5 Arimood oo Sabab u noqday inay dhaqaaqi weyso Dowladda Xasan Sheekh

Posted: Diseembar 14, 2014 in SIYAASADDA

Ibraahim Cabdi Geele – Qormadaan waxey daba socota Qoraalkii “Xasanow wixii Shalay ku daashaday, Maanta yaanay dabino kuu dhigin!” , wuxuuna Qoraaga Qeybtaan uga hadli doonaa Sababaha ay u dhaqaaqi la’dahay Dowladda MW Xasan Sheekh & Qaladaadka uu galay.

Teaser Image 5 Arimood oo Sabab u noqday inay dhaqaaqi weyso Dowladda Xasan Sheekh

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud waa Madaxweynaha dalka, dadaal iyo la tacaalid badan kadib, waxaad moodaysaa inay ka madowdahay halka Boogta ay uga taalo ee maalinkastaba damqimaysa, waxaana gogol dhig u ahayd, in sharciga dalka uu xamar uun ku soo koobay, waxaana u sabab noqday inay dhaqaaqi weyso dowladdiisa 5 arimood oo waxa ka hor istaagay aan la garanayn:-

1. Maamulka Puntland

Xassan sheikh waxaa lugaha ku dhagay Puntland oo maamul goboleed ah, kuna jiray dowladda, kuna noqday midka kaliya ee habeen iyo maalin la safan cidkasta oo hanaanka dowliga ah, jilbaha dhulka ugu dhufanayso, taasina waxaa keenay in Madaxweynuhu fahmi kari waayey sida

Uu ula tacaamuli lahaa, waxayna ahayd ugu horayntiiba in maamulkaasi uu uga faa’iideysto waxyaabo badan oo dalka u baahan yahay, Ugu horayn waxay ahayd in Ciidan Federal ah loo sameeyo oo la gaarsiiyo, kuwaasoo la socda amaankooda guud, kala shaqeeya hanaanka dowlad wanaaga, ka dhiga xarunta tababarada ciidamada xooga dalka, oo noqota meelaha ay dowladda ku tababarato una sahlanayd inay duulaankeeda caadiga ah ka soo billowdo min puntland illaa Baydhaba illaa Kismaayo iyo Mogadishu. Waxayna ahayd inay Puntland aan chance loo siinin in ay hadba meeshay doonto iyo waxay doonto ku hadasho, ku dhaqanto, Soomali dhibaato aan majeerteen ahayn waligeed maysan qabin, mana qabi doonto, doorkasta oo dhibaato soomaaliyeed ka dhacday reference ayagaa u ahan jiray,

Soo qaado dilka Madaxweyne CABDIRASHIID ALLAHA U RAXMADO, QORSHIHII SIYID MAXAMED CABDULLE LAGU QAARAJIN RABAY, WIXII KA DAMBEEYEY EE TALYAANIGA IYO OSMAAN MAXAMUUDKII REER GARAWE EE TALYAANIGA KULA HESHIIYEY DHIBAATAYNA UMMADA SOOMAALIYEED SI UU SALDANO TALYAANI ULA HOOS JOOGO, SII RAACI OO  QORSHIHII DILKA CABDIRASHIID KADIB UU KU DOONAYEY INUU KU DUMAALO XAAJI MUUSE BOQOR JAMHUURIYADDA, ILLAA LAGA SOO GAARO ISKU DAYGA DILKII IYO INQILAABKII DOWLADDA KACAANKA EE MAXAMED SIYAAD BARRE, dhamaan waligood mid ay kaligood lahaayeen ma jirin, waxay la kaashan jireen gumeysiga waxayna la iman jireen dad ay is leeyihiin dantaad leedihiin waa idin fulin karaan.

Fulinta danaha gaarka ah ee ay doonayaan inay gaaraan jidka loo maro ayaa aad iyo aad uga qaldan oo 380 ayey saacadda dhanka kale u rogaan, yacni wax xisaabtan ah oo aan helo mooyaane, iska hubi la yiraahdo ayaanan jirin, waayo dunida dulqaadka iyo fekerka iyo in si dagan wax lagu doono, ama la dhex galo bulshada oo cod laga dhex raadsado, la qanciyo oo la soo jiito, waxaa laga dhaxlaa dhaqano fog, ilbaxnimo, iyo waayo badan oo layska dhaxlay, ama cilmi badan oo ab uyaal ah,  oo laga soo qaatay waalid is xigay oo taariikh dheer ku leh ummaddaha dunida oo dhan.

Waxay abuuraan qoladaaasi mushkilo kasta waxaana ugu wacan ab uyaalka ama sooyaalka dunida ay ku leeyihiin oo aad iyo aad u yar,  waxayna jecel yihiin inay abuuraan taariikho aan jirin oo ay ku faanaan sida in Puntland oo 1998 ka hor loo aqoon jiray Majeerteenya, ay hadda wixii ka dambeeyey isugu caleema saareen inay soo jireen ku yihiin magacaas, ayna uga been abuurayaan in absooyaalka uga horeeyey meeshaasi ay dafirayaan, isuna muujinayaan in Magacaasi Puntland yahay, midday raad reebkiisu leeyihiin. Ayadoo dhulka dadkii daganaa ay yihiin kuwo aya ka da’weynaa, raadkoodiina ay ku yar yihiin, laakiin laga helo.

Madaxweyna xassan inuu maamulka dadka wada Gaarsiiyo, waxa ugu wanaagsan hirgalinta himilada soomaali daganaan leh, ayadoo qoladaasi maamulka meeshaasi ku haysataa dowladda ay gaarsiiso nidaamka dowliga ah, maxaa yeelay caadiyan caqliga nadiifka ah waxa uu ku barayaa in meesha dagan wax laga billaabo, laga dhaqan galiyo, kana hana qaado ugu harayn, si loo meel mariyo himilada mustaqbalka, runtiina waxay ahayd in xeryo waaweyn oo ciidan laga abuuro gobolkaasi kana shaqeeyso dowladda, oo meelaha uu duulaanku ka soo billowdo uu noqdo, kadib markay hubiso in amaanku sugan yahay halkaasi.

Tan kale waxaa la xakamayn lahaa, qaylada faraha badan iyo buuqa ay markastaba dowladda kula dhex jiraan, waana u sahlanaan lahayd dowladdu inay dhaqan galiso agendaheeda dajinda dalka, waana runtii meesha ugu muhiimsan ee in aad loo xakameeyo u baahan markaa la adeegsanayo strategyadda dalka lagu dajinayo. Anigu ma fahmin waxa looga meeraysanayo arintaas, mana fahmin waxay ku suurtowday in soomaaliland wada hadal lala galo, lana sheekeysto, puntland oo habeen iyo maalin dumin mooyaane aan wax kale ka shaqeynin, loo daayo xariga  ay wax ku dumiso, micna noocaas ah ayaanan ahayn habka dhaqan galinta himilada dowliga ah ee dalka u baahan yahay.

2. Heshiiskii Kismaayo

Tan kale ee xassan dowladiisa lugaha qabatay waa heshiiska doqonimada ahayd ee lala galay Shabaabkii weynaa ee Axmed Madoobe, marka ugu horaysayba heshiis in lala galo maysan ahayn, nin aan asaga guriga madaxtooyada dalka aqoonsanayn, waxayna ahayd in qorshaha dowladda ay gacanka ku qabanayso meeshaas aysan cidna u hoos fadhiisan, waxaana loo baahnaa in hanaan aad u qorshaynsan laga fekeray, la dajiyo, lagana hirgaliyo, kaasoo ay u dhan tahay bulshada oo dhan.

Agendaha Axmed uu haystay waa dowladda xamar waxba kaa cuni mayso, oo shabaab ayaa jidka jooga, adiguna haba u dhaqaaqin, kadibna waxay noqotay Alshabaab oo laga dhigtay Gidaar Siyaasadeed oo dowladda soomaaliya loo dhigay, una muuqatay inaysan ka soo baxaynayn Gidaarkaasi, waana dhacday oo Puntland waxay ka shaqeysay sidii ay ku joojin lahayd howl galka badweynta hindiya ee la doonayey in laysku furo Kismaayo iyo Muqdisho oo micnaha ugu dambeeya ahaa in shabaab laga cirib tiro dalka, haddana siyaasad ahaan ay muuqanaysay in Puntland ay doonaysay in dagaalkaasi uusan gaarin meel ku dhow kismaayo, waana Tan cabdiwali heshiiska kula soo galay Mr. GAAS, kadibna ay dhacday in arintaasi ay hakato oo howl galkii socday dib u dhac weyn ku dhacay.

3. “Xamar Kaliya”

Qaladaadka siyaasadeeda waxaa kaloo ka mid ahaa, in dhaqaalaha dalka ka soo baxa aysan dowladda ka caddaalad falin, oo culeysku saran yahay oo kaliya magaalada xamar, ayadoo aysan jirin cid u dhaqaaqday dhanka maamulada kale, waxaad dareemaysaa kismaayo inay ka madax banaan tahay xamar, Bosaaso ay ka madax banaan tahay xamar, hadana aysan socon wax siyaasad ah oo ku wajahan habka loo laysugu dheeri tiri lahaa dhaqaalaha dalka.

Illaa iyo hadda culeysku wuxuu saran yahay Muqdisho iyo inta ganacsiga ku haysata, hadday dhibaato dhacdo ayagaa laga rabaa, waxkastoo yimmaadana laga qaadayaa, markaan sidaasi leeyahay kama dhigna dadka reer muqdisho yaanay bixin illaa inta laga qaado meelaha kale, laakiin xuquuqaadka dowliga ah waa in ay u sinaadaan ummadda, si nidaamka dowliga ah ugu ekaado caddaalad, maamulkuna u gaarno jidka uu ku helo karo dajinta iyo horumarinta ummadda soomaaliyeed.

Sidaa darted dowladdu waa inay ka howl gasho ugu horayn in mamulada dowladdu dhamaan hoos yimmaadaan ayadoo la kaashanaysa dhamaan bulshaweynta caalamka, iskaashina ka sameynaya habka ay u maamuli lahayd ummadda ay matalayso inta ay gaarto, Anigu waxan qabaa xoraynta alshabaab waxaa ka horeeya joojinta  Fidnada siyaasadeed ee Puntland, ay ku hayso dowladda, oo sida ciyaalkii ay marna leedahay xariggaan u jarnay marna leedahay, raali ahaada, oo ay haddana soo noqonayso.

Caadiyan aniga waxan qabaa in aysan Masuuliyad lahayn Maamulkaasi meeshaasi ka dhisan, mana ahan, kuwa badbaadin kara ummadda meeshaas ku nool, mana noqon karaan dad u hogaansan dowladda, sharciguna waa inuu qabtaa cidkasta oo ka hor timaada hirgalinta sharciga dalka, haddaay dowladdu dhankaasi mari weyso, waxaa hubaal ah in dalku sida loo malaynayo noqon doonin, oo rajada ay naawilayaan reer soomaaliyeed, aysan waligeed hirgali doonon, illaa Qoladaasi Puntland la baxday maamul dowladeed oo maamula loo helo, dushana kala socda dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan, hadday xassan sheekh siyaasaddaasi gefto, illaahay ha aruuriyo, 2016 wuxuu ku jiraa, qolada habaarka looga tagi doono, wuxuuna ka xumaan doonaa jidka uu Mr. Cabdil wali uu maray, waxaana qabsan doono sheeko, taariikhdeeda laga sheekeeyo, waaba hadduu ka badbaado dilka Sumeysan, ama Toogasho ay ku fuliyaan Madaxweyne Xassan, waayo cabdirashiid kama wanaagsana, kama fiicnaan doono abidkiis, waayo Cabdirashiid wiilkoodii buu ahaa, rasaasta Laabta loga dhuftay looga laxjeclaysan mayo.

4. Qorshaha Formulada Hawiye & Daarood

Qorshaha Formulada HAWIYE iyo DAAROOD kuraasta sare ee dowladda waa arimaha ugu xun ee hanaqaadka yeelan waayey, waana sababata fashiliyey dhismaha dowliga ah ee dalka, waana meelaha mugdiga uu ka galay, tusaalaheeduna yaalo meelkastaba, oo cidna aan loo sheegeyn manta, laga soo billaabo cabdiqaasim Salaad Xasan illaa Maanta aan Joogno, Darajooyinka dalka HAWIYE iyo DAAROOD ayaa qaysanayey, maalina kuma heshiin, colaad Hor leh, iyo dhibaatooyin qaranka aafeeyey ayaa laga dhexlay, waxay ku bahoon tahay in qorshaha dowladda Soomaaliyeed la badalo, haddii kale dowladdu mid soomaaliyeed noqon maysee waxay noqon doontaa mid HAWIYE IYO DAAROOD,  marka laysu geeyana soomaali ayaa ka badan, sidaas darted waxay ku haboon tahay, in formuladaasi la badalo oo lagu wareejiyo cidkale oo soomaaliyeed, kuna haboon oo qaban karto jagada madaxnimada dalka soomaaliyeed.

In qaran soomaaliyeed la dhiso, iyo formuladaas la adeegsado wax is qaban karaba maaha, dowladda xassan uu soo dhisayaa waxay ku haboon tahay inay markaan badasho Formulada H+D= dowlad Soomaaliyeed, saxna maaha, mana noqon karto, mana noqon doonto abidkeed, dowlad soomaaliyeed oo sidaas ku dhisanna ma shaqeyn doonto, waligeedna TIIHA reer Israaiil uun baa lagu jirayaa.

5. Shisheeyaha

Tan ugu dambaysa waxay tahay qolooyin waxa jira Soomaali ah, oo dowladaha dariska ah ku hoos jira oo dadkooda aan waxba u galin, lana shaqeeya qolooyinkan qaswadayaasha ah ee dalka u kala qaada tuulo tuulo, qolooyinka dowlada dariska jooga waxay ahayd in laga sameeyo hanaan laftirkiisu laga shaqeeyey iskaashi laga fekerayna lagala yeesho dowladaha, maxaa yeelay qolooyinkaasi waa Local Agents isku xira qaswadayaasha Gudaha soomaaliya iyo kuwa dariska, micnaha isku xirana waa reer Hebelnimada,  waxaana u sabab ah fahamka mustaqbalka oo kaga dhan oo kaliya reer Hebelnimo, oo qiyaaddada ay leeyihiin ay tahay, iska dhici reer hebel, garsiisayna illaa heer ka gudbaan fahamka dadnimada, maxaa yeelay qofka markuu arin uun qabanayo waxay ku haboon tahay inuu fahmo meesha uu doonayo inuu gaaro, qolooyinkaasi, wax dan ah oo ay maantay leeyihiin oo gunteeda la taaban karo ma jiraan, hadday mar dileen cabdirashiid, hadday Siyaad Barrer Laba jeer dilkiisii ku hungoobeen,  sawirka ay doonayaan waa noocee, ma Nin ajnabi ah dowlad uu kuu gacan galiyaa? Ma dowlad shacabkeeda aysan ku doonayn oo askari shisheeye kuu hayaa? Caqliga ku xiran ee ay dowladnimo ku doonayaan waa noocee, bal faham gunta hoose ee ay u socdaan.

Suuradda ama muuqaalka u sawiran waa mid ciyaalnimo, iyo garasha aan aad u fogayn oo aan dhandhan la fahmi karo, dadkana la deeqsiin karo ahayn, just waan rabaa ha laysiiyo oo kale uun weeye, waana dhaqankii ciyaalnimada, wax kale oo aan ku tilmaami lahaa mahayo.

Ciyaal waxay jecel yihiin oo aad gacanta ku hayso, in loo diido waxay ku xiran tahay inaad maskax uun u adeegsato, dowladduna waxa looga baahan yahay inay caqligeeda kaashato lana timaado aragti qurux badan oo wax lagu kala guro, lagu kala saaro, oo lagu abuuro Gidaaro waaweyn oo kala xayndaaba xargaha isku xiran ee qaswadayaasha dalka iyo dariska isku xiray.

Hindisa 2016 ma shaqeyn doono hadday dowladda aad uga fekeri weyso arimahaas, waana hubaa in fashil ku dambeyndoonto oo aysan shaqeyn doonin, haddaanan mulitable alternatve la helin, ama la imaanin dowladda soomaaliyeed ee manta jirta, oo aan si degdeg ah inta loo dhaqan galiyo, loo diyaarin qorshaha cod bixinta guud ee dalka laga doonayo inay ka dhacdo 2016, waana rajada kaliya ee hadda la sugayo ee ku xiran sida xassan iyo raggiisu u maamulaan, una gaarsiiyaan dhamaan dhulka soomaaliyeed.

Anigu markastaba waxan ka digayaa oo aan qabaa inaysan Mushkilada soomaali haysataa aysan ahayn Somaliland, ee ay tahay Puntland oo reer Hebelnimo iyo qabyaalad quruntay oo gaamurtay, ee ay waligood intay jireen ku dhasheen cilmi iyo dhaqan, iyo caafimaadkaba la qaybsatay ay tahay. Waxaa Hubaal ah in ay aad muhiim u tahay in raggaasi laga illaaliyo talada dalka Guud ahaan, illaa la xaqiijiyo, la hubiyo, ama ay ka fahmaan hanaanka dowliga ah laga fogeeyo hogaanka dalka waxan ka hadlayaa waa Puntland oo kaliya, maaha qabiilka ay ka soo jeedaan Guud ahaan. Waa ummad assassination ka sameysan, waa umad duminta dalka ka sameysan, waa ummad hana qaadka Inta afka soomaaliga ku hadasha danahooda kala weyn yahay, waa dad qiyaaddadoodu ku xiran tahay, waxay hunaan iyo waxay ku tasarufaan, waa ummad doonaysa inay ku nolaato qiyaalo.

Wixii ka horeeyey Adan Cabdulle Osmaan si muuqata oo la fahmi karo, kuna dhisan Cadli, walaalnimo, iyo xaq dhowr nin Soomaaliyeed wax loogu dhiibay maysan lahayn, talo odayeed looguma tagi jirin intaan dhaqan ahaan ka war hayno, waxaa xeer beegtida ka masuul ahaa SADE oo magic iyo maamuus ku dhex lahaa Ummadda, oo inta Taariikhda laga war hayo ku xusan Illaahay Naxariistii jano ha siiyee, Amiin Nuur oo ahaa ninkii la wareegay Xukunkii Axmed Guray ka dhintay, illaahay Janada Fardowso ha galiyo dhamaantood.

Ibraahim Cabdi Geele
jinniishumi@gmail.com

http://www.keydmedia.net/en/editorial/article/wide_gulf_between_somalias_leader_and_unsoms_head/

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s