CADLIGII I DULLEEYEY DOWNA LOO HELI WAAYEY, EE DIINTA LOOGA FOGAADAY

Posted: Febraayo 5, 2015 in DIINIGA

Gumeysigu waa la mamnuucay, waxaana gacantiisa ku mamnuucay Nabigeena Maxamed NNKH, wuxuuna gacantiisa ku xoreeyey inta la og yahay 63 benu aadam nool ah oo addoonsigii carbeed ku hoos jiray, Hooyadda Ummadda Islaamka ee ah xaaska Nabigeena Maxamed NNKH Ummu Caa’isha waxay xoraysay 67 Addoon u ahaa carabtii Berrigaas jirtay, dhamaan Nabiga NNKH, Ummu Caa’isha, saxaabadda, iyo saaxiibadii Nabiga NNKH, waxay Xoreeyeen Addoomo kor u dhaafaya 39,237 Qof, waxayna ahayd markii ugu horaysay oo dagaal aad u adag lala galay addoonsigii ka jiray dunida carabta inta Risaalada Nabigeena Maxamed NNKH ay gaari kartay.

Waxaase indhahayga soo jiitay in qarnigan 21-aad uu jiro Gumeysigii ugu cajiibsanaa oo aan waligay maqlin, kuna fekerin taariikhda intaan noolaa inuu xitaa jiri karo, kana dhicin meel shaqsi soomaaliyeed uu joogo, waana dhacdo xanuun badan oo dareenkayga qaadday, igu beertay xalool xumo iyo niyad jab, taasoo cidkastoo dareen illaahay siiyey ila wadaagi doonto, ka nixi doonto, kuna qaracmi doono.

Arintani waxay ka jirtaa illaa iyo manta dalka Yemen, waxayna ka mid tahay meelaha ilbaxnimada ugu horaysay ee carabta lagu tilmaami jiray, laakiin waxaad dareemaysaa in Yementu tahay dadka ugu Jaahilsan, aan wali dunida inteeda kale ka war hayn, waxaana u sabab ah, collaadaha ku fogaaday ee gaaray boqolaal sano oo is xigay. Yementu waxay qaxooti ku noqdeen dunida daafaheeda, laakiin sida ay qaxooti u noqdaan intooda badan dib ugama soo noqdaan dalka ay ka yimmaadeen sababtuna waa nolosha adag, iyo dhaqanka aan is badalinee collaadda ahliga ah oo Yemeni Taariikhda u leedahay intay waligeed jirtay oo hadba ninka laga adkaado, taariikhda laga masixi jiray, tusaale ahaan Soomaaliya waxaa xeryo qaxooti looga ooday DEGMADA SHIBIS, ama BILLAAJO CARAB, taasoo ugu dambayntii ay ku noqdeen deegaan, kana mid noqdeen soomaalida dalka deegaanka ku noqotay, sidaas si la mid ahna ay dunida ku yihiin, waxayna keentay in dadkii dalka ku haray  ku sii jiraan Jaahilnimada, iyo qabweyninka qabyaaladda, iyo kala daadsanaanta ku dhisan awoodda ugu saraysay Odayga ama Sheekhul QARYO waxay ugu yeeraan oo ka sareeya nidaamka wadajirta dalka, iyo dowladda, shucuubtuna ku xiran yihiin.

Juun 2010 ayaa waxaa Albaabadii addoonsiga  xariga u jaray wargeyska Almasdar ee ka soo baxa dalka yemen oo cidwaan ka dhigay “Yemen Addoonsi jiritaan kaliya maaha, ee waa sii kordhayaa”, Qormadaas markiiba la daabacay waxaa qalabkoodii qaatay Hayad lagu magacaabo Wethaq Organization for Human Right oo Markiiba meelaha lagu xusay u dhaqaaday sida waqooyi Galbeed ee dalka Yemen, waa ka mamnuuc in arimahaas si furan dhexdeeda loo daraaseeyo, loo daba galo, ama loo bandhigo, xeerka dalka yemen sharciyan ma ogola maxaa yeelay yemen xeerka joojinta addoonsiga waxay saxiixday 1950, haddan masuuliyiinta dowladdu, in laga hadlo arinkaas waa halis oo waxay u badan tahay, in rag sar sare ay ku jiraan kuwa addoon guryaha ku haysta kuna nool yihiin, mana doonayaan in addoomadaasi la xoreeyo, taas ayaana keenaysa in aan si furan loogu howl gali Karin, lana bandhigi karayn.

Wethaq Muddo 6 Billood ah markay daraasad wadeen waxay la kulmeen 190 Case oo ay ka heleen meelaha kala ah, Muharraq 116 Case ah, Aslam 61 Case ah, iyo Keydnah 13 Case ah.  Markiiba waxay noqotay arin baahsan, waxayna soo gashay warbaahinta, una gudubtay indhaha dunida, taasoo manta dareenka ay I galisay igu qasabtay inaan waqti galiyo,, kuna qolo afkayga hooyo, si aan u dareensiiyo, in dunidan casriga ah ee adoonsiga Maldahan ka jiro, laga heli karo, midkii ka horeeyey Nabigeena Maxamed NNKH, oo uu nool yahay, looguna dhaqmo siday ahayd taariikho 3000 oo sano ka badan.

Nazim Manjoor waa wiil dhalin yar, ma yaqaano waxa Xornimo la yiraahdo,  addoonimo asaga iyo waalidkiisa iyo sooyaalka Taariikhda inta  ay jireen ahaan jiray dad la leeyahay, la kala iibsado, loona dhaqmo sida xoolaha oo kale, Naziim wuxuu ka sheekeeyey noloshiisa, wuxuu yiri markaan jiray 6 ama 7 sano, ayaa hooyadeey ii sheegtay inaan dhamaanteen wada nahay Addoon la leeyahy, ayna qasab tahay inaan raacno dadka aan adoonta u nahay.

Arintan waxaa dhexda u xirtay, una kitaabo qaatay Najiib Asaadi iyo Wardan soona gaarsiiyey illaa heer dunida loo bandhigi karo ayadoo ku jirta laba dhagax dhexdooda, ka shaqeeyey, iskuna howlay sidii arintani mar qura looga cirib tiri lahaa dalka yemen, waxayna soo bandhigeen hordhaca ugu horeeya, hordhacaas tusaalaha ah waa Nazim Manjoori oo Xornimaddii ugu horaysay albaabka u noqday, tusaalana looga dhigay asaga iyo walaalihiis la dhashay.

Najiim Asaadi iyo Wardan oo u dhaqdhaqaaqa Xuquuqul Isnaanka,  ayaa waxay balan la leeyihiin Nazim Manjoori la xoreeyey 2013, Nazim maadaama uu ku soo koray nolol Gumeysi baqdin xoog badan baa ku jirta, in yar ka dib wuxuu yimid halkii lagu balansanaa, wuxuuna salaamay dadkii meesha ku sugayey ee ay ugu horeeyaan Najiib Asaad oo xornimadiisa u sabab noqday iyo raggii la joogay.

waxaa loogu yeeray Nazim inuu ka sheekeeyo taariikhdiisa dadka uu la dhashay, walaalahiis Samiya xanuun badan uu kala kulmay, iyo sida ay wax u jiraan, Kulankaan waxaa goob joog ka ah, Television Al-jazeera Baaraya arintan, waxaana lagu xiray meesha kulanka ka dhacayo Camera Qorsoon si aan Nazim uga baqan.

Nazim ayaa ka sheekeynaya dhimashada ninkii lahaa qoyskii uu ka dhashay “waxay ahayd markii noogu darnayd oo uu dhintay ninkii aan Cabiidka u ahayn, waxaan ka mid noqonay dhaxalkii la qaybsanayey, waa nala kala qaaday oo ilmaha odaygii dhintay ayaa na qaysaday,  waxayna noqotay markii naysugu keen dambeysay aniga iyo waalidkay, walaalahay”, Nazim waa la iibsaday oo waxaa la wareegay ninkale taasoo keentay in taariikhda sheekadan uu u noqday albaabka lagu furay jabinta  Silsiladda iyo geynta xarigii gumeysiga, wuxuuna noqday jidka fududeeyey habraaxa dhacdadan xanuunka badan.

Nazim waxaa waraysiga uu bixiyey ku dareensiinayaa sida Gumeysiga Asaliga ah uu yahay, ama u dooriyo nolosha aadamiga illaahay xornimada iyo qiyamka siiyey, waxaana la weydiiyey asagoo ilmaynaya wuxuu la ilmaynayo, wuxuuna ku jawaabay, waa nolosha aan ku jirno, ama reality of my life, asagoo wajigiisa hoos aadinaya, maxaa yeelay ma awoodo inuu dadka wajiyadooda eego markuu arintani ka hadlayo, xanuunka haystaa waa inuusan la mid ahayn benu aadamka asaga la midka ah ee raga uu qabaanka u yahay ilmahooda ka hoos mariyey, asagoo isu haysta inuusan la mid noqon karayn sinaba dadka uu la nool yahay.

Lagama sheekeyn karo dareenkay sawirayso inaad noqoto sida ehelkaaga loo kala iibsanayo oo lagugu xisaabto, oo inta suuqa lagu geeyo sida ariga iyo geela iyo nafcilayda oo kale, suuqa laguu keeno, kadibna nin cusub oo aadan waligaa arkin, ku iibsado, oo caafimaad iyo xanuun midna nasiib u yeelan weyso, tani waa sawirka uu bixiyey Mr. Nazim.  Su’aasha ugu adag ee anigaba I xanuujisay waxay ahayd marka la weydiiyey, adiga ma aaminsan tahay in lagu leeyahay, oo uu yiri “”Haa waa lay leeyahay”, waa lagu celiyey oo ma sida xoolaha “ wuxuu ku jawaabay, waa sida qasabka laygu aqbalsiiyey, kuna soo jiray”

Addoonsiga  benu aadamka ee Yementu kama duwana sida xoolaha nool,  “Addoonka la leeyahay, Guur ahaan,  wax MEHER lama sameeyo, aroos iyo qaraabo looma baahna, mana laha oo waa mamnuuc inay is booqdaan, in wiilka hooyadii iyo walaalihii aad aragto,  waxaa kugu dambaysa marka la kala iibsado, lama soo booqan karo, mana xusi karo, ma awoodo inuu ka baxo meesha lagu og yahay, shaqsikasta oo la leeyahayna xeer difaaca ma jiro, qabiil iyo qolo, ama sharci dowladnimo, ama dhaqan kale oo badbaadiyaa ma jiro. Sidaas waxaa yiri Nazim oo  si calool xumo badan uga hadlay, asagoo baqdin ku jirto, indhahiisuna ilmaynayaan una sheegay Najiim Asaad.

Nazim ayaa sii raaciyey sida ay u xanuun badan tahay sida walaashiisa Samiya ula dhaqmay wiil 19-20 jir ahaa  “”Waxaa la dilayaa walaashaa kula dhalatay, oo aad indhaha ka daawanaysaa, oo aadan waxba u awoodin, sida la doono loola dhaqmayaa, waxna kama tari karaysid, waayo asagaa iska leh ,  Nolol maaha tani ayuu yiri Nazim.

Nazim Kulamo badan ka dib, waxaa ugu dambayntii la weydiiyey in walaalihiis meel ku sheego, wuxuuse ogaa dadka haysta inay adag yihiin wuxuuna sheegay in arintu aysan ahayn sida la moodayo, oo in walaalahiis loo tago mushkilo lagala kulmi doono, asagoo cabsanaya ayuu yiri, maya maya waa adag tahay oo layma ogola inaan walaalahay arko. Nazim waxaa la dhashay inta uu sheegay Shafiiq, Abdallah iyo Saamiya, dadka ay la nool yihiin inuu u tago waa dambi weyn.

Najiib Asaad ayaa ku adkeeyey inaysan wax dhibka ka imaan doonin, ugu dambayntiina xiriiro badan, iyo daba gal badan kadib, waxaa kulamo lala yeeshay deeganaddii ay walaalaha Nazim daganaayeen,  waxaana lala kulmay dad kala duwan oo addoomo  ku haysta.Kulamadaasi waxay ku dhacayeen qarsoodi, waxayna hanaan xigmadaysan oo laga illaaliyey in Yementan Hubaysan aysan dadka baarista iyo dabagalka ku jiraa aysan dhibaato uga iman karayn.

 

Wariye Omar al owky wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee arinta warsidaha ku qoray albaabadana u furay sanduuqii madoobaa ee Gumeysigu ka buuxay,  “wariye Omar wuxuu yiri goor galab ah ayaan u tagay sheikh aad loo yaqaano, oo aan kala kulmay arin qariib igu noqotay, waxaa ii yimid nin Cuntada ii keenaya, waxan cabana ii keenaya, meeshii aan seexan lahaana ii hagaajinaya, waxaan si lama fillaan ah u weydiiyey cidda uu yahay anigoo doonayey inaan ogaado maadaama uu ii adeegayey, waayo wuxuu iila ekaa nin muuqaal ahaan ka duwan sheekha iyo ehelkiisa, wuxuuna si lama filaan ah igu yiri, Addoonka Sheekha ayaan ahay ” Omar markiiba dowladdii ayuu la dhex galay, jawaab adag ayaa laga horkeenay, waxaana lagu yiri “ Case xir mar dambana yaanan lagaa maqlin, haddii kale dhibaato ayaad kala Kulmaysaa”

Markaan arintu dowlad cid dankaleh ma jirto, wiilkii yaraa ee Nazim waxaa gacanta ku dhagay Najiib Asaad iyo kooxdiisa arinta ku daba jirtay, waxaana loo sheegay inay meelaha uu garanayey ee dhibaatada ka jirtay ay isu raacaan, qorshahana lama socdo, Laakiin waa farxad aanu warba u haynin, waa in la soo xoreeyo Nazim walaalahii la dhashay, ee Shafiiq iyo Abdallah, wiilka yar Gumeysiga ayaa wadnaha ka qaaday in walaalihiis la xoraynayo ciyaar iyo riyo ayey la tahay, kama dagayso, wax caqligiisa ka dagaya maaha.

Muddo markii la socday waxaa loo tagay Mr. wardan oo ka mid ahaa raggii horay ula kulmay dadkii addoonsiga dhaqanka u ahaa, ayna ku adkaatay inuu ku guuleysto, laakiin waa arin sooyaalkeedu dheer yahaye, xooga waxay saareen xoraynta shafiiq iyo Abdallah, waxayna kulan iyo ka dhaadhicin badan ka ogolaaday ninkii dhaxalka u helay Shafiiq iyo Abdallah ee ay addoonka u ahaayeen, waa lala fadhiistay, waa loo sheekeeyey, waxa badan wuxuu ka hadlay in addoonsigu caadi yahay, oo wax dhib ah uusan u arkayn isaga, wuxuuna ku dooday inay nacasnimo u tahay inuu ka siidaayo addoomo uu leeyahay.

Ugu dambayntii waxaa laga dhaadhiciyey inuu xoreeyo, nasiib wanaag waa aqbalay waxaana laga saxiixay warqaddii TAARIIKHIGA ahayd KUMANAANSANO kadib Xornimo aan ninka la siinayo garanayn micnaha ay leedahay, iyo Ninka wax Xoraynayna oo dhaqan la jabiyey ay u tahay, waxay ahayd taariikh cidda u joogtay ku waayo qaadatay.

Muuqaalkan waa kala wareejintii Milkiilaha Benu aadamka iska lahaa ee dhaxal qaysigu ku soo gaaray, iyo dhalaankii sida xoolaha loo raacan jiray ee addoon asal ah ku soo waayo jirsaday illaa waalid iyo ab, laakiin waxaa laga hadlin, halka u diyaarsan xornimo kadib !

Gaarigii Keeney Shafiiq iyo Abdallaha waa tagay, waana dhaqaaqay, wuxuu ka tagay Shafiiq iyo Abdallah, waxayna u badan tahay inaysan dib dambe isu arki doonin, u kulmi doonin, una lahaan doonin mustaqbalka inta ka dhiman, muuqaalka gaariga sii jeeda waa Milkiilaha xoreeyey wiilashii addoonta u ahaa, kana dhaqaaqay. Runtii waa dhacdo xanuun badan iyo taariikh adag oo uu wax ka badalay, markuu soo socday iyo markuu sii socdayna noqotay taariikh sidaas u kala duwan.

Naziim, shafiiq iyo Abdillahi dhamaan waa ciyaal yar yar, illaahay Gumeysigii sooyaalka ah kuwa ugu horeeyey ka dhagay, oo xornimadoodii ayadoon dhiig badan ku daadanin ummad u soo diray, nasiibna u yeeshay inay qarniga 21-aad boqolaal la addoonsado wali, kuwa uga nasiib badan ka dhigay, waa dhalin yaro, aan hooyo iyo aabe mustaqbal wax la yirahdo u sheegin, waa ciyaal hadda cid gacan qabaysaa aysan jirin,  waa ilma yar oo xornimadu dunida kula baahday, oo aan manta kadib beer u falin doonin, laakiin farxadda xornimadu tahay la qosol gariiray.

Sidexdan walaalaha ah, xafladoodii ugu horaysay ee ay qabsadeen waxay ka dhacday Geed saxara ah hoostiisa, waxay u ciyaareen sida dad Muusic u shidan tahay, waxayna ku qoslayeen bal sida ay cajiib iyo Riyo ula tahay xornimadan, waxayna qaar lahaayeen, tani waa Riyo, tani ma run baa.  Waxay ka sheekeysanayaan bal waxay sameyn karaan, waayahan cusub sida ay u wajihi lahaayeen, waxay doonayaa inay tijaabiyaan waxay micna leedahay xornimadan ay nasiibsanayaan ayagoo ku dhex nool bulshada  wali ka dhaqan tahay addoonsiga.

Shafiiq Xanjoor waa mid ka mid ah, labadii wiil ee la xoreeyey midkood, waxaa uu ka sheekeynaya xusuustiisa waxay waalidkii ula dardaarmeen wuxu yiri “intaynu jirnay waa nala lahaa oo adoon baan soo ahaan jirnay, waana ku dhalanay addoonsiga, dhaxal ayeyna noo leeyihiin, sidaas oo ay tahay, ma xusuusto hooyadeey, muddo dheer ayaan kala maqanahay, dabcan waxaynu iska ahayn addoomo la leeyahay, oo aan doorasho lahayn” .  waxaa la weydiiyey maxa u dhaxeeya addoon iyo qofka caadiga ah, wuxuu ku jawaabay “ilmaha caadiga ah, waalidkood bay la nool yihiin, waa faraxsan yihiin, waxay leeyihiin mustaqbal, cidda aan mustaqbalkaas lahayn waa aniga, haddaad guursanayso xaaskaagu waa addoon la leeyahay, shaqada addoontuna waa inay shaqeeyaan, waa intaas” Mustaqbal adiga micna ma kuu leeyahay, wuxu yiri “May, markaad addoon tahay wax micna kuuma laha mustaqbal”

Waxaa xusuusin mudan in uu jiro nin la xoreeyey intaan Documentary-gan aan la sameyn ka hor, laakiin nasiib daro markuu meel uu aado waayey, dib ugu noqday Ninkii gumeysanayey, maxaa yeelay dunida meel uu ka aado ayuu garan waayey, nolosha meel uu ka nasiibsado ayuu fahmi waayey, waana la keeni waayey nolosha xorta ah, waxaana u sabab ah dadkaas laga sheekeynayo oo sida uu sheegay Shafiiq aan ehel iyo qaraabo ay leeyihiin wax uun leh, ama meel dagan aan jirin, oo wiil iyo hooyadiis aysan aqoon isu lahayn, nasiib wanaag, 3-dan wiil aqoonta ka dhaxaysay iyo dhiiga walaalnimada xoogiisa, waxaad dareemaysaa inay dusha is kala socdeen, xitaa haddii ay dhici weysay inay kulmi waayeen noloshooda.

Maantase waxaa u beryey waa Cusub, ka qurux badan, ka iftiin iyo dhalaal badan, aan qof dunida jooga haysan, oo qof helaa qiyaas lagu cabira aysan u lahayn, waxayna kala weyn tahay, waxkastoo illaahay dunida dhigay, waana dareen aysan fahmayn, ciddaan wali xanuun gumeysan arkin, ee xoriyaddu ciyaar la tahay.

Waxaanse anigoo qoraa ah Is weydiiyey, su’aal igu adkaatay inaan jawaab u helo oo ahayd, sida ay wiilashaasi yar yar bulshada uga dhaadhicin lahaayeen in aysan addoon cidna u ahayn oo ay xor yihiin, kadibna ay ugu dhex noolaan lahaayeen ayagoo nabad qaba, caafimaad qaba, laguna xaq dhowri lahaa, jiraankooda iyo xornimadooda !!!

 

Illaahay baa mahad leh, ital noo siiyey inaan fahamno, una gudbino ummadda dhaqankan foosha xun, illaahay iyo Rasuulkiisaba ku diideen cidkastoo ku dhaqanta.

Ibrahim Abdi Geele

jinniishumi@gmail.com

Advertisements
Faallooyin
  1. Indhageelle says:

    Maa shaa ALLAH. Kolley shakhsiyan waan liqi la’ahay jiritaanka addoonsi ee xilligan waa arrin aad looga anfariiro. Aad ayaad u mahadsan tahay walaal Ibrahim. > Indhageelle

    Like

    • jinniishumi says:

      Mahadsanid Abwaan.. Markaan Daawaday Documentary-gan, koleey ninba dareen lehe, qalbigay aad buu u taabtay, Helpless people weeye, disparate ah… Markaad aragto Oday 70 jir ah oo lagu shaqeysanayo, ee marka lala sheekeystay ku leh, nolol adag baan ku jirnaa oo lagu tusayo asagoo 70 Jir OOD jiidaya, oo shaqakastoo adag cimrigaas ku qabanaya…….. Dareen xun weeye, markii ku yiraahdo 12 Canug baan dhalay, midna kama hayo, waxa uu kuu sheegayaa waa dhashiisii in sida ariga loo kala iibsaday, oo 70 Jir lagu shaqeysto yahay… aad iyo aad baa qalbiga ii dhaqaaqay… abwaan tanoo kale waxan waligay xitaa ku riyooday maaha… Mahadsanid Abwaan Jaalle Indhageelle…

      Like

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s