Dilka Kenya Madowga, wuxuu xambaarsan yahay, Xasuuqa Soomaali NFD

Posted: Diseembar 14, 2014 in SIYAASADDA

Ibraahim Cabdi Geele – Dunida Maanta la joogo waxaa caadi noqotay in Warbaahintu tahay, mid midabo kale duwan leh, oo aan la garanayn midka meesha asalkeedu yahay, ama fekerka ay aaminsan tahay, nooca uu yahay aragtida ay baahiso, waxa ku daaban iyo dhamaan ula jeedka ugu dambeeya ee laga leeyahay.

Teaser Image Dilka Kenya Madowga, wuxuu xambaarsan yahay, Xasuuqa Soomaali NFD

 Waa dhab in dunidana ay manta noqotay mid u sahlan aaladaha la isticmaalo ee cidkastaba ay manta doonayso inay ku gaarsiiso dunida inteeda kale, waxayna sahashay in aragtikastaba lagu baahiyo looga faa’iideyso hadba agendaha loo baahan yahay in laga mira dhaliyo.

Technology-ga caalamka wuxuu gaaray in xitaa la abuuri kale caqliyadda ay aamini karaan qowmiyad, dal, asxaab, koox ama dalal dhan oo dunida ka tirsan, waxaana la abuuraa Ra’yul caamka guud ee loo baahan yahay oo inta la koriyo, ama la kobciyo oo lagu naaxiyo hadba ula jeedka looga dan leeyahay, Haddana laga dhigaa DAMBI ama KHAYR oo labaduba aan midna sax ahayn ama xaqiiq ku dhisnayn, waxaana lagu daabay ama lagu naaxiyey rabitaan ay qaar dunida ka mid ah leeyihiin oo huwan awoodo, iyo cuquul aad looga soo shaqeeyey illaa benu aadamka caadiga ah uu kala garan waayo waxa dhabta ah iyo waxa dhalanteedka ah, oo la gaarsiiyo illaa dadku ay rumeeyaan aragfida guud ee loo baahan yahay in qalbigooda lagu hubsado, kadibna lagu illaaliyo oo habeen iyo maalin lagu wado illaa ay noqoto sida wax lama dhaafaan ah, waana sida ideologyadda aadamiga loo kala maldahay ee midba nooc loogu galiyey, lana aaminsiinyey ugu dambeyntii.

Sidaas oo ay tahay, ayaa maalinta dalal badan oo dunida ka mid ah, dharbaaxooyin ayka soo kici waayeen ugu dhaceen laguna xanuujiyey, illaa qaar ka mid ah shucuubta dunida ku nool la cirib tiray oo HAADKU in badan ku naaxay hilbahooda,  ama inta kalena ka guureen dhulkoodii, oo ay si tiro yar oo aan micna lahayn ugu dhex nool yihiin dunida inteeda kale.

Aan u soo dago gunta si aanan ugu fogaanin hordhaca, oo aan imaado hadafkayga aan ka leeyahay qormadan aan ugu digayo Somali NFD inaysan ku dhicin ceelkii lagu hubsaday taariikhihii ku dhacay ee xanuunka badan lahaa oo aan la qaybsanayo shaqsiyan iyo inta ila midka ah.

Maanta waxaan dareemayaa in Kenya ay billaabanayso Buuq xoog badan oo micnihiisu iska cad yahay, ula jeedka laga leeyahayna iska cad yahay, oo muuqaal ahaan inta wax garanaysaa u caddahay.

Kenya xiligii ay dalka Soomaaliga galaysay?

Kenya waxay dalka gashay Soomaaliya ayadoo ku doodaysay in Soomaaliya Ururka diinta Islaamka sheegta ee Alshabaab inay dalkeeda dhibaato ka wadeen, ayana dalka gashay, xiligaas waxay Shabaab ku doodaysay inaysan shaqa ku lahayn wixii ka dhacay Kenya dhexdeeda oo aysan ku lug lahayn, waxayna uga digayeen in ay joojiso weererka ay qorshaynayso ee soomaaliya ay ku qaadaysay.

Caadiya weerarka Kenya wuxuu xasuuqyo badan oo xanuun badan u geystay shacabkii Soomaaliyeed ayadoo Diyaarado ku garaacday ummadda masaakiinta ahayd ee dhexda u galay Middida shabaab iyo Gantaalada Kenya, oo haddana kaaga darane aan ahayn dad reer Guuraa ahaa ee beeraleey ahaa, kuwaasoo aan garanayn meel ay aadaan iyo meel ay u qaxaan, oo raasumaalkoodu ahaa beerta ay beeranayaan oo kaliya.

Dhibaatadaasi lama qiyaasi karo mana la hayo xisaabta dhabta ah ee dadka dhibaatada ka soo gaartay, waa ka badan kumanaan, haddaanay gaarayn boqolaal kun oo rayid ah, laakiin waxaa hubaal ah  in dad badan oo masaakiin ahi ku dhinteen, ku cuuryaameen, haddana manta aan haysan gargaar iyo cid garab qabasho caawimaadba siisa, ama xuquuqdoodii u doontaba.

Waxaan lays weydiinayaa, hadday shabaab inkireen, yaa ka dambeeyey dadkii xeebaha LAAMU lagu layn jiray oo ay ka mid ahaayeen labadii qof ee dhintay ee aan la ogayn sababta ay u dhinteen, oo aan ahayn in Kenya ay sheegtay in ay  dhinteen.

Ogow Kenya beryaha ay soomaaliya soo weeraraysay waxaa la afduubay nin iyo Naag, waxayna sabab u noqdeen in Kenya gudaha u soo gashay, laakiin waxa kaloo lays weydiinayey, Kenya ma labadaasi qofood baa ku qasabtay inay dagaalgasho, mise wax kalaa jiray.

Ogow Kenya in laga afduubay shaqaalo badan oo caddaan ahaa oo ay shabaab afduubayeen hore wax dan ah kamay galin, haddana kenyanku micna badan oo xoog leh kuma haynin, oo raggaan shabaab inay gacanta la gasho waligeed maysan doonayn, runtiina Nabad bay ku qabtay oo collaadda ay Itoobiya kula jireen Ururka alshabaab kulama aysan jirin Dowladda Kenya, sidaa darted waxaad dareemeysaa dowladda Kenya inaysan dalka soomaaliya ku soo galin ururka Alshabaab.

Axmed Madoobe iyo Axmed Godane maxay kala yihiin?

Axmed Madoobe wuxuu ahaa Shabaab kuwa ugu caansan ee aan qarsoodiga ku jirin, haddana wuxuu noqday Garabka Koowaad ee dowladda Kenya, sababtu cidna isuma aysan sheegin, ula jeedka hadalkuna wuxuu yahay oo kaliya, Axmed Badoobe wuxuu Fulinayaa dano guud oo Muhiim u ah qolooyin badan oo saynta ku dhagan dowladda Kenya ee aanan la garanayn iskuna qarinaya Dhabarka dambe ee Kenya, nina xantiisa ma moogee, waa la wada og yahay.

Haddaad doonayso inaad ogaato dib u aqri maskaxda oo bal is fahamsii axmed iyo Kenya siday heshiis ku ahaayeen, iyo  Axmed Godane Cadow Ku noqday, waxaa kalood xisaabisaa, sida warbaahintu u rogto wararka oo hadba meel inta la saaro lagaaga dhigo arin dambi, nin xun wanaajiyo,  ninka wanaagsan dambiile looga dhigo.

Labaduba waa dambiilayaal dhiiga iyo dheecaanka soomaaliyeed ku baabi’iyey DIINTA jeebka ay ku wateen, ee Marba meeshay doonayaan ay la aadayeen.

Bal si uun aan kugu sifeeyo, tusaalaha waxa kugu filnaan karta sida Falastiin dambiileyaal u yihiin oo haddana dunida indhaha ugu qarsanayso dhibka ku dhacaya, ee aysan jirin cid ku dhiirankarto ama is hortaagi karto, ula jeedka guudna waa muuqaalka jira ee loo baahan yahay in la fahmo oo la doonayo in la daboolo, loona ekeysiiyo in shey qura aan laga fahmin gunta hoosa waxa jira.

Fulinta agendayaasha qarsoon ayaa u asal ahaa gelitaanka kenya Gudaha dalka Soomaaliya, dood kuma jirto, haddana kenyanku waxay dilleen cid isma weydiiso, oo lagama hadlo, waxay ka geysteen gudaha Soomaalida NFD (DAAWO BARNAAMIJKA ALJAZEERA), wuxuu kuu Muujinayaa sida foosha xun ee ay ula dhaqmaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool Kenya hoosteeda, ayadoo maalinkastaba u yeela waji cusub oo ay ku doonayaan in ay ku dulaystaan, ku laayaan, hantidooda ku dhacaan, uguna itaal sheeganaya hadba manlin waxay ay ugu soo cid galaan.

XASUUQII WAGALA !!

Waa Tiiraanya iyo ciil iyo lama arag, iyo uur ku taalo aan cidda qiimaha soomaalinimo ku xiran yahay aysan Illaabi karayn markii Garoonka diyaaradda ee Magaalada wajeer laysugu keenay 5,000 oo rag Soomaaliyeed ah 1984, oo dhamaantood qabiilka dagoodiyaha u badnaa si aan kala sooc lahayn, oo aan anshax xuquuq aadmi lahayn, oo aan xitaa tii benu aadamka ku jirin, ugu xasuuqay, oo inta ka badbaaday manta hadday ku hor yimmaadaan aysan kalimad kuu dhamays tiri Karin oo ay iska oynayaan xanuunkii berigaas ku dhacay (DAAWO VIDEO), inkastoo sawirkan iyo muuqaalkan lagu baahiyey television laga leeyahay Kenya, oo ay ayagoo xeerinaya sharciga dalka ka sameeyeen muuqaaladaas, waxaad dareemi karaysaa in ay ka maqan yihiin wax badan oo muuqaalkaa ahaan mabnuuc ka ah in la mariyo hawada, waxaana dareemayaa inay ka xanuun badnayn.

Saraakiisha ka dambaysan dhamaan Kenyan madow ah bay ahaayeen, waxayna u badan tahay in Kenyan laftoodu loo yeeriyey ee aysan ahayn kuwa meesha ugu  dambeysaa go’aankoodu yahay, maxaa yeelay ADOONTU inta badan taariikhda qoran iyo midda hadda jirtaba Somali iskumaysan taagin, waana caadi oo waa muuqanaysaa inay meel ka gows haystaan, Yeelkadeede, iminka waa kenyankii oo horror ku ah markale, gunta hoosana u fadhiistay xasuquuqii oo kale.

Xasuuqaas midkaasi kaliya maahayn ee waxaa jiray dhacdooyinkii isxiga ee sida GAARISA GUBAAYDAAWO VIDEO-ga, XASUUSQII MANDHEERA ee dadka madax dhagax looga dili jiray (AQRI BUUGAAN), ubucda buugaani waa nin soomaaliyeed oo ka hadlaya wuxuu dhabta u soo taagtay, waxaana la yiraahdaa buugaasi BLOOD ON RUNWAY.

Intaas kaliya kuma ekenyn ee waxaa ugu dambaysay SUUQII MAGAALADA GAARISA EE SUUQ MUGDI ee ugu dambeeyey 2012. Intaas iyo in ka badan oo aan la sheegin oo Kufsigu ugu badan yahay oo dadkaasi oo aynaan isku jinsiga ahayn boobayaan dumarkeenu, oo qaar noloshooda dil ku xumanay, qaarna ay ku nool yihiin nolol quus ah, haddana aadamiga manta joogaa aysan xanuun iyo dareen midka ku haynin.

Intaasoo dhibaato ah ayadoo ay soomaali ku dhacday oo inta laga qoray uun ay iska yar tahay, oo mushkilladda dadkaasi haystaa ay noloshooda ka mid noqotay in ka badan 40 sanadood, haddana waxaa timid in la abuuro mowjado cusub oo aysan fahmayn dadkeenu.

Qeyba Labaad ee Qormada Ibraahim C. Geele oo uu uga hadlayo Sababta keentay in dhulka NDF lagu laayo Muslimiinta & Qorshaha Kenya todobaadkaan ka Akhriso bogga hore ee KEYDMEDIA ONLINE.

Ibraahim Cabdi Geele
jinniishumi@gmail.com

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s