WADA HADAL AAN NINKII MUDNAA HADAL KA GEYSAN, WAA HAWAAWIR LAGU HANSAAMAYO

Posted: Maarso 1, 2015 in SIYAASADDA

Tan iyo intuu aadamigu soo jiray, waxaa lagu dhaqan yahay waa wada hadal dhex maray hadba labada qof, qolo, ama koox iska soo horjeeday oo doonaysa xalka kama dambaysta ah, si looga gudbo marba arinta taagan ee ismari waaga keentay, waxaana loola jeeda in ugu dambayn xal kama dambays ah laga gaaro. Xalkaasi wuxuu horseedaa Taariikh mugdi ahayd inuu u badalo taariikh kale oo iftiin badan, wuxuuna wada hadalkaasi dhextaal taariikheed u noqdaa laba sooyaal oo kala duwan. Mid ummadda lagu soo hayey Mugdi iyo mid hadda u billaabaya iftiin iyo muuqaal hor leh oo madax banaan, ama bil cagsigeeda.

Sooyaalada is badalka quruxda badan ama madow waxaa hogaanka u qabta inta badan masuuliyiin ummadda hogaankeeda illaahay u dhiibay, waxayna ku xirmaan umadaha hadba siyaasadda ay la yimaadaan hogaanka ummadda, taasoo ummaddaasi dhaxalsiisa inay noqdaan ummad hogaankeeda la mahadiyo, ama kuwa lagu xasuusto taariikh madow oo marka la xusuusto dadku ay ku habaaraan ama ay ugu duceeyaan.
Qormada waxan uga danleeyahay sida soomaaliya sawirkeedu yahay, gaar ahaan waxaan doonayaa inaan wax kaga iraahdo wada hadalka lagu sheego inuu u dhaceeyo Soomaaliya iyo Soomaaliland, loona dhigay siduu Gumeysiga halbeega uga dhigay oo micna ahaan yahay, aan xusuusino Taariikhdeena inuu Gumeysiga inoo dhigay. Waana sida aan ka maqlo in badanoo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ku doodaan aan kala aano Italian Soomaliland iyo British Somaliland, micnahuna waxa weeye aan ku dhisnaano tabcadii Gumeysi inoo dhigay, waana sharafta halka ay ka doonaan qolooyin badanoo ummadda hogaanka u haysa, meeshay doonaanba ha joogeen.

Qormadaydan waxaan doonayaa inaanan cidna ku durin, oo aan haddana loo arkin in loogu dan leeyahay inaan qolo gooni ah ku maagayo, ama aan ula jeedo gooni ah ka leeyahay, laakiin waxaan isleeyahay bal inaan feker uga darsado sida ay ku suurtoobayso in laysu keeno ummadda soomaalida ah system-kasoo caqli ahaan sax noqon karaya, anigoo doonayaa inaan tusaaleeyo aragtiyo aan isleeyahay waa macquul.

Markaan isleeyahay ha la wada hadlo waxay igula quman tahay in loo wada hadlo sida ugu macquulsan, kuna dhisan hanaan suurta galin kara aragtida loo baahan yahay in laga mira dhaliyo, ee waqtiga la galinayo, muhiimkana u ah sida ay ku socon karto. Marka laga hadlayo wada hadal oo la doonayo in la helo natiijo wanaagsan waxay u baahan tahay in dhamaan inta ay quseyso laga soo qayb galiyo. Waxay u baahan tahay in markastaba cidda go’aanka ugu dambeeyaa leh ay ka soo muuqato kulanka looga tasahayo si go’aanka loo baahan yahay looga mira dhaliyo.

Si arinkaasi u miro dhasho aniga waxay iila muuqatay in la keeno dowladaha xagga dambe ka maamula go’aan ka gaarista heshiisna Soomaalida, maxaa yeelay kala geynta arimahani waxaa u asal ahaa taariikh isku xiran oo aan wali la kala furin, waana dhibaatadii uu geystay kacaanka ee ku dhacday ummadda soomaaliyeed. Raadkaas helistiisu waxaa laga dhex soo saari lahaa habka loo xalin karo mushkiladda soomaaliyeed, waa haddii loo dan leeyahay.
Kacdoonkii lagu Riday Kaligii Taliye Major-General Maxamed Siyaad Barre ee dhiiga badan ku daatay waxaa geed fadhis u ahaan jiray waddo reer Yurub ah, waxayna u soo mareen Dowladda Itoobiya, Guriga Jabhadahana waxay ahaayeen xeryo Military oo ku yaalay gudaha Itoobiya iyo dhulka Soomaali Galbeed. Dhamaan jabhadahaasi waxay u muuqanayeen ku saacidaad wanaagsan ka helay dowladda itoobiya iyo dowladaha xaka dambe ka fadhiyey Itoobiyaanka laftooda, kuwaasoo ah reer Galbeedka, walina Saameyn Buuxda ku yeeshay hindisa kastoo laga mira dhalin lahaa.
Markay Siyaasad joogto iyo markay Bulsho joogatana waa kala duwan tahay xaajadu, maxaa yeelay markay bulsha joogto dadka HUUTU iyo TUUTSI ma kala aha, ee Social Integrity traditional ah, ama Habdhaqan bulsho oo isku xiran ayaa ka dhaxeeya, dhaqankaasina ma kala saari karo dadka kuwo kala faquuqan uma samaynayo.

Laakiin marka laga hadlayo siyaasadda ayey timid, kala shaki galinta waddaaga siyaasadda dowliga ku dhisan, waxayna keentay in aragtiyo abuurani lagu dhex tuuro bulshada, oo ka dibna jiilal badan oo yimaadaba la dhaxalsiiyo in ay qaataan waxay ku abaadeen.
Is looga mira dhaliyo arinta soomaaliland iyo Soomaaliya, sida hadda loo dhigo, laakiin caadiyan hadda international ahaan loo aqoonsan yahay Somali Republic, waxay ku bahoon tahay in la raaco jidadkan aan isleeyahay waa suurta galin karaan in laga gaaro go’aan kama dambeys ah.

1-In soomaaliland horta ay hesho 2-da hogaan ee ugu saraysa jamhuuridda soomaaliyeed sida Ra’iizul wazaaraha dalka ama madaxweynaha, arintaasi waxay caafimaad galin kartaa hanaanka isfahamka siyaasadda ku dhisan, waana fekerka in badan oo raga siyaasadda Soomaaliland gacanta kula jira ay aaminsan yihiin. Qodobkani wuxuu ka mid yahay, waxyaabaha ay Reer waqooyigu tabanayeen ilaa iyo horaantii xoriyadda dalka la qaatay, waxayna ahayd arimo muhiim ah in laga qanciyo ummaddaasi.

2-In arintan Somaliland iyo Soomaaliya loo dhigay ee heshiiska dhanka siyaasadda loo wado la badalo, oo muran siyaasadeed aan laga dhigin, waxayna iila muuqanaysaa in loo wareejiyo AFTI GUUD oo loo qabanayo dhamaan Soomaaliland inta deegaankeedu yahay, ayadoo Aftidaasi ay qaadayaan HAYADO MADAX BANAAN oo ka madax banaan soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland. Jidkaas wuxuu siinayaa in dadka soomaaliland dagan oo dhan ay ka qayb qaataan sida ay doonayaan inay u coddeeyaan, lagana qayb galiyo arinta kala doorashada mustaqbalka ummadda degan dhulkaa. Hanaanka in siyaasadda laga dhex saaro masiirka ummadda soomaaliland, caaqil, waxgarad iyo dhamaan ummadda oo dhan, wuxuu u saamixi doonaa in aan la AFDUUBIN ummadda soomaaliland shacab ahaan, oo ayagoo ka madax banaan siyaasadda soomaaliland iyo soomaaliyaba, ay qaadan karaan go’aanka ay doonayaan markaa inay gaaraan.

Waxay ku bahoon tahay AFTIDAASI INAYSAN gacanta u galin labada dhinacba , marka ugu horaysa, laakiin labada dhinacba ay ka qayb qaadan karaan tirinta cod bixintii dhacday, si afkeeda arintani jid kama dambays ah loogu helo. Arintani ahmiyadeedu waxay noqonaysaa inaanu qasab iyo mashquulis badan uusan ku dhex jirin labada dhinacba, si qalbi furan oo raali laga wada yahayna ku dhacdo, layskuna collaadin, oo ayadoo la qalbi furan yahay lagu aamino cidda arintani go’aanka ugu dambeyaa yeelan doonto.

3-Haddii ay noqonayso in dhanka siyaasadda ay ka doodaan arimahani, waxay ku haboon tahay in la soo fadhiisiyo wada hadalka oo ay ku jiraan dowladaha la dariska ah, iyo kuwa sida dadka ugu lugta lehba. Waxayna iila muuqanaysaa inay yihiin kuwa dhabarka ka fadhiya talada ugu dambaysa, ayna yihiin kuwa ugu dambeya ee ka go’aan gaari kara heshiiskan, mana laha codka ugu dambeeya. Waxaan hubaa in aysan wax miro ah ka soo baxayn illaa inta la helayo, ama banaanka la soo dhigayo cidda ka masuulka ah go’aanka cidda leh. Maahi qabiir ku taqasusay habdhiska siyaasadda, haddana caqligu wuxuu arkayaa siyaasad madoobaynaysaa ma jirto. Heshiiskii lagu jabiyey Kacaanka Mujaahidiintii maamulka ku dhistay ayaa Soomaaliland iyo Puntland dhaxalkoodu ka jiraa, halka kuufurtu ka baaba’day, maamuladaasi wali SNM iyo SSDF waa halyeeyadooda, waxaana soo barbaariyey dowladda Itoobiya. Si looga gaaro is afgarad buuxa oo dhamaystiran laguna qalbi fayow yahay waxay u baahan tahay in ay soo fadhiistaan dowladha labada dhinacba ku jira Miiska wada hadalka, ayaguna ay ku lug yeeshaan arintani.

Wixii la Fogeeyo waa fogaadaan, arintii ku dhaafto daba qabasho ayey leedahay, Anigu waxaan qabaa in laga fekero arintani sidii looga miro dhalin lahaa una noqon lahayd mid jahawareer laga illaaliyey, kadina Go’aan siyaasadda labada dhinac ay wada saxiixdeen laga qaato.

4-In Odayaasha dhaqanka Beelaha la xulo lana geeyo meel labada dhicanba ka madax banaan, lana soo xulo adayaasha dhaqanka rasmiga ah, lagana illaaliyo dhamaan warbaahinta, oo inta la dhaariyo si dhaqan ah arintaan loo wajaho ugu dambayntiina odayaasha dhaqanka labada dhinacba waxay soo go’aamiyaan laga amba qaado oo dhaqankaa ugu sareeya dhulka soomaaliyeeda ayagaas loo daayo masiirka ummadda soomaalida ah. Waxayna iila muuqanaysaa in Odayaasha dhaqanka soomaalida ah ee geeska Afrika ku nool ay leeyihiin go’aanka kama dambaysta ah ee ummadda Soomaaliyeed, waana Albaabka kaliya ee xalinta qifaadka soomaalida, waana ku kalsoonahay shaqsiyan in Arintaasi siyaasadda inta laga dhexsaaro odayaasha dhaqanka loo gacan galiyo.

Khaladkastaba marka uu dhaco waxay ku haboon tahay in laga abaaro meesha ugu macaan ee biyo kama dhibcaanka ah, ummadduna ay fahmi karto, qaadan karto, taasoo ah wax ka dhaxeeya. Xeerka dhaqanka Soomaliga ahi, wuxuu ka sareeyaa dowladkasta oo dhul soomaaliyeed ka jirta, magacay doontaba ha yeelato, waa midka ugu quwadda weyn. Waxaan isleeyahay in arinkaasi macquul ahaanshihiisu micna weyn yeelan lahaa haddii la maro.

5-Tan ugu dambaysa ee fekerkaygu waxay iila muuqataa in laga dhigo mid u shaqeeya si hoose oo laga illaaliyo saaxafadda, lana abuuro Gudiyo ka kooban dhaqan iyo siyaasiyiin ka shaqeeya labada dhinacba oo Muqdisho iyo Hargeysaba wada taga. Waa inay la siiyo go’aanka kama dambeysta ah labada dhinacba si ay u soo lafa guraan, uga soo saaraan talooyin geedi socodka wada hadalada meel qurux badan marin kara. Guddida dhaqanka iyo siyaasadda ka kooban waxay furi doonaan albaabo badan oo marka la joogo ra’yiga guud ee bulshada aan kor loogu qaadi karayn, laakiin muddooyin badan ka dib, waxaa laga yaabaa in arintu laysaga soo dhawaado, ugu dambayntiina laga gaaro amuurtani halka ugu wanaagsan.

Arinkastoo murugsani rag bay leedahay garanaya halka ay ku haboon tahay, dabcan anigu isma lihi waad ka mid tahay, laakiin waxaa jira dad badan oo arintani project ama mashruuca noqotay ee marka laysku yimaadana aad moodayso inay sensitive tahay, ee aan la taaban Karin halka boogtu taalo, waxaad moodaysaa inay tahay wada hadal la qasbayo, waxaana u sabab ah ciddii kama dambaysta ahayd ee go’aanadan wax ka lahayd inaysan wali meesha joogtin. Sidaa darted ma guulaysan karo wada hadalkasta oo labada dhinacba dhex mara, mana la gaari doono meesha loo hanweyn yahay ee labada dhinac maskaxda ku hayaan ee kala ah, In la aqoonsado GOONI ISU TAAG, iyo in LAYSKU WAAFAQO dowlad Federal ah. Waxaan isleeyahay sida la doono ha loo dhiso, hana lagu heshiiyo, laakiin micna weyn uma arko in shir la galo, haddana waxaan micna weyn lahayn laga sheekeeyo, Waan ku qoslaa marka Communique la soo saaro ee la yiraahdo “ Iskaashiga ganacsiga ha xoojiy, Amaanka ha layska kaashado, shirarkana hala siiwado”, Cajiib weeye runtii.

Maxaa layska kaashaynayaa oo meeshaasi yaala, ganacsi soomaaliyeed miyaa kala xiran, amaanku ma cidbaa ku cayaaraysa, yacni mandiq ayeysan ahayn waxa laga hadlayaa. Waxa meesha ku jira oo ninkastaba iska illaalinayaa waxa runta ah ee meeshaasi yaala, waan la yaabay runtii in TIMO DUMAR WADAAN LAGU DHAAMINAYO, waxay u eg tahay in cuquusheena lagu ciyaarayo, oo sida ilmaha oo kale loo xisaabtamayo labada dhinacba. Waa in lagu heshiiyaa dhinac uun, far laad laadaa benu aadamka waxba uma gasho,Taasi micnaheedu waa Talo Laad Laadaa, Soomaali waxba uma gasho, inta laysku dhiirado runtana laysu sheego arinku ha ku dhamaado dhinaca wanaagsan, hana la gorfeeyo oo soomaali ayeynu nahay waana is garanaynaa sida loo xisaabtamo, loo heshiiyo, layskuna afgarto, ee cabsida ka muuqanayso wada hadalada jilicsan ha laga gudbo.

Gaba Gabadii, waxaan ka codsanayaa dhamaan shacabka soomaalida ah ee ku nool labad meel, cuquushooda wax garadkooda iyo siyaasadoodaba inaan laga dhigin arintan mid buuq iyo afkaaro qaldan huwan, wixii dhacay magteeda Kacaankii ayaa la weydiinayaa, maantana nama dhex joogo, waan qiranaynaa in Kacaanku dhibaato nagu dhigay, waxaase kala badan dhibta uu geystay una geystay ummadda soomaaliyeed, maantana illaahay mahadiis nama dul joogo, aan ka wada hadalno xalinta mushkiladaha nagu dheeraaday, waa laysu baahan yahay, xudud, dhaqaale, iskaashi iyo dhankastaba. Kama hadlayno soomaaliland iyo Koofurta oo kaliyee, waxaan doonaynaa in mustaqbalka wax badan la wadaago dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Geeska Africa Calankay doonaan ha yeesheen, waxaan u baahanahay inaan Hogaanka u qabano mustaqbalka dadyowga qaaradda Africa oo aan ku hogaamino, dhaqaalo, siyaasad, iyo wax soosaar ummadda looga daydo. Waa la hubaa inaynaan ku gaarayn, inagoo ay oo dhaxayso kala duwanaansho aan cidna sare ugu qaadayn. Laga yaabaa in laygu diido, laakiin waxaan laygu diidi karayn in dhamaan aan wax wada dhisan karno, haddana in badanoo naga mid ahi ay ka raali tahay inaan soomaali ahaan dhankastaba ka dhisano.

Dhismaha qiyabka soomaaliga sheeganayaa waxaa u asal ah, dhismaha afkaaraha siyaasadda, dhaqaalaha iyo aragtiyada kala duwan oo la mideeyo, loona hirgaliyo dhinaca wanaagsan ee dadkeenu kaga bixi karo madowga uguna gudbi karo dhismaha dhalaalka iyo quruxda badan.

Illaahay ayey mahad oo dhan u sugnaatay.
Ibrahim Abdi Geele
Jinniishumi@gmail.com

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s