YAA NAGA DAAYA FEDERAL IYO 4.5, OO DHAQANKEENA GARANAYA

Ka soo billow dowladihii dibjirka ahaa ee aysan somalida lahayn, ee laga kala keenay jabuuti iyo Kenya, waxaa marnaba la maarayn la’yahay federal iyo 4.5. taasoo ay shacabku marin waayeen inay aqbalaan, sababtoo ah dadku ma garanayaa waxay ka dhigan tahay 4.5 iyo federalism. Dadka somalida ah waa dad caqli u saaxiib ah, waxkastana ay kala weyn tahay qabyaalada, waana halka cudur ee ay leeyihiin.

Markaan kala qaadno federal iyo 4.5 ee aan midkastaba goonigiisa u sharaxno waxa uu yahay, iyo miisaanka lagu raadinayo iyo qasaaraha uu leeyahay, waxaa si dhab ah kugu soo bixi doona inaysan ahayn wax Somali qalbi gooda aysan ka soo bixin.

Laakiin marka hore waxaan is weydiin doonaa su’aalahan ?
1. Federal muxuu yahay?
2. Yuu ku haboon yahay federal?
3. maxaa looga baahan yahay dadka ku dhaqmaya federalka?
4. qaabkee loo kala qaadayaa nidaamka Goboleysiga ku dhisan?
5. qasaare ama faa’iido intee la eg ayuu u leeyaay Umaddan Somalida ah?
6. awooda qaran ee uu u sameyn karo qaranka ku dhisan Federalka?
7. 4.5 maxaa loola jeedaa?
8. maxaa xal looga dhigayaa?
9. yaa 4.5 ah ?
10. Somalida maxay ka aaminsan tahay 4.5 ma dhaxal dad leeyahay, xoog, dulmi WLM?

1. Federalku micna ahaan afka somaliga marka loo badalo waa Goboleysi, oo cidkastaba xaq u siinaya dhulka ay dagan tahay inay maamulato, xaqna u leh inay ku maamusho hadba diinta ay aamisan tahay, iyo afkaaraheed. Ciidankeeda iyo dhaqaalaheedana u qaas yahay, waxaana iska leh fekerkaasi asal ahaan dalalka hanti goosadka ah, ama Capitalism-ka, taasoo ay ka dhaxeyso maamulka guud ee federalka ah, laakiin gobolka gobolka uu ka ganisan yahay waa uu ka saraynayaa, kana wanaagsanaan doonaa.

2. Federalka ama nidaamkan gobolaysiga waxaa loogu tala galay asal ahaan dad ku kala duwan diin, luuqad, jinsiyad, iyo wixii la mid ah kuwaasoo aan isku feker ka noqon Karin wada noolaansho iyo xuquuq siman oo si cadli ah ku dhex ooli karta. Waxaana loogu tala galay inay noqdaan dad kala qaybsan oo midkasta goonigiisa u taagan, midka kalena waxba kala dhaxeyn, waxaa kaliya ee la isku yimaadana ay tahay xukuumada dhexe ee federaliga ah.

3. Ku dhaqanka federalka ama gobolaysiga sida aan sheegnay waxaa uu leeyahay xuduud goboleedyo kala soocan oo qowmidkastaba goonigeedu u leedahay, taasoo lagu kala garto midba midkiisa kale, calan ahaan iyo calaamad ay kaga duwan yihiin inta kale dalka guud ahaan. Laakiin Somaliya oo kale waxba kama galo, maxaa yeelay dad isir mid ah wadaaga, oo aan xuduud kala lahayn ee maalinba mel jooga, oo haddana ehel iyo qaroobo xididkeedo dheer yahay ka dhaxeyso weeye.

4. Markaad Soomaaliya joogto oo aad tiraahdo waxaa loo sameynayaa Gobolba xeerkiisa hoose iyo xuduud goboleed, side loo kala qaybinayaa oo ay macquul u tahay in loo kala saaro hal magaalo oo ay ku nool yihiin dadka isku ehel ah, sida abti, habar yar, iyo ina eedo, oo haddana is haysta. Yacni markaasi waxay noqonaysaa in wiil aad abti u tahay uusan xaq u lahay in gobolka aad ka soo jeedo wax badan qiimo ka lahayn. Dhaqaala ahaan iyo horumar ahaan, iyo dhaqan ahaanba dhulka somalida wax isku xiran oo aan kala maarmin weeye, hadii la yiraahdo ha la kala qaado oo gobolkasta ha isku filnaado, dhulka qaarkiis ayaa Hodan ah dhulka qaarna waxay noqonaysaa in la kabo xilikasta miisaaniyadiisa dhaqaale, markaa suurta gal maaha in uu nin Somali ahna gaajoodo dhulkii walaalkiina laga yiraahdo waxaad ka timid gobol hebel ama si dadban loogu dookho.

5. Qarsaaraha uu leeyahay oo uu waliba somalida u leeyhay waxaa ugu weyn, inuu yahay haykal dhisan oo u sameysan inuu dadka isku dilo, oo uu waliba ahaado mid dhibaatadiisu aysan dhamaanin boqolaal sano oo hadda soo socota. Tusaale hadii aan u so qaadano Mudug, Hiran, sool, sanaag, jobooyinka, shabellada Hoose, Gedo, dhamaan heshiis laguma ahan. Markaa Federal ayaan u sameynayaa waxay ka dhigan tahay somalida dhexdeeda qabiil ahaan ayaan idin kala qaadayaa, markaa dowlad dhexe hadii aysan lahayn side loo heshiisiin karaa. Mudug waa laba gobol, Sool iyo sanaag waa la isku haystaa, maamulkeeda sidee lagu salayn karaa, Jubooyinka dadkii lahaa ayaa la dul dagay oo aan codba ka lahayn dadkii daganaa ee asal ahaanta illaahay u dajiyey umada kale oo Hubaysan ayaa dhex taagan, oo taladii dhulkaasi gacanta ka buuxsatay, shabeelada hoose waa la mid Gedo waa sidaas, Sool iyo Sanaag. Markaa wadiiqada uu federal munaasab ku noqon karo ma jirto iimana muuqato Soomaaliya ama Somali dhexdeeda, xitaa dadkii qaatay nidaamkan ee aan waxba isku ahayn ayaa dhibaato ku qabo, sida itoobiya oo kale, waana runtii Nidaam Afrikaanku lagu jaha wareeriyey ee lagu mashquulinayo.

Marka maxaan u baahan nahay? Waxaa loo baahan yahay in somaliya dowlada dhexe oo Islaami ah loo sameeyo, ku dhaqda xeerka illaahay raaliga ka yahay iyo dhaqanka wanaagsan ee ay somalida ku dhaaftay dunida inteeda kale. Hadii aan nahay Somali kala qaadis iyo xuduud gobol oo naloo sameeyo waxaan u bahan nahay inaan cilmiga federalka leenahay, inaan ognahay in qabiil iyo federal meel qura wada gali Karin, inaan og nahay in qaran Somali awoodiisa aysan ku imaan Karin in la adegsado nidaamka gobolaysiga, dhaqaalaheenana uusan ku haboonayn oo uu waliba ku dhismayn. Umada marka loo doorayo nidaam inta badan waa inuu asal u yahay dhaqan dhaqaalaha bulshadu leedahay ama lahayd iyo argtida maamul ee ay dhaxal u leedahay, kaasoo wax badan ka caawin kara in uu waaro haykalka dowladnimo ee ay leedahay ee asalkiisu ku qotomo salaadiinta iyo cuqaasha, iyo Culimada diinta islaamka ee loo haystay inay waligood waxay yiraahdaan aan laga daba hadlin, maamulka saxda ahna waa kaasi.

Goorma ayaa la hir galin karaa Federal.. Markaad qiimeyn buuxda ku sameyso dhaqanka maamul ee ay somalidu dhaxalka u leedahay asalkiisu waxaa uu ku fadhiyaa federal ku salaysan qabiil ay hogaanka u hayeen odey dhaqameed, suldaan culimada, laakiin hirgalinta maamulka caynkan oo kale u dhisan waxay noqonaysaa oo kaliya marka la baabi’iyo nidaamkii gobolada ee sameysnaa ee horay u jiray, loona badalo xuduudaha ay leeyihiin qabaa’ilada somaliyed laguna badalo xuduudaga qabaa’ilada ay leeyihiin, ee markaasi la helo wakiilo qabaa’ilada ka mas’uul ah, taasoo laga yaabo inay hirgaliso wax u eg dowlad dhexe oo Federal u muuqanayso, kana gadisan Federalka dadka Somalida ah Sanka laga galinayo..

Inkasta oo ay taasi wanaagsan tahay, haddana in beelaha xuduudo loo kala sameeyo ayaa noqonaysa shaqada ugu adag ugu dhibka badan, lagana yaabo inuu dhiig badan ku daato oo hadana qabaa’iladku isku laayaan, lagana yaabo inay dhaxalsiiso qabaa’ilada qaarkood dhulkooda inay ka guuraan sida qabaa;ilada qaar ku dhacday qarniyadii dhexe, ama awood lagu dul dago sida ka jirta jubooyinka iyo shabellada hoose, iyo Gedo iyo dhulal kale.

6. Markaad aragto awood dal ama dowlad oo dhisan oo xoog miisaaman ku fadhida, waxaa inta badan sal u ah dhaqalka miyiga iyo hiddaha ay umadaasi leedahay, kaasoo maamul ahaan ay boqotooyo ku ahaayeen kuna yihiin ilaa iyo iminka casriga ah, iskuna xiran yahay jiritaanka dhaqan dhaqaale iyo sooyaalka taariikheed iyo waliba hindisaha aayaga umadda, lama dhaafaana u ah qofkasta oo bulshadaasi ka tirsan. Taasi ayaa qofkastaba oo Aduunka ku nool salka ugu dhigta inuu hal maalin uusan uga hor imaanin nidaamka bulshada ka dhaxeeya, uuna dhowro waxkasta oo wanag ama xumaan ka soo gaarto nidaamkaasi, kaasoo noqon karay mid fur furan ama kaligiis talis ah. Sida ahaataba, bulshadu waxay fahmaysaa si ay kula dagaasho oo aan bur bur ahayn, loogana gacan maroojiyo hadba ninkii macangag ku noqda bulshada ee u cadaalad fali waaya.

In la isku xiro dowlad imkaaniyaadkeedii leh iyo shacabkeeda, waxay u baahan tahay inay fahmaan shacabka dowladda, gartaana inay wax badan ka dambeeyaan rukulada asaasiga ah ee maqaamka u ah umada, taasoo loo marin karo faham asaasi ah oo ay dhaxal u leedahay bulshada maamulkaasi ka dhex jiro, asalkuna ka yimid bulshada. Waxaa soo baxaysa inaysan imaan kala duwanaansho dhaxalsiiya umadaa kala fogaansho ama is afgaran waayid dowladnimo, noqotana sida Shacabkeena ay ugu kala fogaadeen nidaamka dowladnimo, taasoo ka tarjumaysa faham daradii naga qabsatay dowladihii is xigay ee somaliya soo maray haba ugu darnaatee tii Kaligii taliska ahayd, waayo wax aan Somali maamulahaan ay fahmi kartay maaha. Cidii la soo shaqeysay waa ay garanaysaa, laakiin sharax yar hadii aan raaciyo “ waxay ahaayeen oo hogaanka u hayey dowladahasi dad yar oo ka mid ahaa shacabka soomaalida oo ka soo wax bartay bulshada galbeedka oo haddana xambaarsanaa nidaam aysan garanayn somalida, kaliftayna inay ay dadku u fahmaan wax gooni ah oo aysan dadku lahayn, oo shaqsiyaad leeyihiin”.

Waxa la doonayo in ay jiritaanka illaaliyaan ugu horayn waa shacabka, ayagayaana ugu baahi badan maamul caadil ah, dowaladuna waxay wakiil ugu tahay inay kala hagto ayna fahamsiiso waxa dhabta ah ee ay doonayaan inay ku horkacaan, ku hormariyaan bulshada, taasoo ay u marin karaan meelaha ay dadka ka amar qaataan, ee asalka u ah. Taasi waxan ku cadayn karnaa oo aan si la taaban karo u wada dareemeynaa qaabkii dowladeenii u burburtay, maxaa yeelay dowladu shacabka waxba uma sheegi karto hadii aysan marin dariiqa iyo meelaha ay ka amar qaataan bulshada ama ay wax ka fahmaan, sida Odayaasha dhaqanka, salaadiinta, Cuqaasha, Wabarada, Beel daajiyayaasha, Ugaasyada, Culimaa’udiinka iyo WLM. Taasi waxay dhaxal wanaagsan siinaysaa in umadda fahamkeedu meel dhexe joogo lana jaanqaadaan heerka dowlada ay marayso ayna garab istaagaan maamulkood “NB hadii loo arko in dowladda ninka mas’uulka ka ah qabiilkiisa dalka dowlada ka yahay waa bur burka ugu xun ee ka mid ah dhibka dalka ka dhacay”.

7. Musiibada ugu daran ee ka xun Federalka waa 4.5 oo somalida loo kala qaaday taasoo aan la garanayn asal ahaan waxa loola jeedo, lakin sida muuqaalka guud ka dhigan yahay waa heerka qabaa’ila lagu kala saaray somalida ah, ayna jideeyeen sida la sheegey CIA –da maraykanka oo inta badan heerarka lagu qasbo dunida loola adeegsado warbaahinta ku dabaqaan dunida saddexaad. Sidaasi si la mid ah ayaa 4.5-ku ka mid noqday waxyaabaha dibada laga soo minguuriyuey ee umadda lagu jaha wareeriyey, ayadoo loo soo marinayo ma naxayaa, ama dad aan cilmi badan u lahay waxyaabaha darsi ahaan loogu soo aqriyo, ayadoo ay ugu wacan tahay saqaafadda ay bulshadu leedahay oo aysan garanayn asal ahaan, inta badanna aan aqrin asalka nidaamka siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee sooyaalka umadda soomaaliyeed leedahay. Sidaasi darteed ayaa waxay ku qasbaysaa Tabcanayaasha bulshada dhex jooga inay fuliyaan howlkasta oo la soo maleego ayna ka soo fakerayeen mudo badan umad hagardaamada soomaalida ka shaqeysa, iskana dhigaysa inay wax qabad dhab ah la doonayaan.

8. 4.5 waxay sheegeen dadkii sameeyey iyo raggii loo soo dhiibay inuu xal u yahay xiligan adag xalinta qilaafaadka dowladnimo ama siyaasadeed ee maanta, taasoo ay ku an dacoodaan inay wakiilo ahaan ka kala imaanayaa 5 qaybood ee loo kala sameeyey umadda Somaliyed, tusaale ahaan Hawiye, Daarood, Dir, iyo Digil iyo Mirifle, oo lagu daray sida ay sheegeen Beel kala bar ah oo aan magac lahayn loona bixiyey others, oo micnahoodu yahay dadkani meel ma haystaan, yacni hadii la aqriyo others waxay la micno tahay ( IYO KUWA KALE), haddaba waa su’aale maxay yihiin kuwa kale, miyaanay Somali ahayn, dadka others-ka loo bixiyey ma dad la leeyahay asal ahaan Somali mahan, ma dad la leeyahay waa laga tiro badan yahay, wax la fahmi karo maaha, mid waa macquul Beelaha Laga tirade badan yahay waa dhici kartaa sidaasi inkasta oo aysan ahayn haddana wax Somali lagu kala saari karo, laakiin ereyga loo bixiyey ayaaba asalkiisa yahay mid aan ku haboonayn in lagu dhawaaqo, galbeedka waxay yiraahdaan Minority, asaguna hadii la micneeyo waa dadka laga tirada badan yahay oo lagu daray dumarka, waa sida ay u sheegaan dadka iskaleh luuqad ahaan.

9. 4.5 cid ah oo Somali ah ma jirto qof loogu yeeraana ma jirto, hadii aan Somali nahay wax aan fahmayno maaha, waxan jeclahay in cid ku sifayn karto Somali ay jirto soo saarto, somalina ka soo dhexsaarto, lana helo Somali garowsanayo inuu yahay Others waxa loogu yeeray. Maaha Somali fekerkeeda, mana ahan qof wax loogu yeero, mana ahan qof Somali ah wax qabto, mana ahan inaan dhagaysano aragti aan dhexdeenaba ka iman, Xiraa hadii ay ka timado waa inaan diidi karno oo aan ka qaadan karno meesha ugu wanaagsan ee bulshada ku midoobi karto ee aan dhibaato noo horseedi Karin, oo aan Maqaam wanaagsan iyo jiritaan iyo wada noolaansho dhab ah noo abuuri karo.

10. Ra’yiga bulshada kan wax bartay iyo kan badowga ah ee miyiga ku nool waxay isku raacsan yihiin inaysan fahamsanayn waxay loola jeedo 4.5, laakiin si aad u hesho xog badan ee aad dhex qaado bulshada soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunkan ka joogaa 4.5 waxay ku noqotay Cuqdad lagu dhex abuuray wiil iyo abtigiis iyo habar yar/Aayo iyo inlma hooyo qura wada dhashay ee kala aaba ah, taasoo la leeyahay walaalkaa oo aad naas qura wada nuugteen waa 0.5 adiguna 1.00 baad tahay. Micnaha tarjuda saxda ah ee uu leeyahay waxay ka dhigan tahay waa quursi dhab ah oo la doonayo inay ku kala dambeeyaan colaadna lagu dhex dhigo laba wiil oo walaalo ah, iyo wiil abtigaa dhalay iyo eedo, aayo, iyo saaxiibka aad aduunka ugu jeceshay ee la doonayo inaad kala niyad xumaataan, oo midba midkal kale ka aamino inuu mid Bar yahay midka kalena dhameystiran yahay.

Runtii waa Hagardaamo la doonayo inay dhaxal u yeeshaan umada wada dhalatay oo taariikhiyan la doonayo in lagu badalo jiilal fara badan ee soo socda, si ay u noqoto aayaha dambe wax dhab ah oo jira, lagana tiro macaga qabiil ee ay imika leeyihiin looguna wareejiyo midkan oo laga dhigo umad si kale u sameysan. Markaad tahay nin feker wanaagsan oo aad wax qabad leedahay misana wax tarnimadaadu aad u sareyso ee laguugu yaaro waxad tahay 0.5 ee ay iskaa hortaagto inaadan awoodi Karin howshaasi muhiimka ah, maxay kula noqonaysaa? Yacni waa nin muhiim ah oo wax gal ah laguna xanibay 4.5. Tusaale cad hadii aan soo qaadanyo Ururkii SYL hindisaga ninkii lahaa waxaa uu manta ka mid yahay bulshada loogu yeeray 0.5 Allaha u naxariisto heerka manta aan ku faanayno ayuu fekerkiisa lahaa, ninkastaana waa uu arkaa dhaxalka aan ka hayno, waxa ugu wayn waa Xoriyadda, taasoo aan la siisan lacag iyo aduunyo oo ah waxa manta ugu qaalisan ee noolaha ku farxo. Maantaba waxa ugu yeernay waa 0.5. Runtii taariikh daba gadisan weeye waxa maanta dhacayaa oo dhan.

Waxaa fiican in la aqriyo aayaha bulshada si loo ogaado arimaha dhabta ah ee loo baahan yahay in bulshada dhexdeeda laga abuuro, wax abuur wanaagsana u noqon karto mustaqbalka dhismaha qaran Somali yeelato oo dhaxal gal ah. Dariiqa loo marayo waa inuu yahay yaa Somali ah oo maanta wax tari karo oo caqli nadiif ah ma iman karo somalinimaba ka go’an tahay, yacni in la yiraahdo yaa wax tar leh, ee aan la dhihin yaa reer hebel matali garan, yaa 1.00 ah iyo 0.5 ah.

Waad mahadsan tihiin.

Ibrahim Abdi Geele
Djibouti
Sheekeeye2005@gmail.com

 

Published in 2010 in This page

http://somalitalk.com/2010/11/14/yaa-naga-daaya-federal-iyo-4-5-oo-dhaqankeena-garanaya/

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s