badan oo ku saabsan taariikhda falsafaysan oo ummadda dhexdeeda laga abuurayey, taasoo la doonayey in dunida la baro, dhaxal wareejin deegaan,  mana lahayn xasilooni wax ku xaliyaan, waxkastaba xoog ayaa lagu meel marinayey ayey leeyihiin, Musuqii ay yiraahdeen Ummadda waan ka badbaadinaynaa ayey meel aan laga sheekeyn Karin gaarsiiyeen, Xoolahii Baanka dhex ee Soomaaliyeed ayey ugu dambeyntii kaligood si awood ah ku qaataan, waxayna daliishanayaan in baanka dhexe ee Soomaaliya markii ay dowladda ka baxday xamar ay gawaari ku rarteen wixii qaadmayey ee lacag ahayd ee ay Ummadda lahayd oo dhan. Kadibna ay Albaabada u fureen wixii haray ee ay ka tageen, si ay u yiraahdaan xoolihii dalka waan isaga tagnay ee dadkii ku haray ayaa qaatay.

Kala duwanaanshaha waa jirayaa laakiin wali waxaad moodaysaa inaan Runta laysu sheegin oo dadku wixii dhacay aysan ka wada arinsan, taasi ayaana keenaysa sida ay wax u dhaceen in laysla fahmin, oo uu ninkastaba goonigiisa ugu haysto inuu qaatay xooligii ummadda kan kale. Waa Hubaal wixii Hanti maguurto ah inay leedahay meel loo raacdo, laakiin wixii lumay aad moodayso in meel dhex ay ku maqan yihiin, dadka qaarkoodna hadalku kaga eg yahay xoolaha dalka dadbaa looga kala tagay, ayadoo kuwa kalena ay aaminsan yihiin xoolaha dalka inay la tageen raggii dowladda haystay.

Guri, beer iyo deegaan dad leeyahay waa hantida maguurtada ah, soomaalina waxba uma kala qarsoona. Laakiin waxay ku haboonayd in si dhab ah oo laab Furan laysu weydiiyo lagana hadlo si loo kala xaal mariyo wixii dhacay, oo cidkastaba waxay geysatay ay ka garowdo.

MAHAD OO DHAN ILLAAHAY BAY U SUGNAATAY.

Qoraalkaan wuxuu bogga KON kusoo baxay 27.10.2013 waxaana Qoray,

Ibrahim Abdi Geele
jinniishumi@gmail.com

http://www.keydmedia.net/editorial/article/21-oktoober_dhaxalkeeda_waa_la_xalin_layahay_illaa_maanta/

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s